sure uumada Somaliland Oo Soo Saartay Wareegto Wax lagaga Qabanayo Kabo Dacasa Oo Diinta Islaamka Wax Loogu Dhimayo
--------------------------------------------------------------------------------
()
hadhwanaag 2006-09-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xukuumada jamhuuriyada Somaliland ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucayo kabo wax loogu dhimayo diinta islaamka, waxaanay sheegtay inay talaabo kaqaadayso cida soo gelisay wadanka, sidaa waxa lagu sheegay warsaxafadeed shalay ka soo baxay Madaxtooyada Somalilandoo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Md, C/idiris Ducaale,
Waxa kale oo wasaaradaha Arrimaha dibada, Gudaha iyo wasaarada Diinta Iyo Awqaafta lagu faray wareegtadaa inay arrintaasi si degdega waxa uga qabtaan, hayday noqoto uruurinteeda iyo ka joojintada gelintaanka wadanka. Warsaxafadeedkii oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sedan:-
“Xukuumada Somaliland talaabooyinka ay ka qaadayso Kabo Dacasa oo lagu soo qoray “Allah” sida ay xaqiijisay Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu ayuu ka soo saaray Madaxweyne ku Xigeenku.
Wareegtadaasi waxa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu u kala qoray Wasaaradaha Maaliyada, Arimaha Gudaha,Arimaha Dibada, iyo Diinta iyo Awqaafta waxa uu ku faray waxa ka qabasho degdeg ah Wasaarad walba kaalinta kaga soo aadan wax ka qabashada arintaasi sida soo ururinta kabahaasi, ka joojinta dalka soo galintaankooda iyo raad raaca cida ka dambaysa.
Wasaarada Arimaha Dibada waxa la faray inay la xidhiidho dalkii kabahaasi inooga yimaadeen oo ay gaadhsiiyaan sida aynu arintaa uga xunahay”
Weriye, Mustafe-janaale
Reporter hadhwanaag/hargeysa
E-mail,
janaale94@yahoo.comhttp://www.halganews.com/content/view/2342/2/