I wrote this piece recently retelling the reer Sugulle war caused by Suldaan Xirsi Ammaan. The story was mainly collects from Isaaq elders who some of them were adult during the 1920s and heard the story from older generation who were adult during the reer Sugulle war.
The original story is written and the Daarood version adopting 90% of The element from the original inlo Aadan Galaydh and Boos Cawr .
daajaa oo kibirka wuxu ku jecelaaday la aqoon oo mar kaste ninka kibra qisada magaciisa ku sunta , ama atoor ha qisadaba ka dhiga. Sida Aadan Galaydh ama Mataan ciideed oo labduba kibir ku dhinteen , murtida na ay leeyiin ragay is maandhaafeen. Labada sheeko ba waxay ahayd in lagu sunto Boos Cawr iyo Nuur Jiir oo ka aarasaday Aadan Galaydh iyo Mataan Ciideed.
Qisadaas Qabaalka ee Boos Cawr ee idaajaa Caan ka dhigay, waxay u eegtay in sheekadii Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar oo Habar Yoonis ahaa in Lagu qurxiyey qisadaas Dhulbahante dhex martay. Sheekadaas Dhulbahante waxa loo bixiyey sheekadii Qabaalka tan Habar Yoonis na waxa loo bixiyey Haad Qadiye.
Sheekada aarsiga Jaamac Amuume waxay dhacday 1879-1880 oo ay is dileen reer Sugulle dhexdoodu.
Waxa is dilay laba wiil ay dhaleen , Suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji , Ina Guuleed Xaaji ayaa Ku dhintay is dilkii . Waxa magtii ayaa waxa isku qabtay suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji
Guuleed oo nin xikmad badnaa oo maahmaahyo badan maanta Laga dhaxlay sida;
1- ceel biyo leh ma foga, uu ula jeedo wax lagama maarmaan ka ah waa kugu qasab meel kaste ha jireene. Oo hadii biyo aad waydo oo lagugu sheego ceel xamar adoo hargaysa joogaa waad ku qasbsntay.
2- naag taad barataaba b'an. Dumar ka mid kaste dhib gaar ah aysy leeday
Guleed baa suldaan Xirsi ku yidhi:
Wiil laana qaadan maayo tol l'aana ma rabo.
Wuxu ula jeeday wiilkaygii mag l'aan kaga samri maayo, hadaad diidaana waa dagaal laysku jabo oo tolku ku baabao oo waa ii Tol la'aan.
Suldaan Xirsi Amaan oo kibirsan baa Ku jawaabay ma wiilkaygii oo dhaawac ah ayaad weliba mag bixi ila timi.
Guuleed baa yidhi waar reer sugulle isku dilkooda waxba ka heli maysaane kala daaya.
Xirsi baa yidhi waar raga hayga bajin, intu weliba kacay uu warankii la booday ayuu yidhi iga wala waatay labadeena noqon.
Maalin iyagoo reer sugulle is laayey oo labadii jillib ee aad soo xustey is laayeen ay fiidkii qolo ka mid ahi labada reer is tidhi wax karsada dabeetana dab ayay waayeen. Haddaba waxay is weyddiiyeen dab halkee ayaa inoogu dhow oo aynu ka helnaa?, waxaa markaas raggii nin ka mid ahi yidhi waxa inoogu dhow kuwii galabta aynu is dilleynnay oo uu ula jeedo qoladii kale ee ay walaalaha ahaayeen ee ay is laynayeen.
Waxa markaa la go,aansadey in dumar loo diro oo la yidhaahdo dab na siiya, waxana la yeeley sidii oo dumarkii ayaa loo direy oo la yidhi inooga soo qaada dab kolley berriba dagaalku wuu sii soconayaaye.
Markii dumarkii u yimaadeen qoladii ay u socdeen ee ay yidhaahdeen da ayaanu dooneynnaa, ayaa la weyddiiyey cida ay yihiin?. Waxay ku jawaabeen ilma hebel iyo Ilma hebel, dabcan oo dad wada dhashey oo ilmaadeer labaad iyo saddexaad ah oo shayddaan isku imtixaamey oo wey is wada garanayaane nin wax garad ahaa oo caqli badnaa ayaa ku yidhi waar dumarka si fiican u ambixiya oo dabka siiya wuxuuna si qiiro leh u yidhi ogaada reer sugullow (Dad KU XIGA IYO DABTOONA LAGAMA MAARMO) waxayna noqotey maahmaah.
