Saciid Deni ,Qoorqoor,Axmed Madobe and Laftagreen team up against Madasha, they call Madasha Illegal unrecognized group

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Kees70
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2193
Joined: Tue Feb 18, 2020 2:40 pm

Saciid Deni ,Qoorqoor,Axmed Madobe and Laftagreen team up against Madasha, they call Madasha Illegal unrecognized group

Post by Kees70 »

Image
Madaxweynayaasha Maamullada Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Siciid Cabdullahi Deni, ayaa billaabay olole, ay madaxda Maamul goboleedyadu ku diyaarinayaan qorshaha lagu wajahayo, mucaaraddada xooggan ee ka soo wajahan Golaha Midowga Musharixiinta, oo shir maalintii labaaad galay uu uga socdo Muqdisho.

Sida ay ku warramayaan ilo loo qaateen ah Qoorqoor iyo Deni, oo dhawaan ku wadahadlay qadka taleefanka, ayaa isku raacay in Maamul gobolleeyadu si buuxda u diidaan la kulanka Musharixiinta, isla-markaana soo saaraan war-saxaafadeed sheegaya inysan aqoonsaneyn Midow Masharixiin, inta ay taartamayaashu ka qaadanayaan kaarka baratanka.

Figraddaan, waxa ay si fudud kaga iibiyeen Madaxweynaha Koofur-galbeed Cabdicasiis Lafata-gareen, halka sida xoguhu sheegayaan uu ka biya-diiyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Qoor-Qoor ayaa si aan ka gambaad lahayn u difaacay qaabka uu u maamulay doorashadda Kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug, kuwaas oo lix kamid ah dhawaan lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xuranta maamulkaas.

Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa la filayaa in ay si wadajir ah u cambaareeyaan qaabka ay u socoto doorashada Aqalka Sare, isla-markaana ay qaaddacaan qodobbo ka mid ah habraacyada doorashada Aqalka hoose.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ku soo wajahan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si mar kale, looga wada hadlo wajiga labaad ee doorashooyinka dalka, gaar ahaan Aqalka hoose.

Muqdisho-Somalia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”