original dervish wrote: Tue Mar 03, 2020 7:11 am
Farmaajo's tribal policy is failing badly....however I take no pleasure in the suffering of ordinary Somali citizens.
me too sxb and i feel bad for the people. UN said today 9000 families left their homes.
https://www.hiiraan.com/news/2020/Mar/w ... arkaMaanta
im just enjoying sxb the mad Farmaajo policies in his last year aduunka dhan dhabarkey u jeediyeen waxaa la fududeynayaa qaabkii uu ku bixi lahaa; oo ah in si gooni ah speakerka iyo pm ka awooda loogi wareejiyo si ay wadahadalo ula bilaabaan JL ooy ku jiraan mucaaradka. in la qabto doorasho pro mucaarad iyo isbadal doon ah oo uu ku bixi lahaa farmaajo in la dhiiri galiyo hirshabelle iyo Galmudug oo shirarka aayo ka talinta hawiye taageeri doona ooy ku jiraan mucaaradka. u fiirso waxaan waa dhici doonaan marka hore gudoonka baarlamaanka ayaa la siibayaa sida mursal, muudeey iyo mp khadiijo diiriye oo hor dhac u ah kheyre who will act like nuurcade
'waxay u maleeynaayeen in Yamamoto iyo Mareeykanba ay la jiraan Farmaajo ka dib marki uu Yamamoto aqoonsaday natiijadi doorashada GM oo aysan la socon daruufihi ku xeernaa ee sababay taas. Mareeykanka Farmaajo lama jiraan, sidoo kale cadaw gooni ah uma ahan Farmaajo, Laakiin qaabka Farmaajo wax u wado ayaa ah hab ka sii weecanaayo sidi Mareeykanka ay rabaan oo ah in isjiid isjiidkaan siyaasada iyo qabiilo iska horkeenkaan ay focus ka weecineeyso la dagaalanka Alshabaab sidaas daraadeed laga gudbo. Sidoo kale Mareeykanku waxuu u jeedaa Alshabaab oo ay ahayd in la sii wiiqo oo ay sii daciifto laakiin bil cagsi sii xoogeeysanaysa dhaqaalo ahaan iyo lixaadka weerarada ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya iyo meelo Soomaliya ka baxsanba sida xerada Mareykanak u lahaa Kenya. Mareeykanku sidoo kale waxuu rabaa in doorashada soo socoto si dagan u dhacdo sidi hore camal oo qaab nabad ah xukunka lagu kala wareego, hadii aysan taas dhicin fursad ayeey Alshbaab u noqoneeysaa. Sidoo kale beelaha ku xoogan koofurta Soomaaliya in ay ku qanacsanyihiin nidaamka dowladnimo, si markai ay Amisom baxdo aysan dowladda dhibaato ugu noqon. Qodabadaas dhan haduu Farmaajo iskiis u xalin lahaa, Alshabaabna la dagaalami lahaa Mareeykanku wax dhib ah kuma qabeen in uu Farmaajo waligiis joogo xataa. Mareeykanku markaan si daacad ah ayeey isku dayeen in Soomaaliya ula shaqeeyaan,aad ayeey ugu hagabar baxeen, laakiin Farmaajo ayaa ka faaidaysan waayey fursadaas.
Mareeykanku markuu wax sameeynayo Farmaajo lama tashto hadda, tusaale ahaan Marki Yamamoto uu isagu yeeray dhamaan madaxwayne goboleedyada dhan Nairobi sida Dani, Waare, Axmed Madoobe, Lafta gareen etc bil ama laba bil ka hor, Farmaajo waxuu ku dhahay....."bal fiiri wadanka madaxwayne ayaa ka tahay la i leeyahay, madaxwayne goboleedyadi ayaa nin safiir ah u yeeranayaa markaas ayuu dibadda kula kulmayaa" aad ayuu uga xumaa. Waxuu kale markaas sheegayay in sharciga doorashooyinka ee nooci hore laga badalay uusan isaga waxbo laga waydiinin. Maalin hore markuu kaaliayaha xogahaya arrimaha dibadda mareeykanka ee Afrika u qaabilsan uu booqday Muqdisho waxuu u sheegay Farmaajo in aysan aqabalaynin in waqti uu kororsado oo ay tahay doorashada in waqtigeeda ay ku dhacdo, si hufana u dhacdo."