Breaking news:: Maxkamad Islami In Beledwayne Today!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Breaking news:: Maxkamad Islami In Beledwayne Today!!!

Post by Lacageylacag »

Kacdoon ay soo abaabuleen Gole la magac baxay midnimada iyo badbaadada oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa lagaga saaray magaaladaasi maamulkii Yuusuf Daba Geed ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaare Geedi ayada oo halkaasina lagaga dhawaaqay maxkamad islaami ah.



Kacdoonkii maanta oo uusan dhiig ku daadan ayaa waxaa lagu guulaystay in gabi ahaanba magaalada laga saaro maamulkii ka talinayay magaaladaasi taasi oo u muuqata mid daba socota kacdoonka ka dhacay Muqdisho ee lagu saaray hogaamiye kooxeedyadii awooda is bidi jiray.



Guddoomiyaha golaha midnimada iyo bad baadada gobolka Hiiraan Faarax Macallin Maxamuud ayaa u sheegay saxaafada in kacdoonka uu ka dhashay dhibaatada maamulka Yuusuf Dabageed uu ku hayay shacabka reer Hiiraan, waxa uuna xusay in magaalada lagaga dhawaaqay maxkamad islaami ah ayada oo maamulka magaalada iyo guud ahaan gobolkana ay ka tashan doonaan waxgaradka iyo shacabka reer Hiiraan.



Kacdoonkan maanta lagu qabsaday magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xilli kacdoon ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay horkacayaan maxkamadaha islaamiga ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe.



Cabdillaahi Hilowle.



Idamaalenews,Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”