To all of you Somalis(not Somalilanders)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Yusra06
Posts: 102
Joined: Sat Nov 18, 2006 7:02 pm

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Yusra06 »

Caku qaldaan iyo caqli xumo. Rolling Eyes
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by XidigtaJSL »

Cabdi Gahayr Ciidagale




Daaroodka qaar baa midgaha lagu masaalaaye
Moofada Kidaarkana ragbaa maalintii cuna'e Laughing Laughing )
Masaakiinta waa lagu og yahay joogta meelaha'e(Ogaadeen)

Maraykaanna laga sheeg intaa madaxa goyseene
Malyan baw sita'e geelayaga lagama maarmeene
Kol hadduu Madheedhkii Wareeg Mulay ku daaqaayo

Kol hadduu Masaarre iyo DigWeyn maaxda shubanaayo
Milmil iyo Bullaalena hadduu maansha ku arooro
Nin martiya ha joogtee haddaan lagu mannaagaynin

Kol haddaan Mataan madi ka dhigay muranku waa ceebe
Afartii Magaadleba haddaan maanta ka ahaaday
Mudh haddaan ka soo idhi Isaaq hay makeekiyo'e
Mahadaale caaway hurdadu ii macaan tahaye


UN qamadi baad sheegtaye 5 million Ogaadeen bey biil joogta ah siisaa, from the famine of 1985 "we are the world" heestii laydiin qaadey ilaa iyo 2007 UN'ta Ogaadeen baa raashinkii ma madhiyey, Somaliland qaxoonti ma laha oo wey soo wada noqdeen kuwii Itoobiya u qaxey waagii dagaalada ee kuwa la soo taagan qaado ilaa yomal qiyaamaha waa Ogaadeen, inkastoo ay Mareexaankii koobka gaajada idinku haystaan baryahan dambe Laughing
Last edited by XidigtaJSL on Sun Jul 01, 2007 3:24 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Abwaanku gabaygan waxuu tiriyey mar Habar Lamaan waa habryonis iyo Habarjeclo Dagaal ku dhex maray Raas ka mid ah Dhulbahante, waa Maxamuud Ugaadhyahan'e Halkaasna Maxamud Ugaadhyahan Guul weyn ka keenen ayuu Saleebaan damaashkii reer tolkiis soo hoyeen gabaygan tiriyey dagaalku waxuu ka dhacay meesha la yidhaa GAABO, Abwaanku waxuu yidhi:-

Dadii gabay ma marin waana daayacaye
Dibnaha waa taan ka jaray deelkii maansada'e
Marse hadii duruuf la i hordhigo damaqda laabtayda
Sidii meel durbaan laga tumay oo laga dul heesaayo
Ama geel dar loo soo horay daran ku soo oomay
Mar hadaan dunuunaco naxwaan dibada keenaaye.

Eray dalab u yeela iyo si'aan looga helin daayac
Amase mid igu soo deydaa uguba soo daalin
Dogob baan ka ogaa halkaan maalintaa dago'e
Caawana afkaa doonayoo wey dirqiyayaaye.

Dalsantii Nugaal iyo ilaa dagaladii Hawdka
Anigoon duruus weyn ka bixin daalac iyo naasin
Waxaan soo dulmarayaa arimo deymo gaara leh'e.

Dunjigii Dhulbahantoo fadhiya degaladuu joogay
Iyagoo bulshada wada degta iyo deriska eegaaya
Wax badan bey colaad diidayeen nabadna dooneene
Wax badan bey dekanadooda maqan duudsi mariyeene
Wax badan baa la daandaansaday diriri waayeene.

Goortii danbiga Habar lamaan daaya laga waayey
Dogobliyo biyihii bohol markii ooda lagu deyray
Oo uu damaaciba ka galay aniga duugayga
Danbay noqotey maantaa in ay dacarta qooshaane
Goortii inay dagaal galaan talada loo daayey
Oo ay diyaarsheen hubkii daafac iyo weerar

Oo ay darmaanta iyo qabteen xamarka aan daalin
Degdegsiiyo kuma soo kacaan kumana duulaane
Goortii wadaada digriya iyo diiqa qudhi yeedhay
Waatey col lagu diirsadiyo duuyo bixiyeene
Daqiiqado yar bey kaga gudbeen labada daamoode

Waa duudkii odaygii Saciid iyo dirkiisiiye
Dadan iyo garbiyo bay dhasheen, duhur dharaareede
Sidii danab ka soo dhacay cirkoo,didib ku soo beegmay
Jeeray dubaaqiyo dhigaan nabaro loo doogto
Amase ay wax daanduumiyaan dib uma laabtaane
Goortii doc dhexe la isku helay bananka diirdiiran

Darandoorigii saanadiyo dabaqadii xeesha
Durtadiiba goortay arkeen diilinta iyo yoolka
U dabride sidii ciidankii dumiyey Baarleefe

Nimankii dulmiga qaayibey ee soo durdurinaayey
Sidii Cawl wax laga soo dilay oo duur ukala yaacday
Ama Tuug duleedada laga eryeey orod ku diimeene
Sidii dawlad calanley xarago kaga danqaadeene
Duhurkii Gar-Adag bey fardaha kaga dulboodeene

Dixta xeebta iyo buurahay dabo marsiiyeene
Daayeer sidiisay cashii dacalka saareene
Una diidee waligood in aanay daaqin meel banahe
Alleba waa jabhad diiqsan iyo dad ay ka xaysteene
Duulaanka jeer ee reer galbeed ciidan laga doono
Dogob aanu oognay oo qabiil dumiyey waa beene!!!.

