did i not tell you guys for months there is inteligence war going o in somaliaIsniin,December, 30, 2019 (HOL)-War kooban oo ka soo baxay hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii 28kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye uu qorshihiisu lahaa Dal shisheeye laakiin qoraalka laguma sheegin magaca dalkaasi
Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in Qaraxaas ay ku lug leedahay Dowladd Shisheeye balse ay sheegin dowladadaas.
“Waxaan madaxda Qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baaritaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis ayaa lagu yiri Warka NISA.
Sidoo kale Hay’adda NISA waxaa ay ku sheegtay qoraalkeeda si loo dhameystiro baaritaanka ay wadaan ay la kaashan doonaan sirdoonka Hay’ado Caalami ah.
Mas'uuliyada Qaraxan oo u muuqaal ekaan habka loo soo qorsheeyay kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe wali mas'uuliyadiisa cidna ma sheegan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
somali politicians got themself in a world they dont undertstand, abdirahman abdishakur, look at his tweetear how ready his tailer made gabay was
