A/Weli Gaas was repudiated by Shacabka Puntilland
Moderator: Moderators
Re: A/Weli Gaas was repudiated by Shacabka Puntilland
Gaas oo laga hor-istaagay inuu khudbad ka jeediyo magaalada Garoowe
December 28, 2018
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kadib socdaal maalmood qaatey oo uu ku tegay dalka Kenya.
Gaas, oo caasimad goboleedka Nugaal ka dhoofay wax yar kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxwayne 18-kii bishaan December, ayaan kala kulmin shacabka Garowe soo dhawayntii uu ka filiyay.
Sida laga soo xigtay kooxda qaban-qaabada soo dhawayntiisa, Gaas waxuu qorsheeyay inuu shacabka kula hadlo Barxada Garowe, taasi oo looga bartay marka uu ka yimaado safarada dibada ah.
Balse, taasi ma aysan u suurtagelin shalay, waxayna timid markii shacabka ay kala hor-tageen dibad-bax iyo buuq hareeyay guud ahaan halkii uu Madaxwaynuhu rajeynayay inuu hadal-jeedin ka sameeyo.
Dadka ku mudaharaadey Gaas ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweynaha, kaasi oo ku guuldareystay inuu fuliyo balan-qaadyadii uu sameeyay markii la doortay Shan sano kahor oo ay kamid tahay doorasho qof iyo cod ah.
Madaxwayne Gaas ayaa markii uu arkay in shacabku aanu u haylaneen hadal-jeedintiisa ayuu u gudbay dhinaca Madaxtooyada halkaasi oo warbaahinta kula hadlay, isagoo muujiyay damac kaga jira in dib loo doorto.
Dhanka kale, Gaas ayaanan usoo bandhigin shacabka Puntland markii uu ka hadlayay Shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtey ujeedka safarkiisa Nairobi, ee mudada illaa shanta maalmood ku maqnaa.
Warar ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dhaqaale u raadsadey doorashadiisa, maadaama uu mar labaada u tartamayo kursiga uu shantii maalmood ee lasoo dhaafey ku fadhiyay, iyadoo uu ku fashilmay amniga, xorreynta deegaanada ka maqan Puntland iyo inuu dhameystiro hanaanka dimuqraadiyeynta oo uu soo billaabey maamulkii isaga ka horeeyay.
Tiradii ugu badneyd oo Mushariixiin ah ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 8-da January ee 2019, iyadoo Cabdiweli Gaas oo horey u lumiyay taageeradda iyo kalsoonida shacabka la sheegay in rajadiisa ay aad u hooseyso.
Isha: Garowe Online

