Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Burco, Md Maxamuud Axmed Xasan (Dhago-laab), oo ka qayb galay Xafladii Furitaanka Hoteelkaasi ayaa xusay mihiimada ay u leedahay , Hirgelinta Meheradaha Noocani oo kale ahi Magaalada Burco, waxana uu Gudoomiyuhu Sheegay, in uu ku farax san yahay Hirgelinta Maandeeq Hoteel isla markaasin aya soo dhawynayaan, Isaga iyo Muwaadiniinta kale ee ku rajada weyn Maalgashiga Hoteelada Noocani ah,
Gudoomiye Xigeenka, Gobolka Togdheer Mr Guleed Daahir Sameter, ayaa isaguna Xafladaasi Furitaanka Hudheelkaasi ka Jeediyay Hadlo Kooban oo isugu Jira Mahadnaq Iyo Dhiiri Gelin, uu dadweynaha Reer Burco Ku dhiiri geliayay Wax soo saarka iyo Maal gashiga Gobolka Togdheer.
Xafladani oo ahayd Xaflad Balaadhan Isla markaasina Kulmisay, Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahano Reer Burco ah , isla markaasin u Muuqday Kuwo ku kala Qaybsanaa, ololihii tartanka Doorashooyinkii Baarlamaanka Somaliland, Hasa ahaatee aan in mudo ah Isugu iman Fagaare Noocani oo kale ah, ayaa siyaasiyiintii Ka qayb gashay waxa ka mid ah Dr.Cabdi Aw-Daahir Cali, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Sida weyn looga Tix galiyo Gobolka Togdheer, iyo rag badan oo ay ku kala falaagoobeen Ololihii tartanka Doorashadii la soo dhaafay.
Hasa ahaatee, Dr. Cabdi Aw-Daahir kama uusan hadlin Xafladaasi, waxana uu u muuqday Nin ka Cudur daartay in loo dhiibo Anbarafaayarta, Hase yeeshee waxa uu u muuqday nin si Caadi ah ugu dhex jiray Bulshada kale ee ka Qayb galay Xafladan,
Hoteelkan Cusub oo magaciiisa loogu wan Qalay MAANDEEQ HOTEEL, ayaa ah mid Casri ah isla markaasina waxa uu isugu jiraa, Cunto, Cabitaan Iyo Waliba Jiif, isla markaasina waxaa hoteelkan Dhismihiisa laga Fuliyay EX Qulunbe Selimo,
Maamulaha Hoteelkan Cusub, Mr Baashe Xaaji Axmed Qulunbe, ayaa isagu sheegay in ay hoteelkan ku maal galiyeen Lacag Aad u badan Isla markaasina ay Ugu talo galeen in uu daboolo Baahida ay dadka Reer Burco u qabaan Hoteelada Noocani oo kale ah, isla markaasina waxa uu Mr Baashe Xusay, in ay ku rajo weyn yihiin Kor u qaadista Tayada Hoteelkan Maandeeq.
Pictures soon come .,...
Mandeeq Hotel Latest in Burco......
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 1920 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 51 Replies
- 7893 Views
-
Last post by Dhulbahantking
-
- 16 Replies
- 2454 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 17 Replies
- 3429 Views
-
Last post by Typhoon
-
- 9 Replies
- 1130 Views
-
Last post by HayWire
-
- 7 Replies
- 1101 Views
-
Last post by Alshabaibe
-
- 11 Replies
- 1838 Views
-
Last post by abashir527
-
- 26 Replies
- 1811 Views
-
Last post by Somalistan