Markii Xirsi Ammaan kibirkiisa loo taagwaayey ayuu inankiisii u yeedhay oo wuxuu ku yidhi aabo anigoo 20 Jir ah ayaan xaydhoobay oo uu ula jeedo waan naaxay (naaxistu immika waa shay xun caafimaad ahaan , waagaas de xooga iyo shilaysku wuxu ka mid ahaa waxyaaba lagu faano), wuxuu raaciyey aabo bal xoolaha gurigeenna jooga eeg, bal waxaynu nimvo ku jirno eeg,.
Wuxu yarkii yidhi maxaad COLAADDA reer tolkay ku faleysaa?. Wuxuu Xirsi Ammaan ugu jawaabey isagoo warankii kula soo haliilaya, ' aamus war aamus (Aabihii Wase Ifka laguma ciiline ma uurkii hooyadii ayaa lagu dili jirey)
Markii labadii reer isku birjabeen waxaa la diley wiilki caqliga badnaa dabeetana wuxuu isagoo dhaawac ah oo dhulka yaalla yidhi AABBAHAY U YEEDHA HILIBKAYGA HA CUNEE.
Xirsi Amaan waxba isna inankiisa kama danbayn waxana dillay nin reerahan laga tirada badanyahay ahaa oo shiish-wanaag ah , oo Xirsi Amaa malaa la yidhi dagaalka bar tilmaanso waxa la odhan jirey AADAN-DIIDDANE oo fallaadhaha leebka timaha madaxiisa ku qaadan jirey xoog intuu ka qabo darteed.
Xirsi Amaan oo faraskiisii fuushan ayaa wuxu arkay Aadan Diidane oo shiishka Ku haya, marku hooto dii tuuray u la waayey ayuu is arkay inu huba taa ka haystay, markaas ayuu is yidhi faraska jiidhsii Aadan inaanu leebka kula helin , Aadan isago wax yar u jira ayaa leebkii Xirsi Amaan Ku dhacay faraskiisa ka dhacay.
Waxa la yidhi markii Xirsi Ammaan falaadhi gashay oo faraskii ka dhacay isagoo dhabarka u jiifa oo naftu ka sii baxayso ceesaani ka dhex dustey labada xaglood ee addimadiisa (cidhbaha ayaa dabcan dhulka u yaalley) waayo nin dheer buu ahaa .
Gabadh ninkeedii lagu dilay dagaalkadaas oo ugu weynaa goobtii Lebi Cawal ayaa inankeeda ku guubaabinaysa inu aabihii iyo Xirsi Amaan iyo rag kale ba u aaro. Gabadhaas ma ahayn beesha HY, oo wagaas HY dhexdooda iskmay guursan jirin oo waa talooyinku kaga tagay suldaan Diiriye bay ka mid ahayd. Richard Burton baa buugiisii safarkii Seylac ku sheegay in asnay Habar Yoonis dhexdooda kala guursan.
Odayaasha qaar baa yidhaahda waxa dagaalkaas iyo dilkii suldaan Xirsi ka gabayday xaaskiisii Cawrala Ducaale Suldaan Guuleed oo Nuur Dhagacun walaashi ahayd. Waxay ku gabayday:
Calow gaydha waxa iigu wacan geeridaan qabo'e
Caawaba gelin dhexaadkaan hadba gogosha taabtaaye
Gamas baa ku dhacay aabahaa goraygii dheeraaye
Gacmo jeedlaow Warsamaey gudurii siiyeene
Gaashaan-cade Muxumed bay giringirsheen meele
Mohammed Golaxley dhigeen geedkii Lebi-Cawle
Xirsigi madaxa ahaa waa gawraceen gacal ha waayaane.
