AND MAAKHIR CELEBRATION 18 MAY
http://www.qarannews.com/show/13467.htmlTHIS IS CEERIGABO
Ceerigaabo(Qarannews)Xaflad si weyn loo soo abaabuley oo looga jeedo xuska maalinta goonni isu-taagga Somaliland ee 18 May ayaa subaxnimadii manta lagu qabtay
fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo.
Munaasibaddan oo ay ka soo qayb galeen wasiirku-xigeenka caddaaladda Mr.Yuusuf Ciise (Tallaabo), madaxda laamaha kale ee dawladda (heer gobol iyo degmoba), shaqaalaha wasaaradaha dawladda oo iyagana ay ka muuqatey astaamaha bilicda leh ee ay ka muuqatey calaamadohooda gaarka ah ee loogu talo galay munaasibaddan xuska 18-ka May, ururrada bulshada rayadka ah, ardayda dugsiyada dhigata iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban dhammaanba qaybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay ayaa ugu horrayn waxa hadal kooban ka jeediyey kusimaha guddoomiyaha golaha degaanka ee degmada Ceerigaabo Md.Max’ud Cawed Ducaale (Herdi), kaas oo dadweynaha uag mahad celiyeyey maalintan 18-ka May ee kusoo begantay maalintan jimacaha ah ee aan caadadeedu ahaan jirin fagaarayaasha laysugusoo boxo ee ay sida weyn isaga xil-saareen ee isugusoo bexeen, isagoo sidoo kalena dadweynaha reer Ceerigaabo ku boorriyey isku duubnaanta iyo wax wada qabsiga, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Reer Ceerigaabo beelaha lagu sheego ma aha ee waa isku hal beel, sidaas ayaa danteennuna ku jirtaa".
Guddoomiyaha xisbiaga UCID ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo isaguna halkaas hadal kooban kazoo jeediyey ayaa mahadnaqa munaasibaddan iyo bulshada ka sokow waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Qaranka Somaliland waa mid hore u socda ee ma aha mid dib u socda, ilaahayna waxan uga baryayaa in uu halkaas hore ugasii socdo, waxanna hambalyada munaasibaddan 18-ka May u dirayaa madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo dhammaanba bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba".
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isaguna hadal kooban halkaas kazoo jeediyey ayaa isagoo maammulka degmada Ceerigaabo oo munaasibaddan soo abaabuley iyo guud ahaanba laamaha dawladda ee kazoo qayb galayba iyo weliba dadweynaha sida weyn isugusoo baxay ee reer Ceerigaaboba uga mahad celiyeyey halkaas, haddana wuxu shacabka reer Sanaag usoo tebiyey salaan uu uga sido madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin, intaas kaddibna duco badan oo jiritaanka iyoictiraafka Somaliland ku saabsanna uu halkaas ka jeediyey, isagoo dhinaca Somalia ka hadlayana waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Walaaleheenna Somalia xaasid kuma nihin, xumaantoodana ma doonayno laakiin dib ugu noqon mayno halkii aynu ogayn, halku-dheggeenna maantana waxa weeye Somalia marnaba ku biiri mayno, waayo cid kastaaba waa arki kartaa in aan wax horumar ahi marnaba xaggooda ka jirin".
Wasiir-kuxigeenka caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo ugu danbayn isagu soo gunaanadey xafladdan ayaa mahadnaqa munaasibaddan iyo bulshada isusoo baxday ka sokow wuxu ka sheekeeyey in badan oo taariikhda Somaliland-tii hore iyo tan maantaba isugu jirta, inkastoo uu carrabka ku dhuftay maammulkii ugu horreeyey ee reer Sanaag In lagu dhawaaqay 27-kii May oo ku beegnayd maalintii ugu horraysey ee maammul dawladeed oo dhisan iyo jabhaddii SNM foodda isku dareen dalka gudihiisa, isagoo ka hadlayey khilaafka dhalashada iyo dhul ahaaneed ee had iyo jeer dhegaha dadka kusoo duula ee ka taagan Sanaag-bari iyo qaybo ka tirsan gobolka Sool-na waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Nin xagga Aabbe mid kala walaal ah, xagga Hooyona mid kale kala walaal ah oo labadaasna midba dastuur gaar ah leeyahay ayaa laysku hayaa, geelii Aabbe haddii uu xagga Hooyo qabadsiiyo ama kii Hooyo uu xagga Aabbe qabadsiiyo ayaa halkaas laysku qabanayaa, taasna waxan leeyahay waxa lagaga gudbi karaa go’aan ninkaas laba walaal lihi uu gaadho oo labadiisa walaal iyagana saaxiibbo ka dhigo isaguna labada dhanba sidaas kula walaaloobo".
C/laahi Xuseen Darwiish
QARAN
Ceerigaabo
MORE PICTURES COMING