Remembering a Somali Patriot (Article in Somali)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Remembering a Somali Patriot (Article in Somali)
Xuska 18 sano Guuradii ka soo wareegtay Geerida Halgame C/laahi Ciise Maxamuud iyo taariikhda Halgankiisi oo dhan.
Munaasabad Heer Qaran ah oo lagu maamuusayay Xuska 18sano Guurada ka soo wareegtay geerida Marxuum halgamaa C/laahi Ciise Maxamuud ayaa shalay galabta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho,iyadoo xafladaasi ay ka soo qeyb galeen, Siyaasiyiin, aqoonyahano, Waxgard iyo Marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Munaasabadda Xuska Halgamaa C/laahi Ciise ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Halgame Cali Shido Cabdi oo si weyn uga hadlay tariikhdii iyo hawl karnimo C/laahi Ciise iyo Halgankii uu u soo maray Xuriyadda iyo Madaxbanaanida Umadda Soomaaliyeed.
Cali shido Cabdi ayaa sheegay in Halgamaa C/laahi Ciise uu ahaa Geesi aan ka libiqsan danta iyo xuriyad gaarsiinta umadda Soomaaliyeed iyo sidii ay isaga tuuri lahayd Heeryadii Gumeysa.
Sidoo kale waxaa xuska Halgamaa C/laahi Ciise Khudbado kale duwan ka soo jeediyay Xubno isagu jira Siyaasiyiin iyo aqoonyahano soomaaliyeed oo ka waramay Taariikhda lama ilaabaanka ah ee halgamaa C/laahi Ciise ku Lee yahay Umada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.
Halgame C/laahi Ciise maxamuud waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye sanadkii 1922kii,Aabihii waxa uu geeriyooday isagoo yar waxaana soo korisay Hooyadii oo la oran jiray Mareero Diini.
Halgame C/laahi Ciise waxa uu Dugsiga Qur’aanka iyo Wabaxashada Dugsiga Hoose iyo dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1938 waxa uu ka qalinjabiyay Dugsiga sare ee taliyaaniga wuxuuna noqday maamule Xafiis.
Sanadkii 1943dii waxa uu xubin ka noqday Xisbigii SYC waxa uuna xaruntii ugu Horeysay ee xisbiga ka furay Degamada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1944kii.
15/05/1947dii waxaa halgame C/laahi Ciise Maxamuud loo doortay Xoghayaha Guud ee ururkii SYC.
Halgame C/laahi Ciise oo dardargaliyay halganka Xisbiga SYC waxa uuna badalay magaca Xisbiga SYC isagoo u badaalay SYL(Somali Youth League) wuxuuna soo saaray barnaamijkiisa siyaasadeed oo ka kooban 5 qodob oo kala ah:-
1-in la raadiyo Gobanimadda iyo Xuriyada shanta Soomaaliyeed oo mideysan.
2-in lala dagaalmo kala qeybinta qabyaaladda ku dhisan.
3-in laga taqaluso Cidii ka hortimaada danta Umadda Soomaaliyeed.
4-in waxbarashadda lagu baahiyo dalka oo dhan lana dhiso aqoonta dhalinyaradda Soomaaliyeed..
5-in la qoro Afka Hooye ee Soomaaliga ah.
Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu sanadkii 1947dii gudoomiyay fadhigii tariikhiga ahaa ee golaha dhexe Ururkii SYL ee lagu gaaray xuriyadda 10sano oo Trusteeship-ka.
Halgame C/laahi Ciise waxa uu horsed ka ahaa dagaalkii Hanoolaato ee dhex maray Gumeystihii Taliyaaniga iyo Umada soomaaliyeed sanadkii 1948dii,dagaalkaai oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo taliyaani,15 roox oo Pro Taliyani ah iyo Xaawo Cusmaan(Xaawo Taako).
13 bishii janaayo 1948 halgame C/laahi Ciise Maxamuud iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ay warqad u direen Xoghayihii guud ee qaramada Midoobay, oo ay u sheegeen iney doonayaan Soomaali mideysan oo xuriyad gaarto.
28/10/1948dii waxa uu Halgame C/laahi Ciise u dhoofay Magaalada Paris ee dalka Farance si uu uga qebgalo shirkii 4ta dowladood ee gumeysan jirta Dalka Soomaaliya ugala hadlo Arimaha Soomaaliya,waxa uu gumeysigu isku dayay iney ku mudaan Irbad Sun ah, C/laahi Ciise ayaa Muqaalkiisa isku Ekeysiiyay Nin la oron jiray Maxamed Yuusuf Aden Muuro oo ay isku Ekaayeen muqaal ahaan,ka dibna talaalkii lagu dhuftay ninkii kale oo mudo 6bilood ah sariirta la jiifay Waxaasaa wadaniyad la yiraahdaa Ilaah ha ka wada raali noqdee.
