Qaar Ka Mid Ah Jaaliyadaha Dibadda Oo Booqasho Ku Tagay Isbitaalka Magaalada B/Xaawo
Mar 30,2009
by London-Gedo-News
Qaar ka mid ah jaaliyada dibada ee u dhasahay gobalka Gedo ayaa manta booqasho iyo u guurgalid ku tagay isbitalka waynee ee si gaarka ah loo leeyahay ee Jubba National Hospital, iyagoo qiimayn ku samaynayay howlaha caafimaad ee uu shacabka u hayo isbitalkaasi.
Musuuliyiintaas oo ka yimid dalka boqortooyada ingiriiska ee UK ayaa waxay kulama la yeesheen dhaqaatiirta iyo musuuliyiinta isbitalkaas qaybihiisa kala duwan iyagoo warbixin ka dhagaystay maamulaha isbitalka Adan Kuray waxyna kormeereen qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka kooban yahay sida saalada qaliinka oo markaaas ay taqaatiirku ku howlanaayeen qaliin lagu samaynayay haweenay lagu soo qalay wiil kadib markii ay foolanaysay muddo ah.
Waxay kaloo kormeerayn qaybaha Kunbuyuutarka,qaybta Raajada,iyo dhamaan bukaanka ku jira isbitaalka qaybihiisa kala duwadan. Ganacsade Cabdirisaaq Maxamed Adan iyo Dr.Cabikariin Maxamed Mire oo ka socday jaaliyadda UK ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin howlaha uu isbitaalkaan u hayo shacabka ku nool gobalka Gedo iyo wadamada dariska waxyna u mahad ciliyiin dhamaan daqaariirta iyo howlwadeenada isbitaalka.
Jaaliyadda dibadda ee u dhashay gobalka ayaa lahaa fikirka iyo maalgalinta isbitaalkan oo ah isbitaalka ugu wayn gobalka ee sida gaar ah loo leeyahay shacabka ku nool gobalkaan oo meelo fogfog u aadi jiray baahidooda caafimaad dhibatana kala kulmi jiray ayaa hada baahidoodii caafimaad ka helay isbitaalkaan waxana ka shaqeeya isbitaalkaan dhaqaatiir aqoon iyo qibrad balaaran u leh holaha caafimaadka.
Gedonet.com
Beled Xaawo wee duushey, if they keep getting diaspora visits like this i might go myself inshallah
One of those gabdo is Qansa and wuu biila monthly. Dude will go bizerk if You get near, You know How He takes chicks seriously
What the hell that is the dumbest thing in the world, even though I know you're joking. A girl is meant to be by your side. Bring her or find someone else. Lakin never say you are my possession and you are far away cuz any man can get through that door...