Dekadii Boosaaso ninkii Gatay Sidee Mar labaad lagu Aamini Karaa!!!!.
Heshiiska Dekedda Bosaso oo aan Waxba ka Hirgelin iyo Waqtigiisa oo Dhamaad ah.
December 27, 2018
6 April 2017, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa shirkadda P&O Ports u saxiixay maamulka dekedda Bosaso kaddib heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka madaxweynaha Puntland iyo madaxa Shirkadda Suldaan Axmed Bin Suleyman,iyadoo uu goob joog ah Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage.
Heshiiska oo laga qariyey bulshada Puntland, sida Madaxtooyada Warsaxaafadeed ku qornaa wuxuu dhignaa sidan: Shirkadda P&O Ports ee lagu wareejinayo maamulka dekedda Bosaso, waxay maamuli doonta 30-ka sano ee soo socota. Lacagta Maalgelinta dekadda waa $336 Milyan oo dollar, Wejiga koowaad 200 Milyan ayaa ku bixi doonta Wejiga labaadna 160 Milyan dollar. Dhismaha wuxu qaadanayaa 24 bilood oo ka bilaabaneysa maalinta Heshiiska la saxiixay (6-April-2017).
Shirkaddu waxay Dhisi doontaa deked cusub oo balaceedu yahay 450 Mitir iyo Hektar kale, Joogeeda hoosana 12 mitir, waxaa kale oo la dayactiraya dekedda hadda jirta, waxaa intaa dheer maalgashi xagga IT-ga ah iyo dhismaha Terminal, wiishash iyo arrimo kale. sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Shirkaddan P&O Ports, waxaa laga leeyahay Dubai, Imaaraadka, waxaa la asaasay 2006dii, suuqa ayey ka baxday, hantideeda waxaa kala wareegtay DP World, laakin hadda ayey dib u soo laabatay, waxay shaqadeedu tahay in ay ka shaqeysiiso dekedaha yar-yar iyo kuwa dhex- dhexaadka ah halka DP World ay qaabilsan tahay dekedaha caalamiga ah ee waa weyn.
Maxaa ka Hirgalay Heshiiskaan:
Waxaa C/weli Gaas diiday inuu heshiiska u soo bandhigo maamulkiisa, isimada puntland iyo dadka aqoonta ehelka u ah ee ka dalbay in Heshiiska uu dekedda kula soo galay shirkadaha shisheeye dib u eegis lagu sameeyo si waxa ka khaldan loo saxo madaama arrintu ay tahay arrin masiiri ah, arrintaasi waxay keentay inuu C/weli ka meermeero inuu heshiiska soo bandhigo taaso ku kalifay inuu Bosasaba iman waayo.
Dadweynaha Somaliyeed iyagoo diidan Heshiska lagu dhaxal wareejinayo dekedda Bosaso, waxay kaga horyimaadeen Mudahaarado isdaba joog ah oo dhimasho iyo dhaawac badaniba ka dhacay, arrintu iyadoo halkaa maraysa waxa soo dhex galay Isimada Puntland oo marin habaabiyey Halgankii Shacab weynaha iyagoo u ballan qaaday shacabkii Kacdoonka waday inay usoo bandhigi doonaan qoraalkii heshiis lala galay shirkadda P&O Ports (Dp World) ee Dekedda lagu wareejiyey.
Arrintaas isimadu waa ku guul daraysteen inay keenaan qoraalkii heshiiska taasi waxay sababtay in shacabku ka aamin baxo isimada iyagoo u filay in Gaas iyo Isimadu si hoose heshiis is af garad udhex maray dabadeeto shacabkii aamus loogu jawaabay marka halgankoodii la kala daadiyey.
Haddaba mudadii heshiiska oo ay ka dhiman tahay 3 bilood iyo 15 beri Maxaa Qabsoomay ??
Waxaa Hubanti ah in aan irbad dun la gelin balse ay shirkaduu la wareegtay Maamulkii iyo dakhligii dekedda, shirkaddu keensatay shaqaale la wareegay dakhligii dekedda oo dhan una xawila Dubai Dakhliga maalinlaha ah ee soo baxa, marka laga reebo gunnooyinka iyo mushaharkii ay siiyaan shaqaalaha iyo askarta ay meesha ugu yimaadeen.
Waxaa cad in Heshiiskii shirkadda C/weli la galay si toos ah (automatic) uu uga buray dhanka shirkadda P&O Ports (DP World), sababta ay u joogtana ay ku xiran tahay joogitaanka C/weli.
Xigasho wargeyska kaaha bari

Shacabka Puntiland: A/Weli Uusbuudh dooni mayno.

-
theyuusuf143
- SomaliNet Super

- Posts: 17692
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: A/Weli Gaas was repudiated by Shacabka Puntilland
Gaas should be reselected.
Re: A/Weli Gaas was repudiated by Shacabka Puntilland
of all candidates Gaas-, although he failed miserably in returning Las anod, he remains the safest guy to take us forward. He's two steps ahead of N& N folks whose goal is to bring a yes man to Garowe. ( they have multiple agents in Jabiye, Ali Isse and Dini).
If he doesn't get it, Diana is my second choice

- ReturnOfMariixmaan
- SomaliNet Super

- Posts: 7771
- Joined: Tue Apr 14, 2015 8:14 pm
Re: A/Weli Gaas was repudiated by Shacabka Puntilland
Diyano is a dayuus jaajus. Fuck him and Gaas.
I prefer Ali Haji or Saciid Dheere.
I prefer Ali Haji or Saciid Dheere.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 699 Views
-
Last post by HalfSomali
-
- 22 Replies
- 2713 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 5 Replies
- 753 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 5 Replies
- 1466 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 38 Replies
- 19308 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 1 Replies
- 526 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 4 Replies
- 2120 Views
-
Last post by Broccoli
-
- 0 Replies
- 631 Views
-
Last post by FieldMarshalMenace
-
- 3 Replies
- 715 Views
-
Last post by The_Patriot