Dhageyso heesstan uu curiyay Abwaan Cabdi Muxumud oo sida weyn uga faaloonaysa Halgamayaasha ay ka midka yihiin Halgame Maxamed Yuusuf Aadan Mauro iyo Cabdullaahi Ciise iyo sidii Dowladii Kali taliska aheyd ula dhaqantay.Heesta magaceeda waxaa la yiraahdaa Raggii Calanka dhaliyay ama
Xaggebaan Ciirsanaa Qofba sida uu u yaqaano waxaana ku luqeyso Fanaanadda Aan Jecelnahay Saado Cali Warsame, Naaxiyadda cidda Sameysay ma hubno waxayse u eg tahay in Mulaxan Xasan sabriye Ama Cabdi kariim Jiir midkood Sameeyay, angaa soo heli doona haddii Alle Idmo.
Halgame C/laahi Ciise waxa uu 30/10/1948dii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada London waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Ducaalle Maxamed,Ibraahim Maxamed iyo Rag kale oo ka mid ahaa ururkii SYL.waxa uuna la kulmey halgame C/laahi Ciise British foreign office.
Bishii Maarso Sanadkii 1949kii Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada midoobay ee magaalada Newyork ee dalka Mareykanka halkaasi oo uu ka waday diplomaasiyada uu xuriyada Soomaaliya ugu raadinayay.
13/06/49kii waxa uu halgme C/laahi Ciise soo garsiiyay Xisbigii SYL isaga oo ku sugan Magaalada Newyork Qoraalkii Caanka ahaa ee la oron jiray (Appello ai Somali) oo u sheegay SYL Khatarta uu wato qorshahaasi,isla markaana kaliftay inuu ku kala qebsamaan Qaramada Midoobay.
Halgame C/laahi Ciise waxa uu suurta galiyay in Qaramada Midoobay ay ogolaato in Koonfurta Soomaaliya xurnimo lagu gaarsiiyo Mudo 10 sano uuna maamulo taliyaaniga oo la soconya Gudi Qaramada Midoobay ka socda.
Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guulestay in Qaramada Midoobay uu ku qanciyo in la isfeersuro calanka Taliyaaniga iyo kan soomaaliya sanadkii 1954tii.
Sanadkii 1956dii waxa uu noqday raii’sulwasaarihii ugu horeyay ee Soomaaliya waxaana xukuumadiisa lagu dhisay sharciga No=1 ee 07/05/1956dii.
1959kii Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu mar kale ku guuleystay in uu qabto Xilka raii’sulwasaaraha.
Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu Aaabulay Sharcigii lagu dhisay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed 14/04/1960kii wuxuuna darajadda Janraalka ah u dalacsiiyay Daa’uud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.
Alaha u naxariistee Halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu dalka ka soo qabtay Xilal kala ah:-
1960- 1964tii waxa uu ahaa wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya.
1964 - 1967dii waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.
1967 - 1969kii waxa uu ahaa wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.
1969 - 1973dii Halgame C/laahi Ciise Maxamuud ka mid ahaa madaxdii soomaaliyeed ee Inqilaabka Milatari uu ku Qabsaday taliskii Maxamed Siyaad Barre,lana Xiray 4 sano.
Halgame C/laahi Ciise Maxamuud 1973-1984kii waxa uu ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sweden,isla markaana wakiil ka ahaa Dhamaan dalalka la isku Yiraahdo Scandinavia.
Allaha u naxariistee halgame C/laahi Ciise Maxamuud 24/03/1988kii waxa uu ku geeriyooday Dalka taliyaaniga Magaalada Roma, waxaana meydkiisa dalka dib loogu soo celiyay 29/03/1988 waxaana loo sameeyay Aas Heer Qaran ah oo ay ka wada qeyb lageen dhamaan halgamayaashii SYL iyo Umadda Soomaaliyeed,maalintaasi oo loo aqoonsaday Geeridii Aabihii Xuriyadda Soomaaliyeed, waxana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.
Allaha u Naxaristee halgame C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu guursadey labo xaas oo la kala yiraahdo:-
-Hooyo Faadumo Maxamed iyo Hooyo Ruqiya Sheikh Xuseen Cismaan.