Inkastoon colaadaba ka dido doobir xumadeeda
Sidaan diirad haystiyo hubkii dowladaha NATO
Anba doorka libintaad hesheen igama daahnayne
Oo duciyo waano ayaan intaas soo dawinayaaye
Waxna iga dardaarana hadii Eebbe idin daayo

Dad haduu isnaco waa sidii deyro kala yaace
Sidii ul iyo diirkeed intii la isku duubnaado
Dantu waa mid kaligeed intey diilin baas tahaye
Oo waa dabar go'eenii hadaad kala dibootaane
Is dugsada hadaad kala tagtaan waa darxumo weyne

Wax layidhi durbaanaa la tumay xeedhi dabataale
In dilaal wan weyn qabo ninkii doqonah baa mooge
Degta qoriga saarani in uu dhigaba waa ceebe
Ma degdegine sheekadu iyodoo dux iyo iidaan leh

Iminkana wax layskuma daree aan doc kale eegno
Axmadoow duruustayda gabay amase doodayda
Dunta boqorka iyo aalladaa saaran docohaaga
Iyo darajadaad heysatiyo duubka iyo shaalka
Damal aan hadhsado inay tahaan daanka ku hayaaye

Damiir iyo nin duli ah waxuu duudsiyaa jira'e
Doodii abwaanada markii lagugu soo duulay
In diiwaanka qalad kugu dhaco aniga oo diidan
Waa waxaan dagaal waa afkee daafaca u galay'e

maantana daruufaha xilligu duurka ma xulaane
Degelkaad ku dhalatiyo dhulkay derintu ku tilay
Inkastoo damiirkoodu yahay niman daraawiish ah
Duleedada haduu aar ka helo daalal iyo xeysku
Oo aad adigu daar dheer fadhido doogsin cararkoodaa

Waa inay dugaal kaa helaan kuna dawoobaane
Oo waa inay waxay kaa dalbaan ugu dadaashaye
Bal sidaad diyaar ugu tihiyo darajadaad siiso
Ma dekaame waa inay arkaan dib u xusuutaane
Dilaaliinta naaxday ee sidii ooda kugu deyran
Dareen jire ma dhaafaan waxay kugula doodaane

Dadkana magaca uun baa u siman diifse kala roone
Ninba dowga uu kula maraa lagala duulaaye
Ha daayicin abwaanada xumaan uma dulqaataane
Oo hadaad dulmido waa adigoo dumiyey taariikhe
Digtoonaada reer kaan ahayoow leysku soo durugye
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

[quote="XidigtaJSL"]Cabdi Gahayr Ciidagale

Daaroodka qaar baa midgaha lagu masaalaaye
Moofada Kidaarkana ragbaa maalintii cuna'e
Masaakiinta waa lagu og yahay joogta meelaha'e

Maraykaanna laga sheeg intaa madaxa goyseene
Malyan baw sita'e geelayaga lagama maarmeene
Kol hadduu Madheedhkii Wareeg Mulay ku daaqaayo

Kol hadduu Masaarre iyo DigWeyn maaxda shubanaayo
Milmil iyo Bullaalena hadduu maansha ku arooro
Nin martiya ha joogtee haddaan lagu mannaagaynin

Kol haddaan Mataan madi ka dhigay muranku waa ceebe
Afartii Magaadleba haddaan maanta ka ahaaday
Mudh haddaan ka soo idhi Isaaq hay makeekiyo'e
Mahadaale caaway hurdadu ii macaan tahaye[/quote]


i aint saying nuttin Cool Laughing
User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Sakhraan »

Nayaa Xidigta ilka huuro...........waabad isku dhex yaacday naa bal ma ku siiya lacag aad qamaadi ku iibsatid macal hadaad rabtid dhowr jawaan waan u diri Daaroor.


SAKHRAAN>SEEKER OF T & J.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by XidigtaJSL »

Anaga iyo Ogaadeenka hadhuudka ah wey is heli doonaaye

Anagiyo Hadhuudhlu

Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)

Maxamed Aadan Caws oo ka jawaabaya gabaygii Cabdi Gahaydh ee labaad kuna saabsanaa Dilkii ninkii Gadhweyn ee Sacad Muuse loo tirinayey waxaa uu ugu jawaabay Cabdi gahaydh sidan;

Cabdoow hadalka waan garan inaad hiil u leedahaye
Haasaawahaad diideysaa haarta nagu taalle
Waxad waranka ula haadaysaa haybtu waa belo'e

Hub wanaagsan heensiyo wanaag dirir la haabeeyo
Habar Yoonisbaan uga dhashiyo hurinta waaweyne
Hundaha Ceerigaabiyo Jigjiga hoonka Beledweyne

hoosada Burciyo Ayahaas heetis lagu maalo
Intaasaannu Hayboow sidii hodan u joognaaye
Waan heli karaa toban kunoo hiirta weerara'e

