
aha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ka bixitaankii Xarakada Al-shabaab ee Muqdisho ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif ayaa hoosta ka xariiqay in dagaal-yahannada Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen Muqdisho, wuxuuna xusay in culeys la saaray ay sabab u tahyay inay mar qura faarujiyaan goobihii ay caasimadda kaga sugnaayeen.
"Dowladda Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa guusha ay ciidamadeeda oo ka helay gacan AMISOM ay ka gaareen dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen Muqdisho," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Al-shabaab ay ka adkaadeen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalku uu leeyahay laba cadow oo uu ku kala sheegay Al-Shabaab iyo kuwa geysanaya falalka ammaan xumo, isagoo sheegay in dowladdu ay si wadajir ah ula dagaalami doonto labada cadow. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidammo u gaar ah loo sameyn doono deegaanada ay Al-Shabaab ka baxday si ammaanka loo sugo.
Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay falkii argagaxa lahaa ee shalay ka dhacay xerada Badbaado oo dowladdu ay horay u dajisay dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay koonfurta Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay falkaas mid ay geysteen arxan-laawayaal aan lahayn damiir Soomaalinimo, mid Islaanimo iyo mid bini'aadnimo toona, wuxuuna xusay in la horkeeni doono cadaaladda.
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sidoo kale sheegay in qofkii lagu arko isagoo bililiqo geysanaya uu la kulmi doono ciqaab adag taasoo noqon karta dil toogasho. Isagoo sheegay in arrintan ay kasoo baxday kulan ay saakay Muqdisho ku yeesheen guddiga ammaanka Qaranka.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas ayaa isaguna sheegay in guushan ay gaareen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanay ay tahay mid u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo intaas ku daray inay sii socon doonaan howgallada inta dalka oo dhan laga saarayo Xarakada Al-Shabaa