Caruur waxa uu ifka kaga tagay labo gabdhood iyo hal wiil oo kala ah:-
1-Faadumo C/laahi Ciise Maxamuud.
2-Xaliima C/laahi Ciise Maxamuud.
3-Cali C/laahi Ciise Maxamuud.
waxa ayna Caruunta halgame C/laahi Ciise iyo Hoyooyinkooda ku kala nool yihiin Dalalka Sweden iyo Mareykanka.
Taariikh Xuusuta iyo Qadarinta Mudan ee Halgame C/laahi Ciise Maxamuud ma ahan mid lagu soo koobi karo hadal iyo qoraal Baalka Dahabka ah ee uu kaga Jiro Taariikhda Umadda Soomaaliyeed.
Allaha u naxariisto,Necow Udgoon iyo Naruuro iyo Nuur Eebe haku siiyo Iilka Xabaasha Halgame C/laahi Ciise Maxamuud oo loo yaqaano Aabihii Xuriyadda Soomaaliya.
Abwaanka Weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdullaahi ciise Sangub ayaa wuxuu u tiriyay Hees la magac baxday
Heegan aan ahaadoo horseedo waa la ii hanweyn yahee Hogaansho,
waxaa ku luqeeyo Fanaanka Codka Macaan ee Wadaniga ah Xasan Diiriye Faarax iyadoo Laxanka iyo Miyuusigga ku luran uu qaabeeyay abwaanka weyn ee wadaniga ah Mulaxan Saciid Maxamed Xarawo, nala dhageysta.
Heesaha Loo tiriyay Halgamaa Cabdullaahi Ciise iyo Halgamayaashii kale ee la midka ahaa intaa kuma koobna waxaa jiray heeso fara badan oo uu tiriyay Naxariistii Janno Allaha Siiyee Aabaha FAnka Soomaaliyeed Al-Xaaji Xuseen Aw-Faarax Dubbad uu si khaas ah uga faaloonayo Halgamaa Cabdullahi Ciise, kuma heyno Keydka heesaha HobyoNet, waanse ku raad joognaa.
Balse aan soo qaadano heesta ah :
Ma loo dhashaa wadanii mise waa la iska dhigi karaa wadani
oo ay ku luqeeyaan hobollada Horseed ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Mirihii Xaajiga Allaha u naxariistee Naaxiyadii Aabaha Naaxiyadda iyo Miyuusiga Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Cabdillaahi Qarshe.
Waxaa Xusid Mudan Heesta aadka u macaan oo iyana laga soo minguuriyay khudbadii Halgamaa Cabdullaahi Ciise ka jeediyay U.N. ka , hhestaasi oo ah:
Gobanimadayada Guulow adkey,
Reer Guuraa iyo Gabar timaha Tidcani Waa waxa dhulkeena u gaar ahee la inagu gartaa..
taasoo halgamaaga khudbadiisu ay aad u sifeysay dhulka Soomaaliyeed BaaxadiisaSida Geed qodax leh iyo Godin iyo Hankool waa Waxaa dhulkeena u gaar ahee la inagu gartaa,,,
Waxaa heestaa ku luqeysa Hoboladda codka Macaan ee Haboon Cabdullaahi Xirsi iyadoo Miraheeda uu sameeyay abwaanka Weyn Maxamuud Cabdullaaho Sangub, Naaxiyaddana uu Raaciyay Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad .
Diyaariye C/qaadir Axmed Colaad.
Muqdisho-Soomaliya

- Mad_Dog206
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3991
- Joined: Sat Jan 10, 2004 7:00 pm
- Location: With President Kim Jong Il, President of Jubbaland State of Kenya
-
Pablo Escobar
- SomaliNetizen

- Posts: 386
- Joined: Sun Dec 11, 2005 9:14 pm
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Ignore MArduuf. he is a piece of Sh&t
MadDog.. you sure love anyone who has Marexan as abtiyaal. So if my Wargadhac g/friend ends up being the mother of my kids will you be as supportive ?
Cabdullahi Ciise allahu naxaristo was one of the few Somalis respected across the board by all Somalis. At his funeral, every qabiil was present and paid respect to a founder of the Somali state

Allah u naxariisto, rest in peace my uncle, above all he was a truelly Somali.