Hal nin qalanayaa kuma degdego halaca jiilale
Haldhablaha ma jaro jeeruu haan u dhaansado'e
Halkaan marinlahaabaa Bileys iga hor joogaaye

hagar Aadan iyo Khaalid aan hawd u mari waayey
Cali Gerigan weli ii hingilan hiilki ba Xawaadle
Hunbannida kaleetiyo intaa halaqa Daarood ah

Hubka waxan la rabey reer Hartaan la igu hiifeene
Hindisahase qaabkiyo haddii hadal la deyn waayey
Halka aannu hootada ku ridi waw hubsanaynaaye

Herer inaanu iman waan hubaa waana lays heliye
Annaga iyo Hadhuudhluhu mar ways horoi doonnaaye
habeen qudha ma naga jiifsataa hiilna hay tarine
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Gabay: Dood Dhulbahante iyo Digasho iidoor

--------------------------------------------------------
Gabaygan waxuu la socdaa Gabayadii laga tiriyey Dagaalkii HAYE Maaweel oo gabaygan ka tiriyey isagoo jooga carabta guusha laga soo hooyey digashana uga dhigaya Iidoorka Waana markay Baxday Weedha ah "Abtiyaal na hambeeya" oo macanaheedu ahayd reerka yaan la is wada raacin ayaa Nina Arab ah gabay soo tirshay hadaan xoogaa ka sooqaadano waxaa ka mid ahaa

Is Hubsada Dhulbahantoow ayaan Hoobal idiin tumine

Halkaa markuu mariyey Ninkii Arab ayaa Maaweel gabay aan in yar ka soo qaadan doono laakin aan soo galin doono isagoo dhan Qeybta aan Maaweel u furnay yidhi:-

Nimanyahow maxaanu u hubsanaa gorayo waa haade
Minjo hoolan bey leedahiyo baalo heeryaha'e
Nimankaan hangoolka u lulay wey hamranayaane
Hor Illaahay waa qalad in aan Arab la heesaaye

Isagoo diidaana Arabkan uuba la hadlayo maadaama Dhibku gaadhay Habarjeclo, gabaygiisiina waa kan ee ahaa Digasho iidoor


Indhawayto waa taanan deyin deelaydii gabaye
Dahrigayga waa tii aan ka jaray dihashadiisiiye
Daraan mariyey waa in aan murtida laga diraacoone
Waa tii aan dihnaan jiray sidii laas daroorimay e
Daadkuba dixda iyo dooxaduu dulun dulceeyaaye
Mar hadii aan dabuubtiisa helo ama dariiqiisa
Oo ay diiradu ii saaran tahay diidi ma aqaane
Hala diirsadee ararta maan idinku deeqsiiyo

Axmadow dareen baa ka yimid doolo iyo hawde
Isagoo dirayskii sitaa oo duni iyo shaal iidleh
Oo dunayadii yarayd daran u hoos jiifa
Diracii Ismaaciil markii talada loo dooxay
Oo waliba dood liidata iyo digasho loo raacshay
Laye deyro dhaafkii tolkii waa dagaalamaye

Dusha qararo damashii haye iyo ilaha daahyaale
Reerkii dalkaas lagu ogaa duulaan soo kiciye
Ma daahine diyaarsade hubkii duhur dharaareede
Derbaha gawlalaale iyo yamays duuda yucuboole
Dusha baalidhaye sebenka waa la isku duudsiyaye
Daraawiish ordaysaa gashay iyo duubcadii beriye
Difaac iyo markii weerarkii lagu dayeysiiyey
Keymaha diqowga leh markii ay digadu yeedhaysay
Ma dirgane sidoodii baqay daba jeedsheene

Dal jiirkooda ruuxii ogaa daawashow dhimaye
Nin Dhulbahante daandaansadaa waa ducfiyayeeye
Duli baa ku dhaca reerka ay dacarta saaraane
Ina kaahin wuxuu daalibay oo doonayn buu helaye
Reer Yusuf meel lagu dusiyo daaqad baa maqane
Dildilaha ku yaal Adan iyo daahir iyo yeesif
Dadku waxuu ka sheekaynayaa waayo dabadoode

Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

Doonyahu ma dhoofaan hadaan diirad loo sidine
Dabaqayda iyo foolkuba waa dajinayaane
Duufaanka waa laga qarshaa dirirka cawleede
Mar uun baa sidii dogob xoribay dakhalku liicaye
Hadii awr dibood badan dibadaha u hoydo
Dabarka iyo hogaanka iyo hadii deyrku qaban waayo
Keymaga dugaaga leh hadii daayin ku abaado
Mar uunbaa libaaxyada dibjiray kaga digsiiyaane
Haday naagi dowraari tahay oo diiday gurigeeda
Daryeelka reerka koobane haday dumiso geeskeeda
Nin keedii dalaaladay haday damac ka weydayso
Mar uunbaa dalaaqda dadoow lagu daweeyaaye

Nin dabeecadiisu xuntahay diina kula haysta
Oo diirka kaa shaabaha oo duulal kale sheegtay
Hadii aad dadaal iyo wanaag daacad kaga weydo
Markaad daxan daxaysaba haduu dacar ku leefsiiyo
Mar uun baa dubuhu ugu dhacaa si aan la doonayne
Alla dakharku weynaa ninkii dilane yeelkiise

