It was one of the most talked about gabayo in recent times. Here I found one of the responses to Abshir Bacadle by a Sade.
http://www.aayaha.com/viewpage.php?articleid=3028Gabay: Jawaab ku socota Abshir bacadle. W. T. Maxamud Filig
Posted to the Web Oct 09, 14:30
Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho
Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo
Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye
Mareexaanku dooxada Jubbu dagin uyaalaaye
Duulkaad ka sheekaysay bay daris wadaagaane
Deerkaa ukala rogan Absame taniyo Dowlowe
Doqon-diide iyo Cowramale Dir iyo shiiqaasha
Mushunguliga deexdiyo Hartida duq iyo waayeelba
Dugaag mahan oo ehelnimaan kala dugaalnaaye
Diiraro anoo joogo iyo daawo iyo gowlin
Digaal iyo anoo dowmacaan dalab ku maalaayo
Dooyaan ku tagi meelkastoo la iga doonaaye
Daaroodku waa wada dagaa doolo iyo howde
Danihiisa uma sheegi jirin dayday iyo tuuge
Waxaad adigu ugu duubatiyo Daahir garanwaayay
Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday
Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay
Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye
Mooryaan inaad dabagashaan daabaceed helaye
Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay
Darsin dhigo islaanimadi baad darafka joogtaaye
Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye
Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan
Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane
Duulaanka xamar waa qabiil loo durbaan tumaye
adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole
ama doolar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye
Daroogada cagaarani aday daawa kuu tahay
Adaa deeq ilaahay u qabay dahab islaameede
Guryahoodiii kuwaad diirateen dabato weeyaane
Hiiraale niman doortay buu daaci u ahaaye
Isagoo dadkiisii watuu duulan soo kicine
Damiciinu wuu guri haddaan moodku daqarayne
Dayniile iyo Dari wanaag looma daadihine
Dakadoodi waa laga xiroo looma soo dage’e
Digniin bay baxsheen oo hadday dirir u joogaane
Haddii aad Daraawiish tihiin diinta u adeego
Oo aan dakanadiii horiyo xumo la daacaynin
Cirfe maxaa dikee loogu yiri wabiga daaftiisa
Dhuxulow dariiquu xirtiyo Yuusuf dabinkiisi
Maxaa loo dulmaray waan ogeeyn dacatigoodiye
Dambigay galeen ma adinkaa daahir uga yeelay
Shariifkuba dadaal iyo wanaag buu dalbanayaaye
Daniihiisa inuu khayr u huray baan daninayaaye
Waxse dilay rag diriqsanahayiyo ducuful iimaane
Haddii diinta eebahay sharciga lagu dabaalaayo
Oo daalimiintii dhulkaan laga dul qaadaayo
Maandhow maxaan diidayaa daraja weeyaane
Daaraha shabeeliyo inataad dagalka meereeyso
Dukaanada ismaaciil inataad laba diblaynayso
Dalgii agoontiyo intaad daaqa guraynayso
Tunni duunyadeedii intaad darar ka maalayso
Diriciyo cimaamaduhu waa dac iyo ciideede
Ka dabaasha adinkaa xumaan diin u qaayibaye.
"Maxamuud Filig"
mfilig@hotmail.com