Abaanduulaa jilibka Guuleed Xaaji waxa u ahaa nin la odhan jiray Warsame Dhakaar ama Dakaar 3 nin oo walaalo ahaa ayuu goobahaas midkeed ku dilay oo Jaamac Amuume walaaladii ah , Jaamac waa Jaamac Xirsi " Dhinbiil'" Yuusuf Suldaan Diiriye. Markaas ayuu Warsame digasho raaciyey oo u yidhi " islaantan goblamiyey Amuume awaaraha hakaga baxdo".
Jaamac wuxu ahaa 17 jir waanu cod yaraa sidaas darteed ayaa loogu biixiyey Amuume oo af Somali ahaan loo yaqaan qofka aanu hadalku ka soo bixin.
Jaamac ayaa warkii gaadhay iyo hadalkii yasida ahaa ee u Warsame ku baanay inu islaanta wiilashii roona ka laayey Amuume na u reebay oo u baabah ka dhigay reerka.
Markii reer kari la dhex galay oo Guuleed Xaaji iyo Warsame oo baho Sugulle ah ayaa mag lagu xukumay intii dilka dheeraadka ahayd , intii kale duudsi lagu heshiiyey. Waxa la yidhihaadaa waxa ka mid ahaa ragii gartaas reer Sugulle qaaday gabayaa , abaandule iyo garyaqaan Kite Fiqi oo Habar Jeclo ahaa. Baho sugulle ayaa mag lagu xukumay , Warsame ayaa magtii diiday oo yidhi "geela fulaa hala bixiyo " .
Ina Xirsi Amaan ayaa marku xaalku halkaas marayo Warsame na diiday nabadii. Ayaa gabay ku tiriyey inaan nabadi jirayn ilaa u aabihii Xirsi ugu aaro jooga faraskiis
Waxa ninkaas la odhan jiray Bookh Xirsi Amaan , oo waxa dhashay gabadh Carab ah oo suldaan Xirsi Amaan Bulxaar mar u weeraray magaalada Carab kii timirta keeni jiray oo maalqabeen ahaa reer Suur ( Cumaan ka mid ah masnta) ah lagula taliyey si ay u badbaado Bulxaar iyo ganacsigiisu ba inu suldaan Xirsi siiyo inantiisa Xafsa. Colkaas dooxada Weehaan Xirsi dhigayna magaalada soo galin.. Sidaas ayuu Carab kii reer Suur Xasan Al Yaafici , Xasana ku siiyey suldaan Xirsi oo bah Carabo ayaa la yidhaahda maanta, ayadaa Bookh dhashay oo gabayaa ahaa. Wuxu Bookh yidhi.
Jidhkii ina Amaan iyo la waa jalanqayaashiiye
Jirid nimaan lahayn baa baqee taydu ii jarane
Hadii nabada jeelkeeda la helo waa anoon jirine
Jillow baan ahay haddi aabahay joogi lagu raadin.
Jaamac oo ka soo jeeda dhanka Suldaan Xirsi Amaan ayaa ku tashaday ama inu Warsame ka aarsado ama u dagaalka ku dhinto. Mudo ka dib ayaa duulaan loo diyaar garoobay.
Jaamac oon aqoon Warsame ayaa ragii waaweynaa waydiiyey dagaalka sideen Warsame raga uga gartaa.? Nin baa ku yidhi hadaynu jabno waa ninka ugu horeeya ee inagu daba jira. Hadaynu guulaysano Warsame waa ninka colkiisa u danbeeya .
Habeenkii ayuu Jaamac warankiisu iyo laba hooto wadaad asmo ugu akhriyey kuna yidhi " yaanu ceeb kaa taaban" Subaxii ayuu faraskiisii Xamar heenseeyey. Dagaalkii markii laga soo laabtay ayaa Jaamac baa yidhi ninkii Warsame waan dilay. Markaas bay raggi waaweynaa qosleen oo mid yidhi waar Warsame oo bari colka ka dhex qawdhamaya baad arki doontaan.
Islaan baa la diray oo reerkii iyo kambal kii warsame soo eegtay. Waxay soo aragtay reer murugaysan iyo maryo dhiig leh oo geed ku wadhan. Warkii bay keentay in warsame dhintay. Oo Jaamac runtii ahayd.