Danbigaad gasheen habarjeclooy waa da'weyn yahaye
Wax baad duudka ku xanbaarataan ceeb dandaan lege
Meeshii dulaydiyo sula baan kuu darbi ahaaye
Sidii wiil duqii dhalay baan daadah ku lahaaye
Damiin baan ahaa maanta iyo dalan dalkaygiiye
Ducaan kaa mudnaa iyo xamdi aad nala dul joogteene
Inaad aniga ii duur xushaan dib uma eegayne
Haad kuma degdego aar oo daacurtii qabo'e
Hadaad doobnimo is taawiseen baan dablaan ahaye
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Idinkoo dagaan wacan helay oo duunyo badan yeeshay
Oo daramal iyo muusiko iyo danish tumanayaa
Adoo meel daruuraha u dhow danan ka dheelaaya
Oo nabad ku daaqaa iidoor daasad kuu tumaye
Doqontuna amaan aynaan lahayn waa ku dararataaye
Dibindaabyo idin haysa baad darayo moodeene

Dabin baad lugaha kula dhacdeen daadsan oo adage
Deelaha qadhaadh iyo shiil baad daanka geliseene
Daluun malag iyo shoolad baad dalaq tidhaahdeene
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Dirirna waa ka joog amase daacad u ahow'e
Ceel ku dahaya duul kuu tashaday dad aan ku daynin
Hadii uu dagaal kugu qabsaday didib adoo jooga
Buntukhu dilaagiisu jabay shiishku dabarkiiye
danbaas yaalka iyo hootada baa igala doodeene
Markan isku kiin darana waa kaa dal qumisaaye
Sahan baas idinkoo fuushan baad dega tidhaahdeene
Dabay yaale baa idiin martay iyo diilin karimeede
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Hadii uu doobi buuxsamo in uu daato waw halise
Naf bariiqadeedii gashay baan hadal dariiqeyne
Waxuu gabay daldalay Adan-Carab waa idiin digaye
Maansadan la doondoonayoo haatan lagu daatay
Dahab bay ku miisaan tahay amase doolaare
Aan is dayno aan wada degno iyo aan isku duubnaano
Duqayda iyo xeerbeegtidii dalan kaclaynaysay
Iyo dooyadii dhowrka sano idinla duucaysay
Intaasaad shirkii kaga dudeen waagii dalinweyne

Anigana dakanadii horaa laygu dowgalaye
Marna hadaan waxaan kugu dugsado kugu dareemaynin
Oo aan kugu diirsanayn dunida hoosteeda
In aan daaqsin geel kuu jirsado door anigaa bidaye
Malaa Dirir-dhabaad sahan sateen oo dookh idiin galaye
Daafeed u kaca meel fog oo durugsan weeyaane

Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

Waxba yaan dalxiis idinku marin dhul aan la gaadhayne
waxba yaan idiin di'in sidii doogsii galabeede
Waxba yaan dabayl caafimaad idinku soo dayne
Waxba yaan durduurta idin odhan malabka doocane
Waxba yey tixdaan duubayaa dacalo dheeraane
Dulucdayda meeshan la rabo waan u daadagiye
Darandoori loo riday madfaca waan diyaarsdaye
War doodiga sulaaxu way ducufka Iidoore

Hal maqaarka diidani salkay dalalaglesaaye
Dunkana waxay ku beegtaa halkuu deebku leeyahaye
Misna waxa danuunucu ugu jiraa dihashadiisiye
Dala haysataa iyo si kale wax u dabartaaba
Waxaad dunida kaga qayb gashaan shay dacaayad ah'e
Carab dalab leh iyo uur la dabo daanyeer dhaqankiye
Inkastaad damiin raadisaan dayri baan dhalaye

Dilaal iyo malaal baa indhaha daan idiin sudhaye
Halka meesha laga doonayaa idinka diimoone
Waxaa dowlad la mucaaridaa dood siyaasi'e
Haday durugto sheekadu talaa laga dulgeeyaa
Daakhiliga kaa eexda waa laga dacwoodaaye
Dila iyo tola'ayeey wax garad kuma dareeraane
Soomaali oo la isku dilay waa damiinimo'e
Distoorkay ka xaaransan tahay dayina maysaane

Daarood derajadii u furay oo uu diiday in uu haysto
Oo uu hawiye dayriyey oo dibada loo tuuray
Oo qaran ku duulaayey baad xalay dumaasheene
Dugsi iyo rag ina aadani ha iska daaleene
Dalagna lacagta ha iskaga gurteen dhidid la'aanede
In aad calanka dacal jeexataan diide reer bariye

Doondoonistii hore baan diiq ku soo helaye
Diirka toban malyuun buu qabaa duulka aan ahaye
Waxii deeble geel iyo rag iyo dirir na soo gaadhay
Dugaanyadii shalay nugaal dacalka jiidhaysay
Oo sida dayaxa aadanahu dowmada u eegay
Oo sheekhu duubka u gashaday waa daqiiqaha'e
Dooxooyinkii beerdhiga bey ugu danbeeyeene
Daliil iyo Taleex baa lafahii duxayey yaalaane
Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliye
Sidii baan dagaha ugu sitaa koofil dabasiide

