Bantu countries of east Africa ignore Hassan ulusow and the Bunker and refused to condemn Somaliland and Ethiopia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Bantu countries of east Africa ignore Hassan ulusow and the Bunker and refused to condemn Somaliland and Ethiopia

Post by Khalid Ali »

Soomaaliya oo qaadacday bayaanka shir looga aamusay xad-gudubka Itoobiya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaadacday qodobadii kasoo baxay shirka 32-aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka.

Shirkaan oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Kenya, uuna shir guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto, ayada oo qeybaha hore diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika.

Waxaa ka qeyb-galay wasiirada gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, ayada oo dhanka Soomaaliya ay uga qeyb-galeen wafdi uu hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo xubno sar-sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, oo iyagu markii dambe iskaga soo baxay.

Xubnaha ka socday Soomaaliya ayaa madaxda qeybta ka ahaa shirka u cadeeyeen mowqifka dowlada federaalka ee laga soo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, balse shirka ahmiyad gaar ah ma siin arrintaan taas oo keentay in xubnaha Soomaaliya iskaga soo baxaan shirka.

La-taliyaha sare xaga amniga ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Diirshe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay qaadacday qodobada laga soo saaray shirka, kaasi oo looga gaabsaday xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soom
aaliya.

“Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32-aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya,” ayuu yiri La-taliyaha sare xagga qmniga ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdi Diirshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda shirka ka qeyb-gashay ay u gudbiyeen mowqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filayaan in markale dib loo soo saaro bayaan cad, kaasi oo lagu taageerayo go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xad-gudubka Ethiopia.

Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in shirkii urur-goboleedka IGAD lagu dhalleeceeyo xad-gudubka Itoobiya, ayada oo sidoo kale taageero ka heshay dalal badan oo caalamka, waxayna weli dadaal ku bixinaysa xoojinta cadaadiska diblumaasiyadeed ee Itoobiya lagu saarayo inay ka laabato heshiis beenaadkii Addis Ababa.

Xigasho
User avatar
barbarossa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5560
Joined: Mon Sep 19, 2011 11:58 am
Location: Souviens-toi l'essentiel, oublie l'eccessoire.

Re: Bantu countries of east Africa ignore Hassan ulusow and the Bunker and refused to condemn Somaliland and Ethiopia

Post by barbarossa »

After years of utter neglect, Fortune appears now determined to take iidoor as her new favorite.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”