Midnimo Information Center
mic 24 - 10- 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya
Sheekh Xasan Turki”Wax La Yiraahda Somaliland ma jiraan dalka oo dhan waa Islaamka waana Soomaaliweyn”
Hoggaamiyaha Maleeshiyada Maxkamadaha ee Gobolada Jubbooyinka Sheekh Xasan Turki ayaa sheegay in xubnaha Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Baydhabo dhawaan boorsooyinkooda la carari doonaan,wuxuuna sheegay inay ku wajahan yihiin haddii ay yihiin Maxkamadaha Islaamiga Magaalada Baydhabo.
Mr Turki ayaa sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo Somaliland, waxaa uu sheegay in dalka oo dhan la yiraahdo somaliweyn sidaas darted dhawaan Maxkamadaha gaari doonaan Magaalooyinka Boosaaso, Burco iyo Hargeysa.
Sheekh Xasan Turki ayaa dhinaca kale sheegtay in guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii daraad la galeen Maleeshiyadii uu hoggaaminayay Col Barre Hiraale, laakiin Sheekha ma uusan sheegin halka uu hadda ku sugan yahay Barre Hiraale, balse waxaa uu ku micneeyay Barre Hiraale inuu yahay hoggaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay oo Maxkamadaha ka taqalusan.