Adna dagantidaydaad kufriga daga lahaydeene
Dal yaqaanka idinkow ahaa Doora-Weynaha'e
Daraydii Jidbaale baa Iidoor nagu duleedsheene
Kolay duulkaleto tahay iyo idinka duulkiina
Cidna kulama daaweynsan karo duni Buluuglay'e
Wey idin dardaar warinayaa ducufsi yeelkiise

Dhulkoo doogan dunidoo nimca dalagyadoo rooban
Waxaan daarad waysha uga qalay uguna daynwaayey
Oo ugu dirqiyey waa in uu dib ugu quustaaye
Hadii aan daboolkii dhagaha daamur idin awdin
Ama aan indhuhu daahsanayn aragna diiqoobin
Ama aan damiirka iyo xuskii idin dareen goynin
Malahayga daris qaadate ee galiya diiwaanka
Hadii kale waxii danabsan iyo dooga bal aan dhawro
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by XidigtaJSL »

Xaaji Cabdi Kariim M. Cilmi

Habar Jeclo - Aadan Madobe

Siikaawe

Gabaygani wuxu ka hadlayaa dabargoyntii "faqashta" iyo dib-ka-naaxyada daba dhilifka u ahaa ee ku hodmay hummaagga Daaroodism-ka ee dalkii Somalia la odhan jirey lagu burburiyey. Wuxu gabaygu si gaara u tilmaamayaa jilibka Dhulmahante la yidhaahdo oo ku hantaaqmay haadaantii uu Afweyne uga tallaabsaday kuna hoobtay hadimadii ay la damacsanayeen Habar Jeclo oo taariikh ahaan ku guntaday dhawr jeer oo ay qabiilkaa yari xabaal qarka u saarmeen. Gabaygu taariikhdaas ka sokow wuxu taabanayaa halaaggii cuskaday qolyihii uu hoday hororkii Garbahaarrey ee Afweyne Barre.


Sa'da gabayga suugaan haddaad xaraf ka saanqaaddo
Ama aad sarbeebtiyo naxwaha sadar ka liishaanto
Runta lalama seegiyo halkuu suura ku ahaaye
Suaashaan dhugmada kuu lahayn waad ku saxataaye
Ragbaa arar-subbeehida yaqaan oon sagootiyine
Gartana laysma siiyoo marbaad surinka weydaaye
Hayeeshee sangaabtiyo tixday salawday laabtaydu
Aan xalay saqdii dhexe mirtee saaqay madaxayga
Anigoo sardhada nuugayaa sookac lay yidhiye
Hadba aniga oo somman bay ii sallaxantaaye
Senge iyo Baroor xoodanoo Saynax iyo Bood leh
Markaasaan sitaaciyo warmaha nadiga saaraaye
Markaasaan saqaafaha korjoog suugha ku eryaaye
Markaasuu Sarmaantiyo kobaha Sarinka gooyaaye
Markaasuu ku soonnaaniyaa beel surmo u taalle
Markaasaan Sakaallaha furtaa subax ku baadhaaye
Markaasuu sawaxan geylamaa Saawi golaheede
Markaasaan Samaadeey xeryaha kaga safeeyaaye
Markaasuu sutida leexiyaa saacad iyo dhawre
Markaasuu sibraarkiyo cabbaa Suusac iyo dhay'e

Afartaa silsilad gaara iyo sogordah waayeel dheh
Adduunyadan sikiiraha dhigtaye samada loo guuray
Markaan deyey sansaankiyo Laxaha, Sanaca taariikhda
Aan deyey sannadihii gudbiyo sulufka qiiqaaya
Aan deyey waxyiga soo socdiyo saaka waxa jooga
Minka Faalku soo saaray waa saxalki Daaroode
Sooraa gudduutay iyo Cimruhu, Seerihii dhige'e
Salmuhuu Gurracay baan arkaa, Sigay Faraaciine
Anoo hadalka meel kula socdaan qaar ku sahaydaaye
Sunbaygiyo Curraafkaan hayaa waa Siciid jabay'e

