
Xasan Cali Kheyre oo Malaayiin Dollar looga dhacay Kenya
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa in muddo ah ku sugan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu u joogo baadi-goobka malaayiin dollar, oo ay ka dhaceen ganacsato Somali-Kenyan ah, oo si weyn uu u naas-nuujiyay intii uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu sarreeya Soomaaliya.
Sida ay muujinayaan xogo hore u soo baxay, saddex sano ka hore, RW Kheyre, ayaa dhul 10 Higtar ku dhow, ka iibsaday meel u dhow degaanka loo dalxiis tago ee [Maasai Mara] kaas oo dhacda koonfur-galbeed Kenya, una dhow xudduudda Tansaaniya, isla-markaana ay maraan wabiyada Mara iyo Talek, si uu dib ugu sii iibiyo sanado kadib.
Bartamihii sanadkii hore, ayaa dib loo iibiyay dhulkaas, waxaana ‘soo iibsashada iyo iska iibintaba’ fududeeyay Qareen lagu magacaabo, Aadan Daa’uud Maxamed, iyo shaqsi kale, oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Gooni, oo ka mid ah, shaqsiyaadka fadhigoodu yahay Nairobi, ee RW Kheyre, u haya, lacagaha caddaanka ah.
Hayeeshee, la-yaabka ayaa ah, in lacagtii dhulkaas, aysan dib ugu laaban akoonka Ra’iisul Wasaarihii hore, isla-markaana ay kala qaateen Qareen, Aadan Daa’uud Maxamed iyo Walaalkiis, Cali Daa’uud Maxamed, oo Kheyre u soo noqday, la-taliye sare oo dhanka siyaasadda, degaanka iyo isbeddelka cimillada ah.
RW Kheyre, ayaa dhamaadkii 2017, Cali Daa’uud, u magacaabay xilka la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha, hayeeshee, u jeedku wuxuu ahaa, in dhinacyadu is aaminaan, waxaana Cali la dejiyay hoteelka Doorbin, halkaasoo uu ku qaadanayay ku dhawaad $15,000, bil kasta, ugu danbeynse, wuxuu wad u noqday lacagtii naas-nuujiyihiisa.
Sidoo kale, Kheyre, wuxuu qeyb weyn ku lahaa, in Qareen, Aadan Daa’uud, oo ah shaqsi aad ugu dhow, Uhuru Kenyatta, uu guursado, gabar uu adeer u yahay Ra’iisul Wasaarihii hore, si ganacsiga darafyada la isugu sii dhaweeyo, looguna baddeyo mid xidid iyo qoys, hayeeshee, qorshahaas, isna badbaado uma noqon lacagta Kheyre.
Bishii Oct, 2020, Kheyre, wuxuu Qareen, Aadan Daa’uud, ka dalbaday inuu qaban qaabiyo qorshaha booqasho uu ku tagayay Nairobi, waxaana la dajiyay Hotelka Radisson Blu, oo u dhow Madaxtooyada Kenya, halkaasoo uu kula kulmay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, oo qudhoodu is-araggas lacag ku qaatay.
Sida ay noo xaqiijiyeen, ilaha kala duwan ee aan xogtaan ka soo xigannay, kulankaas, oo u jeedkiisu ahaa olole siyaasadeed oo kaliya, ayay ku baxday malaayiin dollar, waana mid ka mid ah sababaha ay ganacsatadu, dhamaadkii sanadkii hore Kheyre ugu wargaliyeen in aysan wax lacag ah u heyn, oo qarashaadkiisii uu hore u isticmaalay.
Kheyre, oo lagu tilmaamo shaqsi galangal badan, ayaa la sheegay inuu hadda Xurunta dalka Kenya u joogo, sidii arrinkaan loogu xallin lahaa qaab dhaqn ah, waxaana todobaadkaan, fashilmay isku daygii 1-aad ee ay isku hor fariisteen odayaal, ka kala socday labada dhinac, [Murusade iyo Dagoodi], kulan ka dhacay, Huteelka, Movenpick, dabaqiisa lixaad.
Xogta kulankaas ayaa sheegeysa, in odayaasha wakiilka ka ah ganacsatada, ay ku doodeen, in RW Kheyre, keeno xogta rasmiga ah ee lacagta, sida; caddadkeeda, qaabka ay u gashay gacanta qareenka, xillga uu u dhiibay IWM, ama uu aado, garsoorka dalka, oo ay sharciga ku kala baxaan shaqsiyaadka uu ka dacwoonayo, ee lacagta ka qaba.
Hayeeshee, tallaabadaas, ayaan suuragal u ahayn Kheyre, maadaama lacagtu markii hore, sifo sharci-darro ah ku gashay Kenya, isla-markaana ay qeyb ka tahay malaayiin dollar oo uu ka dhacay shacabka Soomaaliyeed inii uu joogay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laga soo billaabo 2017 ilaa 2020.
Odayaasha wakiilka ah Kheyre, ayaa sheegay in lacagta ay Qareen, Aadan Daa’uud Maxamed iyo Walaalkiis, Cali Daa’uud Maxamed, ka dhaceen Ra’iisul Wasaarihii hore ay tiradeedu ku dhowdahay 20 Milyan oo dollar, waana lacagtii ugu badneed ee laga dhaco siyaasi Soomaali ah, sanadihii la soo dhaafay.
Kheyre, oo saddex sano iyo bar ahaa Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Dowladdii Farmaajo, ayaa shaqada laga raacdeeyay isaga oo aan la imaan wax xisaab xir ah, marka laga ximaado, xisaab-xirkii 2017, oo buuq iyo is-qabqabsi awgeed, la ansixiyay muddo kadib.
RW Kheyre, waa masuul ugu horreeyay ee kala dira Guddiga Miisaaniyada, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Laxisaabtanka Haayadaha Dawladda, kadib markii ay bannaanka keeneen malaayiin dollar oo ku maqan jeebkiisa 2018kii