Ceelwaaq under attack by Alshabab/KDF

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Ceelwaaq under attack by Alshabab/KDF

Post by Adali »

Ciidanka Kenya Oo Askari iyo Sarkaal Soomaali Ah Ku Dilay Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.
Friday January 12, 2018 - 14:03:43 in Wararka by Super Admin
]

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay iska hor'imaad ciidanka Melleteriga Kenya iyo maleeshiyaadka DF-ka ku dhaxmaray magaalo dhacda xuduud beenaadka.

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ay ku dhinteen weerar ciidamada Kenya si barer ah ugu qaadeen ciidamo Soomaali ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dileen Col. Maxamed Aadan Yuusuf oo Ilka Case ku magac dheeraa iyo askari katirsan ciidamada Melleteriga ee Ceelwaaq ku sugan.

Xiisado u dhaxeeya labada dhinac ayaa lagasoo sheegayaan degmada Ceelwaaq oo kaabiga ku heysa xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.


Melleteriga Kenya ayaa bahdil iyo dulleysi kula dhaqaaqa maleeshiyaadka Soomaalida ee kaba qaadka u ah, mana ahan markii ugu horraysay oo ciidamada Kenya ay maleeshiyaad ku dilaan deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”