Teeriyo sabaan Nuux intii seedka la afuufay
Sahwi kama baxdaan iyo inaad suruc gadooddaane
Saryankaydin dhaamiyo ugaadh socota waadaale
Hadba sarac go'iinniyo dhunkaal baad sandalataane
Wadaadkii saraayaha dhigee, Saaxirku halleeyey
Suufigii BahGeri waydinkii Saayirka lahaaye
Subax qudha markii reer Taleex salabka loo qaaday
Kumanyaal xakamihii sitaa haadka loo solaye
Sagaar dabadka waatay noqdeen soobirkii Gorode
Sargabyada caruurtiyo marbaad suunka dubateene
Sakhir baa geyiga aannu naal Saatir kuu dhigaye
Wax dhaaxaad sudaha reer Isaaq samo ku joogteene
Wax dhaaxaa safraha reer garaad Saaxil loo diraye
Mariyihii Sibbaaqiyo lahaa seynabtiyo luulka
Subeeciga Siyaakhiyo Dhaclaha, Suufka la xijaabto
Satiyada dhibaadda ah gabdhaha, Saaqa iyo Qaali
Yarad-siinta saaxiib-cunkiyo, saacidkiyo loogga
Sandaqa iyo Siin-raac gobeed, saami iyo gaafow
Wax dhaaxaad abtiyo Seeddiyoo, saas ku rarateene
Salka lagama dhaacawo, halkay sagabtu kuu taalle
Saboolkiinna nimankii korshaad, Sede ka raacdeene
Sirqadii danteeda oggol, baad buro ku siisaaye
Sarsarrida waxaad kaga jabtaan, sudhaya Daaroode
Sodcaal iyo tolnnimo kaa fogbaad, sare u waabteene
Sibraar baad ku badhax qaadateen, aan sidde lahayne
Sandareero iyo dheefyarbaad, saac ka dhigataane
Marna talada kama saadisaan, say hadhoow noqonne
Saddexadiyo Kaymaha markuu, sagalku doogeeyo
Sayax dheregga waad leedihiin, seben barwaaqaade
Saxan-saxada lagu mayracaa sogobku baaqaaye
Soobaan-Garwadi baad tihiin, Seylo roob helaye
Soddon-guuradii dawladdaad suxulka leefteene
Kuwii Darayga soognaan jiraa suuq-madow helaye
Surwaal iyo haddaydiinku hora, saacad iyo Shaale
Haddii badow caqligu seemmanyay suudh cad lagu taago
isagaan Salaaddiyo sharciga, siin ka garanaynin
Salbac-kibirka xaajada hadduu saailka abbaaro
Durba waxad saluugtiyo gefkuu libinta siiyaaye
Ragna haddaad salleelle u gashaan sababi kuu geynin
Sedo lagama raadshiyo inaad saayirkii tahaye
Sur-taag iyo qab aydnaan lahayn baad sawirateene
Suunnaarta iyo shaarubtii la isku soohaayey
Hindigii garbaha lagu sitaye suubban lagu qaatay
Sabo gacal nin waayaa martiya, sooryo inaneede
Sarartii ciyiga loo baxshaad selel ka qaaddeene

Maahmaah raggii hore sugeen oo sax lagu sheegay
Siduu yidhi Haweenkiyo Farduhu, waa sacaadada'e
Midbaa Biliga kaa seexisoo aad ku sirirtaaye
Midna sareedo iyo bayddi baa lagugu siiyaaye
Sibro dhiigleh maantana miyay idinku saameeshay
Single iyo cudhaadh baad tihiin, saydhan meerta ahe
Sinji lagu arooriyo qabiil kuma sed qaaddaane
Hadba qolada xeegada siddaad saar u noqotaane
Sako laguma maal qaybsadiyo subag Diraaceede
Col la saaray saymaha dagaal, saydho iyo weerar
Saloogeeyda goob lagu dhintoo, Seenyo ololayso
Signal iyo caruur baaqayiyo, saanaddiyo yoolka
Sakatiga dhimbiilaha horaad suruqda jiidhaane
Saanbooli naaxdiyo kuwii Soolka laga raafay
Summad-Laawe iga hiiliyiyo, sab iyo qayrkeeda
Salsalliigtu uma beer dhigaan, sumuca reer sheekhe
Saliimkii qalbiga daahirka ah, yaannu sidannaaye
Alamtara kuwii loo sakhiray, suuradaha diinka
Sulubkiyo Shinnidi baannu nahay, Saadadii Beder'e


Siikaawiga cidhbaha gaaban, iyo Suugga idin boobay
Silcayeeyda naagaha guryaha, seexan kari waayey
Sambabkiyo Wadnaha diidayee, Soodhku idin gooyey
Safankiyo cagaa idin gubtay, iyo Suulashiyo Fayga
Saleegyaha wejiga kaa lushiyo, siigadiyo Weerka
Inay tahay Saleebaan hog-waa, saas adaa qiraye
Sarta kabaha waataa ilkaha, aad ku sidataane
Sandullaad ku amar qaadateen, samir la'aaneede
Sakal Nibiri iyo Cawjad, yaad sibiq tidhaahdeene
Simbiriirixaad ugu dhacdeen, meel Sambaatiyahe
Suryo cururuqaad ugu jirtaan, seeto godobeede
Inyaroo Suldaankii wataa, saamax loo qoraye
Sakhraan iyo Khaliif baadiye, iyo Saalax iyo Deeble
Safkii ina Buraaliyo lahaa, Suufi iyo Qaybe
Darajada Sabuuxda ah, kuwii beenta lagu siiyey
Salxaan iyo hubkii Shiish-Wanaag, Soofe iyo Morgan
Aaway Samatar iyo ciidankii, waa la sugayaaye

