
----------
Aweys Orofeeyo & 6 gabdhood oo uu macalin u ahaa oo xalay ku hoyday xabsiga saldhiga 4 Irdood
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliya ee Karateega & Take-wanduuga Aweys MaxÂ’ed Nuur (Orafeeyo) & 6 gabdhood ayaa xalay ku baryaye xabsiga saldhiga booliska 4 Irdood ee degmada X/weyne, kadib markii ay soo xireen ciidamada golaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed xilli ay ku guda jireen tababar la xiriira barashada Karateega, iyadoo ku dhowaa muddo 2 sano ah uu tababar ku siin jiray Aweys Orofeeyo hoolka Ex. dugsigii hoose/dhexe Xaawo Taako ee degmada X/weyne dhalinyaro isugu jirta rag & dumar.
Haween daÂ’doodu u dhexeyso 15 jir ilaa 20 jir ayaa xilliyada galbihii lagu arkaa iyaga & wiilal dhalinyaro ah iyagoo tababarkaasi ku qaadanaya hoolka dugsiga Xaawo-Taako, waxaana arrintaasi ay ka careysiisay golaha maxaakiimta oo sheegay in aanan loo dulqaadan karin in dhalinyaro rag & dumar isugu jira oo xiran dhar jirkoodu ka muujinaya ay isku dhex-milmaan, waxaana xariga Orofeeyo & 6-da gabdhood ee lala xiray amray guddoomiyaha golaha shuurada maxkamada Islaamiga ah ee degmooyinka X/weyne & X/jajab Sheekh Xuseen Cumar Xuseen.