The HYB(HY Bari Boqor) Boqor Axmed Cali Ducaale sent an ultimatum to the Majerteenia administration "release the Sanaag boys or else we will pacify you like we did in 92/93" it seems to have worked
Gadhweyn power
Boqor reer Ceerigaabo ah oo ku guuleystey soo deynta laba Askari oo ciidan Somaliland lagaga qabtay dagaalkii Dhahar
Somaliland.Org — Erigabo, Somaliland — 26 May, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Ceerigaabo (Somaliland.org) – Laba askari oo ka tirsan ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo maxabiis ahaan loogu haystey xabsi ku yaal magaalada Boosaaso ayaa maalintii Jimcaha ee 26/05/07 laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.
Askartan oo magacyadoodu yihiin Maxamuud Cabdulaahi Ismaaciil(Aloore) iyo Cabdi Maxamed Bile ayaa lagu qabtay dagaalo ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland degmada Dhahar ee gobolka Sanaag badhtamahii bishii April ee sanadkan.
Labadan askari oo shalay ay diyaarada xamuulka ah ee qaadku keentay magaalada Ceerigaabo ayaa sii deyntoodu la xidhiidhaa nidaam wada hadal iyo is afgarad ah oo dhexmaray Boqor Axmed Cali Ducaale oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada sare ee Beelaha Gobolka Sanaag iyo masuuliyiinta, madaxdhaqameedka maamulgoboleedka Puntland.
Boqor Axmed Ducaale oo saxaafadda uga warramay dariiqa uu u maray siideynta labada askari ayaa waxa uu yidhi:
"Markii nimanka la qabtay ee halkan layska weydiiyey, waxay noqotay markaa in aan xidhiidh la yeesho madaxweynaha iyo madax dhaqameedyada sare, waxaana ka dalbaday in ay soo daayaan, iyana way iga aqbaleen, waana uga mahad celinayaa arintaa. Intaa ka dibna maalintii jimcihii shalay ayay diyaarada soo saareen, kana soo degaan gegada diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo, markii ay noo warameena waxay noo shegeen in loo hayey sida maxaabiis lo hayo sidii ugu wanaagsanayd , xitaa marar badan baa telephono loo dhiibi jirey oo ay si toosa noo la soo xidhiidhi jireen. intii aanay Bosaaso ka soo bixina waxaa ila soo xidhiidhay Gudoomiyaha gobolka Bosaaso iyo suldaan Ciise iina soo sheegey in ay diyaarada soo saarayaan labada askari. Arintaa waanu ku guuleysaney aadna waan ugu mahad naqayaa maamulkii iyo madax dhaqameedkii aanu ka xidhiidhnay ee gacanta ku hayey nagaba ajiibey codsigayagii".
Boqor Axmed oo la weydiiyey: Adigu markii hore ma waxaad la xidhiidhey maamulka mise madax dhaqameedka? Waxa uu ku jawaabey, "Labadaba waan la hadlay, waxaanse ku horeeyey maamulka iyo madaxweynaha, madax dhaqameedkana waanu wadahadalay, labadubana waxay ii balan qaadeen in ay soo deynayaan".
Boqorka oo la weydiiyey in labada askari siideyntooda uu wax taageero ah uga helay xukuumadda Somaliland, waxa uu yidhi, "Maya, kama wada hadlin in ay og yihiin iyo in kalena war uma hayo, marka laga reebo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani iyo taliyaha saldhiga Sadexaad Muuse Jaamac Dalaf oo aanu mar isla soo hadal qaadnay".
Weriyaha Somaliland.org, Ceerigaabo.