Its a shame to see today for all those who has strugle for the unity of Somali. that there is still an illness amoung Somalis(like marduuf)
a Mental illness call Qabilist. Marduuf you talking about hell, well, well Allah has promise Hell fire for those who will have hate against their Muslim brothers/sisters. Have a clean heart,coz Allah loves those who love their bro/sis for the Sake of Allah.
One has to save his/her soul from Hell fire thats all it Matter.
(mooryan,marduuf it aint matter at all)
Allah Akbar
Its a shame to see today for all those who has strugle for the unity of Somali. that there is still an illness amoung Somalis(like marduuf)
a Mental illness call Qabilist. Marduuf you talking about hell, well, well Allah has promise Hell fire for those who will have hate against their Muslim brothers/sisters. Have a clean heart,coz Allah loves those who love their bro/sis for the Sake of Allah.
One has to save his/her soul from Hell fire thats all it Matter.
(mooryan,marduuf it aint matter at all)
Allah Akbar
- Mad_Dog206
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3991
- Joined: Sat Jan 10, 2004 7:00 pm
- Location: With President Kim Jong Il, President of Jubbaland State of Kenya
[quote="AbdiWahab252"]Ignore MArduuf. he is a piece of Sh&t
MadDog.. you sure love anyone who has Marexan as abtiyaal. So if my Wargadhac g/friend ends up being the mother of my kids will you be as supportive ?
Cabdullahi Ciise allahu naxaristo was one of the few Somalis respected across the board by all Somalis. At his funeral, every qabiil was present and paid respect to a founder of the Somali state[/quote]
u know i was jokin waraa..Abdullahi Ciise was a patriot and i giver respect where its due
his mom being marehan and him bein raised by his rer abti is just a bonus
p.s. beenta dhaaf u dont have my rer ayeyo as g/friend..ur just bein stereotypical cuz sacad and wagardhac share deegaan.
MadDog.. you sure love anyone who has Marexan as abtiyaal. So if my Wargadhac g/friend ends up being the mother of my kids will you be as supportive ?
Cabdullahi Ciise allahu naxaristo was one of the few Somalis respected across the board by all Somalis. At his funeral, every qabiil was present and paid respect to a founder of the Somali state[/quote]
u know i was jokin waraa..Abdullahi Ciise was a patriot and i giver respect where its due
his mom being marehan and him bein raised by his rer abti is just a bonus
p.s. beenta dhaaf u dont have my rer ayeyo as g/friend..ur just bein stereotypical cuz sacad and wagardhac share deegaan.
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
- kambuli
- SomaliNet Super

- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
A patriot does not have a tribal affiliation... Abdilaahi Ciise Alla yaa raxmu was a Somali patriot. We should be proud of him and his likes..... May he rest in the best heaven.. Aamiin..
I heard very lately about the Muuro and the vaccination story. It is really a very touching story... I wish we will one day go back to that healthy Somalinimo
I heard very lately about the Muuro and the vaccination story. It is really a very touching story... I wish we will one day go back to that healthy Somalinimo
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Kambuli ,, Did u know he lived in NY for over 1 year to lobby for Italian Somaliland independence ? The Arab nations were not supportive of the independence of Italian Somaliland in 1960 because they supported that Libya get its independence then.
Guess which nation supported the Italian Somaliland independence cause ? Who funded the costs of Abdullahi Isse and lobbied for the independence cause ?
The Israelis.

- Mureedi
- SomaliNetizen

- Posts: 422
- Joined: Thu Mar 09, 2006 3:24 pm
- Location: Minin Aw Cusman, martidii moodo munaafakh waaye
It is not healthy to associate such distinguished figure into one qabiil, that is the Somali sickness. I bet when he was fighting for independence, he never allied himself with one single clan but rather as a Somali, why not continue his legacy (in his person) and stop pushing him to one specific qabiil. Peominent figures are too mature to be inclined to one qabiil, let's take a lesson from their lifestyles and implement what they left behind.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 449 Views
-
Last post by Ganjaweed
-
- 1 Replies
- 450 Views
-
Last post by TheNewElectedWarLord
-
- 52 Replies
- 2753 Views
-
Last post by melo
-
- 0 Replies
- 493 Views
-
Last post by GeelSanKaTaabte
-
- 114 Replies
- 13782 Views
-
Last post by Ben Dover
-
- 0 Replies
- 523 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 802 Views
-
Last post by gemini07
-
- 10 Replies
- 1512 Views
-
Last post by musika man
-
- 82 Replies
- 4457 Views
-
Last post by Grant
-
- 5 Replies
- 878 Views
-
Last post by abwaan1