S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1937dii Hooyadii waxaa lagu magcaabi jiray Arda Xussein isaga oo 13 sano jir ayey geeriyootay, Aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974kii.
Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaallay magaalada Burco, Sanadkii 1949kii wuxuu dugsi waxbarasho ka galay magaalada Hargeysa Ee Gobolka Waqooyi Galbeed .
Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay Bishii Oktoobar Sanadkii 1977dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis ay leedahay ka fura Magaalada Hargeysa Sanadkii 1944kii.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay Dicad baxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area ee lagu wareejiyay dalka Ethiopia Sanadkii 1954kii.
Sanadkii 1955kii wuxuu S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay dugsiga Sheikh, wuxuuna ka mid noqday ardaydii uu siiyay waxbarashada Machadka Farsamada ee Cadan.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii lagu magcaabi jiray Naasariya ee dalka Masaroo ahaa kacaan ay ka shidaal qaadanayeen ummado badan.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu dalka dib ugu soo laabtaySanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday Dugsiga Hoose Dhexe ee Camuud.
Sanadkii 1959kiiwaxa uu waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray"Royal Military Academy”ee Dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku soo bartay muddo 3 sanadood ah.
Wuxuu dalka dib ugu soo laabtaySanadkii 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna macalin tababare ciidan ah uu ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1963kii waxaa loo dallacsiiyay derajada2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur daganaa magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan. Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka Soomaaliya Sanadkii 1964ii waxa ay dagaal ka galeen isaga iyo saraakiil kale ciidamo ay hoggaaminayeen Magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu guddoonsiiyay bilad geesinimo.
Sanadkii 1965kiiwaxaa uu u dallacay Derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana taliye loogu magacaabay urur ciidan oo daganaa magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha ururkaas.Sanadkii 1967kiiS/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylacoo ku begnayd waqtigii Aftida laga qaadayay dalka Jabuuti. Bishii September sanadkii 1967kiiS/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa xoghayihii Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee S/ Gaas Max’ed Siyaad Barre. S/Guuto Axmed Suleyman Dafle Sanadkii 1968kii wuxuu u dallacay Derajada Gaashaanle, Sanadkii xigay ee1969kii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay Afgambigaa soo ahaa mid aan dhiig ku daadan.
Sanadihii 1970kii -1971dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa 2 jeer loo dallac siyyay derajooyinka kala ah G/Dhexe & G/Sare 8dii bishii Janaayo sanadkii 1971kii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu noqday Taliyihii Ciidankii Nabadsugidda Qaranka, ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray. 1. Special Branch 2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
S/Guuto Axmed Suleyman Dafle inta uu taliyaha ka ahaa Ciidamadii Nabadsugidda Qaranka N.S.S. waxaa uu ku guuleystay Shirqoolladii marar badan lala doonayay in lagu fashiliyo wax qabadkii Kacaankii 21kii Okroobar.Sanadkii 1974kii wuxuu xubin ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana waxaa loo magcaabay u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.
1975 waxa uu noqday ku xigeenka labaad ee golaha sare ee kacaanka waxa uuna wasiir ka noqday wasaarada qorshaynta qaranka.
Sido kale wuxuu soo noqday kuxigeenka koowad ee madaxweynke ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudaha .
Sanadkii 1976kiika dib markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo dallacsiiyay Darajada S/Guuto,isla markaana ah Taliyihii Ciidankii Nabadsugidda Qaranka.S/Guuto Axmed Suleyman Dafle Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu S/Guuto Axmed Suleyman Dafle ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka Haatanna waxa uu ku noolyahay dalka dibadiisa.
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Markhaati leh.
By : bayaan media inc
Read the first paragraph , he was born in 1937 and by 1944 ( 7 years later) he opened the first SYL officce in Hargaysa at the age of 7.
Daarood beentoodu waaba mucjiso ,



