Faahfaahin ku saabsan ciidamadii Itoobiya ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb
November 29, 2019
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya, oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi.
Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku biiraya Ciidamadii Jabuuti ee ku sugnaa.
Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal.
Ciidan kale oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, si ay amniga magaalada u xoojiyaan.
Dowladda Somaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada ee Galmudug.
Madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Somaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen.
Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ku jira qodob qeexaya in Ahlu Sunna 35 xubnood laga siin doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug, tiiyoo ay dib uga laabatay Dowladda Federaalka Somaliya.
Inkastoo Ahlu Sunada Galmudug aanay weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxaan meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi
Breaking: hundreds of ethio troops enter dhuusomareeb
Moderator: Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1673 Views
-
Last post by Shift
-
- 0 Replies
- 380 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 3 Replies
- 1019 Views
-
Last post by abodu
-
- 14 Replies
- 959 Views
-
Last post by NGM
-
- 3 Replies
- 461 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 5 Replies
- 802 Views
-
Last post by Adali
-
- 6 Replies
- 1134 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 442 Views
-
Last post by Shirib
-
- 8 Replies
- 751 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 6 Replies
- 752 Views
-
Last post by fagash_killer