Jaamac wuxu wariyay in faraskiisii dagaalka la galay oo faraskiisii Warsame ka hadhin oo qoobabka hore Ku suul daaray Warsame na faraskii la kufay isna warankii ku tumaatiyey.. Warsame oo dhaawac xun gaadhay na faraskii isku tuuray oo u cararay. Waxa kale ee u gabayga ku sheegayaa Jaamac inu ka ciil baxay AF xumadii Warsame ku xaqiray.
Markaas ayuu Jaamac oo weligii gabyin ciil gabyayaa wuxu na tirinayaa tixdan cajiibka ah.
1-Col aloosan Xamarow haddii xalay la ugaanshay
2-Heensaha hadddaan kugu itibay goor aleyl dhexe ah
3-Indhaalaha haddaan kuu xidh-xidhay suuman la adkeeyay
4-Isha bari hadii loo kiciyo awrtii reer Sugule
5-Kuwii lays aqoon jiray haddii lagu ogaan duulay
6-Abaanduule Guuleed hadii ubaxa loo gooyay
7-Waa boqor agtiisa'e hadday "ililidii" yeedh'dhay
9-Usha Daba-xidh ooddiyo haddii laysu wada giijay
10-Eebada haddii laysku riday ilig-jartii hooto
11-Abdikayba intii hore hadaan dabo adeegaayay
12-Kolku ina qolyaeedkii sidii aarka nagu qayshay
13-Anigoo aqoon jirin haddii lay ogeysiiyay
14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay
15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo
17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay
18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay
19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay
20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay

20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay.
21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay.
Colaadaas Xirsi Amaan sababay, wax labada jilib isulamay hadhin waxa ku dhintay bay odayaashii ay dhaleen jiilkii noola waaga colaada qaarkood soo gaadheen 1980yadii , waxay sheegeen in 101 nin lagu dilay.
Collaadii waxa lagu kala qaatay geel mag ah oo loo bixiyey " HAAD Qadiye" oo wax la yidhi Nin la odhan jiray Wacays Cabacabaale oo waa Guuleed Xaaji ku yidhi Wacays oo Geel loo haysto " Hadaan Wacaysaw geela kaa bixiyo guunimo ma qaadanaysaa " Wacays baa yidhi haa . Marku reerkiisi gaadhay Wacays ayaa wuxu beeshiisa Ku yidhi " Ninka Guuleed Xaaji geeri ka dhowra guunimo na la raadiya" waagaan danbe ee geela magta qolada Guuleed bixisay marku Wacays maqlay ayuu yidhi geelaas waa Haad-Qaadiye isagoo daba socda waagi waxay isaga iyo Guuleed dhex maray. Odayaasha qaarna waxay yidhaahdaan gabay nin HY ahi colaada ku joojiyey baa loo bixiyey Haad-Qaadiye.
Labada qisadood waxa horsysay tan Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar. Oo Xirsi Amaan waxa la dilay 1879 kii, suldaan kii ku xigay na wuxu ahaa wiilku adeerka u ahaa suldaan Nuur Axmed Amaan oo 1881 la caleemo saaray waana suldaankki waagi danbe daraawiish abaabulay maantana qudbigiisu ku yaal Taleex. Saladanada waxa ka lahaa Ismaaciil Amaan se Ismaaciil isagoon la caleemo saarin ayuu ku dhintay dagaal ogaadeen.
Dhacdadaas waxay ahayd dhacdo caan ah oo gabayada qaar waxa la qoray 1889 oo nin Talyaani ah qoray iyo nin Jarmal ah. 1889 kii ayuu Luigi Robecchi Bricchetti gabayga Jaamac Amuume iyo Bookh ku soo daabacay majalada Italian geographic society.. Paulitschke, Philipp oo Austrian ah isna qoray gabayaga gabadhu tirisay iyo dilka Xirsi .1885kii oo Harar sadariku tagay ayuu sheekada iyo gabayga wax ka taabtay. .
Hadaba in qisada Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar badhkeed lagu qurxiyey tan Boos cawar waxa u daliil ah dhowr arimood.
1- maahmaahda Xirsi inankiisa u adeegsaday " cabanaa ma uurkii hooyadii baa lagu ciilay. Ama ifka Laguna ciilini ma uurkii hooyadii baa lagu Dili jiray.
