Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

wadnahadhiiga
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 499
Joined: Thu Jun 22, 2017 4:07 am

Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa

Post by wadnahadhiiga »

GUDOOMIYAHA DEGMADA WAABERI ROWDA CABDILAAHI- one of the hard working Banaadir governors






Si aan u wareysto ayaan waxaan u direy Teleefoon, waxayna igu tiri “ ii Imow Xiligaan” Dib baan Maskaxdeyda uga shaqeeyey, waxaana Go’aansadey in aan ugu Tago meel aan ku ogaa maadama habeen tahay , markiiba Bajaaj baan Daf iri , markii aan Gaarey Goobtii ayaan Taleefon u direy waxaana ku iri “waan kula Joogaa” markaas bay I tiri “ oo ku aawey kuuma jeedee “

Waxaan ku iri “ Goob Heblaayo ayaa joogaa “ inta yaabtey bay I tiri “ Khayr Alaha ku siiyee waxaana Joogaa Xafiiska Shaqada ee Gaari ma kuu soo diraa” waxaan Qalbigeyga Rumeysan waayey Xafiis Dowlo oo Xiligaan oo habeen ah laga shaqeynayo “waxaanse la sii yaabey Qofka Xiligaas Shaqeynaya waa Qof Dumar ah

Yaan war idiin ku daalinee waxaan mar kale qaatey Mooto Bajaaj, waxaana gaarey Xafiiskii , waaba meel Shaqo ka socoto, Dhinac Siminaar baa ka socda, , Dhinac Barnaamij Wacyigelin , Dhinacna kubada Baa la Cayaarayaa, markiiba waaan u galey soo dhaweyn Mar Xabeyn ka dib Qofka aan doonayey in naan wareysto waa Gudoomiyaha Degmada Waaberi Rowda Cabdulaahi Colaad

Waxaan weydiiyey maxaa kuu qabsoomey 7 Bilood ee aad Xafiiska Degmada Waaberi aad Joogtey , waxaan ku jawaabtey Gudoomiye Rowda “Intii aan Xafiiska aan Joogey wax badan baan noo qabsoomey waxa ugu Muhiimsanaa waxqabadkeena Daadajinta Maamulka min Waax ilaa Tabeele , waaa kaloo ugu Muhiimsanaa wax qabadkeena, dheeragelinta haweenka Degmada iyo Shaqo u abuurista Dhalinyarada.

Rowda waa ay sii hadashey ‘Waxaan sameyney Isgaarsiinta gargaarka deg dega ah oo labaatan Afar Saac Shaqeeya , dardargelinta Nadaafada iyo Caafimaad Degmada , waxaa si dheer la Dagaalanka Cadaaladarada iyo Musuqmaasuqa, waxaa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena Garab istaaga iyo Dhiiragelinta cayaartoyda Degmada waa Waberi oo aad ogtahay intii aan joogey ay ku guuleysteen Koobkii Degmooyinka Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha waxaa intaas sii raacisey “Degmada waxay ka qayb qaadatey Gurmadkii Musiibadii 14- Kii Oktoobar , waxa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena xoojinta Amaanka Degmada oo aad noo Caawiyeen Bulshada Degmada , sidoo kale waxaa kaloo ka md ah Abuurista Madasha wax Akhriska oo dad badan ay ka Faaiideen.

Waxay ku soo gabagabeysey Gudoomiye Rowda halku dhiga degmada oo ah “Waaberi wanaagsanaa, Walaalaheeda waa is Wataan” waxayna ii sheegtey in Shaqada soo gasho Subaxii Hal saac ilaa ilaa Shan Saac habeenkii , sidaa darteed Rowda waxay Shaqeysaa marka la isku daro Saacadaha Shaqada 16 saac iyadoo weliba haween ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
wadnahadhiiga
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 499
Joined: Thu Jun 22, 2017 4:07 am

Re: Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa

Post by wadnahadhiiga »

The 30% Female quotas not bad at all

Mogadishu have four female governors who outshine and work hard then their male counterparts
Rowda Cabdulaahi above Waaberi Saleebaan HG
Zainab Maxamuud Warasame Wardhiigley She is a Sacad HG,
Basmo Cumer Axmed Shangaani Cad Cad reer xamar,
Safiyo Sheekh Cali Jimcaale Xawaadle Shibis,
wadnahadhiiga
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 499
Joined: Thu Jun 22, 2017 4:07 am

Re: Rowda Habeen iyo Maalin Waa Shaqeysaa

Post by wadnahadhiiga »

Meet Gudoomiyaha Deg Warta Nabadda Zainab Maxamuud



Kudos to Saleebaan & Sacad for giving females to male dominated positions. this girls and other female governors are doing great rewarding jobs

Mogadishu sending an example to the rest of the world.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”