Sahankiyo barbaartii kacdiyo, Saajinadi qooqay
Intii inan sarkaal qaadatee, seefo lagu gaadhay
Ama wiil sarraxa muujiyee, sigic u laafyooday
Siijeed kuway ugu dhacdaye, saas u kala jeexday
Iyo qaar gacmaa lagu sidoo dhaawac sirinsiiray
Iyo qaar sinaha jiidayoo, Seedda ka curyaamay
Iyo qaar sullaacii baqaha, Samiyihii xooray
Iyo qaar siniintii arkoo, dhiig-la-socon-waaya
Iyo qaar naftoodoo suke ah, saafur lagu sheegay
Samoow Nuur Bidaar iyo raggaan, saa u garanaayo
Kuwii amarka seelseelliyiyo, meeye ina Saadle
Siraad bay ku doondoonayaan, siliglayaashiiye
Sidigtiyo bahnimadaad qabteen, waydinkii siray'e
Sacmadeeqo, Sool, iyo Karkaar, sabarka Buuhoodle
So'da Dogoble, meeshiyo Sarmaan, sediyadii Dhooddi
Darantii Sifaarkiyo lahayd, suugadiyo Dhuurta
Sanqadh laguma oga dawyadaad, saakin ku ahayde
Salsaal baa ku dhacay reerihii, sixintu dhoobnayde
Xaggan seegte meel kalena, way kaa silloon tahaye
Sanbaa Libaax baa fadhiya, soonihii Xamare
Surrad baa dhextaal buundadii, webiga saarrayde
Irir iyo Sagaal maanta waa, sun iyo deebaaqe
Siddeed iyo Ajuuraanna waa, kaa siqsiqayaane
Sabuulkooda nimankaa cunteen, yaa sammaamuraye
Beerihii siyaaxiyo lahaa, Saakow iyo Waamo
Samsamkii shabeelkiyo Markee, sahalka loo qaatay
Sintii Curuba iyo Baar Taleex, waa sallaan dumaye
Inaad Booli-Qaran seexataan, haw siddiiddiyine
Safrad bay la dulug lee yihiin, sibirya dheertiiye
Sagag iyo waddada Ceel-Garraa, kuu sokeeya ahe
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Gabaygan waxuu marshay Abwaan Guuleed jucufo mid iidoor ah Askartii Ingiriiska ka mid ahaa lana odhan jiray cabdi Dhakhtar ayaa yidhi waan ku gabyi Isagoo la hadlaya Guuleed jucufo Kolkii la is arkayna cabdi Dhakhtar waxuu yidhi war waan kaftamayee gabay ma hayo. Guuleed baa ugu jawaabay Anigu waa ku sugayey ee Afaraydii reerkiina lagu yaqaanay soodaa kolkii cabdi Dhakhtar afkiisa kalmad laga waayey baa Guuleed Jucufo halkii gabaygan ka marshay Waxuu Yidhi Abwaanku



Bada gabay baryahaan Aw cabdoo uma bareereene.
Waataan ka baaliday halkii iyo bilicdii deyreede.
Eegan waxaa ii birmaday baqalkii Iidoore.
Barxina maayo gortii dagaal leesku beegsado'e.
Baqano waa iga xaraan hadaad boqol nin kentaan.
Buntuq iyo rasaas baan ahay iyo bir aan lalaabayn.

Dun ninkaan baleeyaa mabaxo bil iyo dheraade.
Bilaahi iyo waxaan dhaar ku maray inuu baloobaaye.
Boosaha intaan ku arbacaan biib ku rarayaaye.

Ragii boobadaan joogi jiray buucna laga waaye.
Bushka waxaan ku riday Gaheyr iyo inankii burnaaye.
Waxa Daahir beygaas udhigay waa waxaan badaye.
Nin bareera iyo reer isaaq baarqab lagawaaye

Hadii ayan ba'naan igu ogeen ima bariyeene.
Bahyar iyo maskiin baan la dhacay burarkii weynaaye.
Adiguna hadaad kii badli waa laguu bagaye.
Eegana waxaan kuu balaqi bari iyo loos daane.
Biyo ceel ka badan reer tollkeey badanoow Daaroode!.
Barbarkaan ujeestaba aneey ii banaan tahaye.
Butilina hadhihin yaan cabdoow buuboow soo kicine

Afartaas bashle iyo xaajo iyo babac dhankeygii dheh.
Bahda mid aan ka soo eegay iyo baddaan soo helay dheh.
Waan kuu bareeraye nin aan baqanin yeedhiis dheh.

Baab kalane waa hadal yaroo kuu banaanad dheh.
Aqal buur ka weyn iyo aroos waa wax loo bogay dheh.
Gaarida bilaash lagu helaa waa baxdooynimo dheh.
Basar iyo wanaag iyo xargo baabad iyo luuli.
Bilaash socodka laafyaha hadeey bahaan gacanteeda.
Barida iyo kubka iyo foolashoo wad bidhaamaayo.

Nin buruud leh baa loo dhisaa dhogorbusaanleey.
Hayeshee haweenkii kabaqay banadkii Iidoore.
Bowdkii canbaro jeexday baa laga bariqdaaye.

Nimanbaa sidii booran dili baalka soo surane.
Waa wada buraanburi markeey biig ka bixiyaane.
Dabadeed barwaaqo iyo uqabo baydi iyo qooqe.
Dad ka barany Iidoor haduu boqol karonaaye.
Baladaasna reer ciidagale yeey ku bixiyeene
Isna Habr jeclaa iga badalay nagula beeyooye.
Biyo aan gal lagu horineen waa bar kuma taale.
Hadalkaan runtiisa la baran balalaf weeyaane.
Bishaas iyo bishedaa shib baan kaaga baxayaaye.