2- Jaamac 3 ay walaalo yihiin uu Warsame dilay weedh xaqiraad ahna ku yasay Jaamac. Sidoo kale Boos isna walaalkii oo la dilay iyo Aadan Galaydh oo yasay.
3- Faraska Jaamac gabayga ayuu ku sheegayaa inu u ciidan galay faraskiisii , Boos se gabay lagama hayo sidu u caawayey faraskiisu oo isna la yidhaahdo faraskii Aadan Galaydh ayuu qoobabka ku sul daaray hadal buu ku sheegayaa. Jaamac se waa ka tuducyada Ku sheegayaa amaanta faraskiisa iyo sidu u booday marku amarka siiyey: waaka leh:

4- arinka yasida oo ay wadaagaan ta Boos inu ka ciil baxay xaqiraadii Aadan hadal ayuu ku sheegay. Se Jaamac gabayga ayuu ku sheegay tuduca 20 u fiirso. Oo waaka leh

20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay

5- Warsame oo diiday magtii oo yidhi " geela fulaa hala bixiyo " iyo Aadan oo yidhi " geelaan sumayda lahayn mag u qaata".
6- Ina Xirsi Ammaan markii la dilay " aabahay u yeedha hilibkayga ha cunee" oo ayadana lagu sheegay Ina Aadan Galaydh oo la dilay.
Gabay iyo weedho inta badan nin wixiisa gabay Ku sheegta ayaa runta u dhow.
Idaajaa sheekada Aadan iyo Boos cidiii bartay waxay ku qurxiyeen qisadii Jaamac Amuume. Weliba arinka maahmaahda Xirsi Amaan iyo faraska iyo afxumada, intaas Jaamac baa laga biliiliqaystay oo gabayga bay Ku caday. Xirsi Amaan hadakkiisa iyo wiilkiisii hadalkii ugu danbeeyey , odayaasha Isaaq ilaa waagii daraawiish iyo wixii ka danbeeyey sheekada Xirsi Amaan sidaas aan u sheegay bay u tabbin jireen . Idaajaa oo tan Qabaalka 1970fii qoray ama duubay labadii sheeko ama isaga Ayaz isku badhxay labada taariikhdood ama dadkii u tabiyey ayaa isku badhxay
Ninka Idaajaa horta isagu maba xishoodo oo waa nin u nool inu aduunka daarood baro. Sanadkii hore markay qaar iska litta hargaysa hor boodayeen isagoo ka jawaabaya eeda Daaroodism ka iyo u qaraabo kiilka suugaameed oo mar kaste 4.5 ka suugaanta isagu bilaabay 1974kii reerkiisa siiyo 4 ka somalida kake na .5 u reebo.
Isagoo eedaas iska difaacaya dadki hortooda sheekadii habartii tidhi Guuleed xaajow gurigaa b'a , ee Guleed kii laftiisi maqlay ayaduna aqoon ba ilay hadalka ayuun bay maqashay. Guuleed baa Ku yidhi islaantii ninka Guuleed eed habaaraysay maxuu ku dhimay mise ma taqaan . Ay Ku jawaabtay ma aqaan ee dadkuba waa lahaa Guuleed xaajow gurigaa b'a.
Sheekadaas oo cauurta Burco taqaan ayuu Idaajaa Hargaysa sheekadaa lafteedi uu yidhi habar baa tidhi reer siyaasadaw b'a oo ( reer siyaad oo mareexaan ah) markii la yidhi reer siyaad maxay ku dhimeen waxay ku jawaabtay , dee dadkuba waa lahaa.
Wuxu sidaas badheedhka ah dhacdadaas u badalayaa jilibkiisa , waxana hor fadhiya qaar u ka mid yahay ninka Shaacir oo caashaq aan dawo lahayn u qaba Aw Jaamac iyo Idaajaa. Iyo laba nin oo la yidhaahdo midna Badal oo shaqo laga eryey kaga aarsabayey qoraa Guribarwaaqo iyo wiil la yidhaahdo Gamadiid oo marna Majeerteen amaana marna Al Shabaab.
