Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by KingWaslawi »

Waar dee maanta, mucjiso rabbaani ah ayaa i qabsatay!

Mar aan salaadii casar kasoo baxay, anigoo tusbaxaygii iska rogaya, ''Subxaan allaah, subxaan allaah, allaahu akbar'' oo iska tasbiixanaya ayaa waxa mar kaliya uun horta yada lagu soo qabtay, gaadhi 7 seats ah, oo aan markii hore moodayay UBER. Markaliya uun baanu ku baraarugnay aniga iyo saaxiibkay oo kaladhka nala hayo, wuxuu leeyahay ''Shan iyo toban mirir ayaa ka dhay, waxaan ka baqayaa inaynu boosba ka wayno''

Yaab iyo ammankaag, wax alla iyo waxan uu sheegayaba wali maanu fahmin, halkii buu raafkii sii watay oo laba kursi nooga banneeyay gaadhigii, annagoo yaaban oo fajacsan, ayaanu gaadhigii soo raacnay. gaadhiga waaa nala saarnaa, mid dhuuban aan u maleeyay kuwii niikada isla gaabin jiray ee reer Boondheere iyo 4 hablood oo calanka buluugaa ku labisan, kaaga darantee gaadhiga dhexdiisa waxaad moodaysay in toban dhalo cadara lagu dhex bugaaxay udgoonka iyo bukhuurka meesha is haystay...

Intaa way buuqayaan, oo mar kaliya aamusi maayaan, midbaa soo boodoo tidhi ''Caawa waynu Farmaajay sanahay'' haddana midkaa halkan hadalkii kala booday oo tidhi iyana ''Meel aan ogahay ayaan ku qortay!'. Aniga iyo kii kale ayaa marba is eegnay, wali way buuqayaan mar kaliya aamusi maayaan, mid kale oo aniga isoo xigta ayaa iyana tidhi ''Xaflada caawa aynu u socono waxaabad moodaa Falantiin Dhaygii oo laba cisho dib u dhacday!''.

mawjadaha cadarka iyo bukhuurka kasoo baxaya ayaanu la dayaan sanahay, waxaad moodaa jawiga meesha ka jira in wabigii (Salsabiil) flood garaynaayo. Saaxiibkaybaa is hayn kari waayay oo yidhi ''Aar Farmaajo ii geeya''. ''Aar Farmaajo ii geeya''. ''Aar Farmaajo ii geeya''.

Al markaasay hablihii qiiradii ku dareen, midbaa usoo kacday oo laga gelisay iyadoo leh ''Aamus waa laguu geynaa'' ''Aamus waa laguu geynaa'' . Ilaahow naf aan wax ogayn ha cadaabin, waa hablo aan ogayn inaanu mujaahidiinta Snet nahay. Anigu nacasnimadayda weli waan amuusanahay, sxb kayna halkan buu shabacay.

La soco qaybta danbe.
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by X.Playa »

Loooool waa hablo ogayn inaanu mujaahidiinti somalinet nahay.

Yaa u sheega
User avatar
Ben Dover
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5259
Joined: Fri Mar 25, 2005 8:08 pm
Location: getrichathome.co.uk
Contact:

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by Ben Dover »

Ilaahow naf aan wax ogayn ha cadaabin, waa hablo aan ogayn inaanu mujaahidiinta Snet nahay.

:deadrose: :deadrose: :pac:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by KingWaslawi »

I bet 90% of Wallo members cannot understand what is written here. Laba qoom baynu kala nahay.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19081
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by FarhanYare »

waxaad soo qortay ma somali baa :ohhh:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by KingWaslawi »

FarhanYare wrote: Fri Feb 17, 2017 9:34 am waxaad soo qortay ma somali baa :ohhh:
:lol:
PrinceNugaalHawd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3235
Joined: Sun Apr 07, 2013 5:26 pm
Location: Khaatumo / Jubbaland

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by PrinceNugaalHawd »

Looool war ma mid kale oo soo gala meesha sxb latahay? Mise adiga kaliya iska hadlaya?
User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by whitehartlane »

KingWaslawi wrote: Fri Feb 17, 2017 9:32 am I bet 90% of Wallo members cannot understand what is written here. Laba qoom baynu kala nahay.
:lol:
Oo hadaad ba intaa aad ogayd maad xabad ama labo eray noogu soo dhextuurtid saan anakuna aan u fahano..

Maadaama farta jayniiska u eg aana fahmin, anigu hada waxaan isleeyahay qolodayda baad wax ka sheegaysay..Ee xaal bixin baanu sugayaa ..
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by KingWaslawi »

whitehartlane wrote: Fri Feb 17, 2017 4:20 pm
KingWaslawi wrote: Fri Feb 17, 2017 9:32 am I bet 90% of Wallo members cannot understand what is written here. Laba qoom baynu kala nahay.
:lol:
Oo hadaad ba intaa aad ogayd maad xabad ama labo eray noogu soo dhextuurtid saan anakuna aan u fahano..

Maadaama farta jayniiska u eg aana fahmin, anigu hada waxaan isleeyahay qolodayda baad wax ka sheegaysay..Ee xaal bixin baanu sugayaa ..
Waxaan is lahaa hadhaga bar-joobaan.
User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

Re: Sheeko i qabsatay maanta ''Waynu Farmaajay sanahay!''

Post by whitehartlane »

Waan gartay... Xafladii ma tagteen
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”