Executive: This happen few days ago
Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Dooxadda Dhumay ee Degmada Taleex
Wararka ka imaanaya Dooxadda Dhumay oo ka tirsan Degmada Taleex ee Gobolka Sool,ayaa waxaa uu sheegaya in ay halkaasi ka taagan tahay Xiisad Colaadeed,kadib markii Labo Maleeshi Beeleed uu halkaasi dagaal ku dhax maray,Dagaalkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo muran ka dhashay dhuldaaqsimeed
Xiisadan oo bilaabantey maalintii shalay ahayd ayaa waxaa ay wararku sheegayaa in uu saaka mar labaad halkaasiuu dagaal ka dhacay.
Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu gaadhayo 3 dhimasho ah iyo dhawr dhaawac ah oo labada dhinaca ah,waxaana magaalada Laascaanood ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo Xiisadaasi.
Dooxaha Dhumay ee Degmada Taleex oo ah Dooxo Ayaa ah mid ka mid ah dooxooyinka ugu Waa weyn ama ugu caansan gobolka Sool, ayaa inta badan waxaa ka dhaca Muran u dhexeeya beelo ku Soo Duulay iyo kuwa Degaanka leh ee Degmada Taleex,
Wali ma jiraan cid ka hadashay dhanka mamulka puntland ama mas'uuliyiinta gobolka Sool iyo Nugaal oo ku saabsan colaad halka ka dhacday,waxaana cabsi laga qabaa in mar kale ay labad beelood iskahor-imaad cusub uu dhex-maro.hadii aan dad waxa garadi dhexgalin oo aan nabad galyada laga shaqayn
Wixii Ka soo kordha kala soco Boocame Online News Warbaahinta Qarniga Cusub!!