Idajaa oo khibrad dheer u leh ilawshiyaa dhaw ee Isaaq wuu filan waayey sida loo hor boodayey. Wuxu is lahaa goobta waxa iman ragii yaqaanay nacaybkaaga iyo qabyaladaada.
Markiiba wuxu beer laxwstay baraarkii goobta joogay oo u yidhi dawladii Afweyne ayaa hargaysa u soo dirtay 1974 inu ururiyo gabayadii Qawadhan Ducasle iyo Faarax Nuur. Idaajaa abidkii 4 gabay barnaamijkiisa oo qawdhan leeyey kama sheegin daa suugaan u ururiyee.
Mid u ururiyo daayoo mid nasab cay iyo bahdilaad ah ayuu u alifaa. Duke Hargaysa yimi 1956 ayaa wuxu yidhi Nin reer hargaysa ah ( Isaaq macnii ) maanso ku amaanay Ingiriis ka. Kuna gabyey:
Sidii habar dhali wayday
Ingiriis dhalaanaw
halkeenu kaa dhunkanaa .
45 sanadod ayuu Idaajaa iyo xulufadiisii Afweyne ku biili jiray inay taarikhda soomali iyo suugaanta ba lagu qeybiyo 4.5 , Daarood kuna helo 4 ka. Idaajaa .
Waraysi dhowr sanadood ka hor ayaa gabadh Hawiye ah waydisay suaal ay ahayd baraarku Ku helay Hargaysa ahayd inay waydiiyaan. Suuaashu waxay ahayd suugaanta beeshaada ayun baad sheegtaa oo ismaaciil mire iyo ina Cabdulle Xasan madhaaftid. Wuxu isagoo iska dhigaya nin suaasha jawabteeda diyaar u ahaa odanayaa 4.5 siyasadii ayey naga kharibtee yaanay suugaanta inaga kharibin markaasu tirinayaa dhowr gabayaa Dhulbahante ah isagoo leh ayagaa u gabayaa badan, waa dhulbahante oo hadii Harti xataa la soo raaciyo maansada iyo gabayga Ciidagale oo kaliya gaadhayn.
Kaas noocaas ah saw ma cada Inu qisadii Jaamac Amuume ku qurxsaday tii Dhulbahante? Ma xishoode Idaajaa oo waayey wax iska waabiya waxa u suurto gashay waxyaabo waalida qabyaaladu xataa gaadhin.
Waxa laga hayaa sheekh Cali Majeerteen baa Somali ugu horeeyey wax xajjka taga , Cali Majeerteen wuxu noolaa 1860. Waxa ka mid ah Raage Ugaas baa soomaali gabayada la hayo ugu fog kiisu , waa Raage Ugaas oo Muxumed Liibaan Jadeer iyo Aadan Axmed Dube Gabayxoog ba d'a weynaayeen kana midho cuslaa silsiladii dhex maray ayaga iyo Raage. Waxa ka mid ah Raage Ugass waxay. Dawladii Afweyne Iskool ugu magac dartsy Xamar wuxu ahaa ragii alanyada gabayga Somali alifay , Murtida soomali na u qeybiyey Tix Iyo Tiraab ( diiwanka dhawaan loo qoray Raage ayaa loo biixiyey) waxa kale ee Raage dusha ka saarteen inu ahaa ninka " hoyaalayeey hooy* gabayga Somali hordhac ugu dhigay..
Ninkaas ayaa Hargaysa Ku casuumeen Shaacir iyo wajiyo xunta suugaanyahan ama taariikh yahan isku sheega , Idaajaa na Ku qaban waayey cuqabooyinkii taarikhda laga galay waliba ta reerka SL u badan oo si kaste loola dagaalamayey. Hadalada hargaysa ka odhanayo ayagoo ay hor boodayaan wiilasha qiiraysan, Yuusuf Shacir , Badal iyo Gamadiid idaajaa oo eed dhinac u xaglaynta qabiil iyo beentu ka sheego suugaanta ayaa isagoo iska difaacaya arimahaas wuxu adeegsanayaa weedhi " Guuleed Xaajaw Gurigaa b'a" " oo habar aan Guuleed ba aqoon odhan jirtay, waagi danbe Guuleed laftiisa la kulmay oo u wydiiyey Guuleed maxuu kuu dhimay, ay ugu jawabtay waxba uumu dhimin mana aqaane ee weedhaas dadkuba waa lahaa. Taas oo u Mareexaan iyo reer Siyaad halkii Guuleed galiyey.