Gabaygan waxaa noo soo diray by Omar Mahamoud Hirsi
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by XidigtaJSL »

Jawaabtii Faarax Nuur

Faarax Nuur wuxuu ahaa nin ilaah yaqaan ah oo aan daandaansiga aqoon balse markii uu gef iyo gardarro dareemo gaalleef-tiisa soofaysta.
Faarax oo u jawaabaya Qawdhan Ducaale wuxu yidhi;

Nairoobi inan joogsaday oo jiitay la i moodye
Ragga gabayga arar jiidayaa haw jimimiceene
Anba waw jawaab celin ninkay jibo ka yeeshaane

Wallaahaan jaliilado la dhici jibin ka waaweyne
Hadba juhulo ii soo baxdoo jar iska xooraaya
Jalfadaan ilkaha kala dhacaa oo Jiidhi geliyaaye

Dadka hadalku waa kala jiraa juunahaan nahaye
Aniyo jaallahay baa naqaan jagada waaweyne
Hadba johorad iga soo baxdaa lagu jalbeebtaaye

Jidhaab aamu kii juuqyidhoow jootan baan ahaye
Adiyo aabbahaa lagu jejebi Jamici Naareede
Jannadii Raxmaan iyo ka qada jaahi Nebigiiye..(NNKH)

Aakhiro halkii Juuc ah iyo Jeelka lagu geeye
Jahannama tagaay faanka sow lagama jeel beelo
Jufka Bari haddaad noogu timi jiir ma kugu taagnay

Meeshiyo Jaleeliyo Horo yaad jimicsan weydeene
Idinkoo jirraban xoolihii ma idin jiidhsiinnay
Sideed jiib isaga soo hesheed xalay u soo jeeddey

Bal jeeskiinna eeg mee ragaad Jalanqo moodeysey
Goortay qardhaasaha jareen jagacdi yeedheysey
Jabayeeyda naagaha qalbiga maydin kala jeexnay
Jab la moodye Awrkii maxaa jarana kuu laabay

Suldaankii la jaakimay hadmaa laga jawaab qaatay
Goortaan jilbaha kuu dhigay een Jaraha kuu raacay
Waxa JOOF leh gool iyo ninkii joomihii cunaye
Jiidhka igu yaal waa raggaan jarayey waagiiye
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by XidigtaJSL »

DABKAAN SHIDI

Dabkaan shidi dambaaburada bixi dogobta qiiqaabi
Dawaarka iska rogi liifada iyo feedhaha is daari
Dayaxa iyo Shamsada soo baxee diiqa noqon doona

Deris iyo laftiba reerahaan daadka xulin doono
Intaasi waa darroorine ma furin daaqadii weliye
Col la dumay halkiyo Ceel-Daraad, Doy ma laga keenay

Digniintii habeen iyo dharaar mayga demi weydey
Dawyada raggii layska raray dawrar ma ahaatay
Ma daruurnay maadhin degiyo dananka gaashaanka

Dad...goortaan cuskaday Dadab ma loo yaacay
sidii culay waxuun duraya oo daraf ka laynaysa
Daymada raggii naga firdhaday duurka ma u leexday

Kuwii dhalashadaydii dafiray dacar ma leefsiinnay
Caaqilo duleedkayga timi daahir ma u qaatay
Nimankii....ma iska soo dooxnay

Raggu hadduu dureertada sariyo duunka ka colloobo
Sow waxa dawada looga dhigay dil iyo caydh maaha
Sowtaan isugu kaa daree kaa dibbiray maaha

Dilku badaye reer Ciise Dhamal daalac ma i raacay
Dayax dhacay Warfaa sow guryuhu dulug mado maaha
Sidii Dibi xareer soo cabboo dooxadu u buuxdo

Xaluunbuu dinnaahyo ula yimi duulal baaba'aye
Malaa Daahir iyo Faarax baa dun u collowdeene
Ha ku digannin waa Qawdhanoow degelladiinniiye

Hadduu gabaygu kaa daacad yahay daawo gurigiinna
Kolkuu fuluhu dirrrtii ka tegey dalafku waa goore???
Geelaan Dawaariyo ku furay dixida Gaaroodi
Ee Dilin-dilcoodkii nirgaha dogobka loo seexshey

Ee aan baarqabkiisaan ku daray Doobta ku higgoodey
Een Maraqa dabada ugu xidhay qaalmihii dararay
Waa taa u diiddeen Gobdoon dooggi soo baxaye
Cara durreeya caawaba rag baa deyr ku meersadaye
Ureysoo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4010
Joined: Sat Jun 11, 2005 5:42 pm
Location: Garowiyo Galkacyo, Gelaadiyo Reer Godey Dhaanto laxidhay, Garrisa Gadhayo, Allo Kismayo aan Tagay
Contact:

Re: To all of you Somalis(not Somalilanders)

Post by Ureysoo »

Islaan Hadalka Marku Ka Dhamaday, Sadax Oday Jiis Ah Hadalka Ee Ku Qayil Jireeyn Meeshaan Kuso Qoreeyso Bal Daya. Marka Idhi Diana-da Ee La Dhumanayaan Ee Caves Ku Marsanayaan Midibka Lee Ma Badashu, Maskaxda Beey Wax Gaarsiine, Inaga Daa Sheekadaas Beey Dhaheeyn.....

......................................................
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”