Waxan filayaa jaale Idaajaayaw Inu Raage Ugaas " hoyaalayeey hoyaalayeey hooy" xataa gaadhsiyey Masai da Tanzania . ?
Cajaladaasi waa dhaliin yaro Masai ah oo heesahooda tirinaya, ilaa 3 jeer ayay qeyb kaste Ku gabagabaynayaan " hoyaalayeey hoyaalayeey hooy*
Idaajaayaw waxan ugu gabagabaynayaa diraasadan aan ku cadeeyey in qisadii Jaamac Amuume biliiliqaysateen , wax kaste ood 45 sanadod ka been sheegteen Somalina isku dileen in sidaas hawsha yar hangool suugaanta iyo taariikh da lagaga dhicin karo adiga horarada boobaya sidaada.
The reer Sugulle clan war caused by suldaan Xirsi Amaan and Idaajaa Daarood borrowing from the story.
Moderator: Moderators
Re: The reer Sugulle clan war caused by suldaan Xirsi Amaan and Idaajaa Daarood borrowing from the story.
interesteing as always sxb.
Re: The reer Sugulle clan war caused by suldaan Xirsi Amaan and Idaajaa Daarood borrowing from the story.
Couldn't continue reading; so many grammatical errors.
Re: The reer Sugulle clan war caused by suldaan Xirsi Amaan and Idaajaa Daarood borrowing from the story.
Raage Ugaas garanaye soo sheeg taarikhda iyo suugaanta Hebel jaadeer iyo gabarXoog
Raage Ugaas wuxuu gabayo kukala maslaxay guleed Allamagan oo Bah dhulbaante iyo Bah Abasguul u coloobay .Gabayadiisuu ku kala reebi jiray muddo bilooyin ah .Wuxuuna ahaa geesi sama ka talis markuu gacal is qoomo .wuxuu ahaa halyeey erayga iyo murtida Alle u hibeeyay oo Somaliwayn ku dhaadato meerisyaduu ka tagay .
Raage Ugaas wuxuu gabayo kukala maslaxay guleed Allamagan oo Bah dhulbaante iyo Bah Abasguul u coloobay .Gabayadiisuu ku kala reebi jiray muddo bilooyin ah .Wuxuuna ahaa geesi sama ka talis markuu gacal is qoomo .wuxuu ahaa halyeey erayga iyo murtida Alle u hibeeyay oo Somaliwayn ku dhaadato meerisyaduu ka tagay .
Re: The reer Sugulle clan war caused by suldaan Xirsi Amaan and Idaajaa Daarood borrowing from the story.
Another Darod myth debunked. Their goal is make up more lies before the truth catches upX.Playa wrote: Thu Jul 02, 2020 10:46 pm I wrote this piece recently retelling the reer Sugulle war caused by Suldaan Xirsi Ammaan. The story was mainly collects from Isaaq elders who some of them were adult during the 1920s and heard the story from older generation who were adult during the reer Sugulle war.

So there is huge issue here about the legitimacy of the response in itself.
Sir, have you ever imagined that you created the basis of what you purport to be responding to?
I am not being facetious and I am also ready to explain once I understand exactly what you need to know to be made to receive my advice as a benefit?
Do you recognize that there are both a destructive and an instructive way to respond to information you deem lacking?
Full Disclaimer;
1. This is my new nick as Vol
2. I am Marehan
3. I am also reer Siyaad Ugaas (Diini)---the sub-clan in question and Idaajaa is both kin and a family friend

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 4029 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 15 Replies
- 2100 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 0 Replies
- 418 Views
-
Last post by Sugulle2
-
- 0 Replies
- 377 Views
-
Last post by Winston
-
- 10 Replies
- 621 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 2 Replies
- 789 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 6 Replies
- 871 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 10 Replies
- 831 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 9 Replies
- 2163 Views
-
Last post by ina aadan