Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Gabays cover all kind of topics and lot of poets have written about gabays that consisy of bashing/praising clans due to the high inter-clan conflict during that era ( 19th century)...and once again Timocadde isn't the greatest his not even ranked in the top ten of the book by B. W. Andrzejewski

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
By Faarax Geydh
Guurkii iyo is af-garadkii dhiigu ku qubtay
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo
Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.
Raage isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.
Raage dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado, oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.
Alayl dhexe illayskii imaray ababa’daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.
Ina abtaay nin aragaaaga jecel kuuna iman waayay.
Oo eed sokeeyiyo kabaqay uubatiyo qaylo
Oo oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala laasataan adi uun baa og.
Geeluba ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeertiisa naaxdiiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba makala aamuusa waa isu olo-laaye
Hadaan ina adeereey ku idhi soo ma urugootid
Waan kugu adkeeyaye haddaad iga ajiibeyso
Ogoobay aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaaye
Raage jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo Xirsi-Jabane Faarax-Cade. Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:
Adoo dooba reer wacan hadaad doonto gabadhooda
Dalaaqaha hadii lagu xidhiyo meherka diinteena
Sida dowga dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdo
Ood dalawa geel iyo fardiyo duunyo badan dhiibto
Todobaadka horre waa duciyo dadabgal kaagi dheh
Sawirkaas korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.
Raage arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay 1850-60′kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna Bar-cad ku leh.
Raage Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan Aabihii ah.
Raage Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.
Soomaalidu isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna muuqaalkiisa garan.
Raage in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.
Boqor Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi, Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.
Raage Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan, Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:
Faraskan shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuuda
Faraskaan markii laga shakiyay laba shanaad siistay
Faraskan sharabihiisii ku daray sidigtii dhool shaaxin
Waa shay mug le bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyay
Nimankaad shaxayseen bagaan sharad ku beeneeyay
Shukrina waxan u naqayaa inaan shiqib ku weynaanin
Raage Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi. Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer, Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay, wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.
Garaad Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.
Gabadhu inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid, isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.Raage buulkii u horeeyay ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi, Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay naxdin iyo argagax.
Raage oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay, Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Uraxmee.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaaye
Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho
Hadii Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo, Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow. Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa. Garaad Faarax oo tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig daadashadii.
Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye
Kannaan dagay ………………..
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli’i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay………………..

Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay………………
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay……………….
Raage Ugaas Warfaa:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay………………..
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay……………….
Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Raage oo kusoo gunaanaday “Mala Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado” iyo tooridii oo uu dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano:

Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
Raage Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa, Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba heli doonin:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama koox ardo ahoo quraan kaadibka u toostay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli karayn haween faadumoo kale’e
Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee.——————————————–

Raage Ugaas wuxuu gabaygan ka tiriyay dagaal ay jifadiisu (MaalinGuur) iyo Jifo Kale ooy hayb korre wadaagaan (Reer Amaadin) Wada galeen. Dagaalkan waxaa lagaga guuleystay Jifada Raage Ugaas ka dhashay. Raage oo ku baroor diiqaya ragii ku le’eday dagaalkaas, sida Aw Cumar Xaashi, Aw-Faarax Warfaa ooy ilma adeer ahaayeen, ayuu tirshay Gabaygan. Raage ugaas wuxuu kaloo arkay, ragii dhintay, dumaashoodii inay heleen rag aan dhigmin kuwii horre oo uu isagu dhaliilsanaa. Gabaygan ayuu mariyay oo soomalida inteeda badani ku faafay.
Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
Hadaan igadhyo maalana anfaco ku il samaan maayo
Hadaan Ila-xidh seexdana hurdada, Aad uladi maayo
Inta badan aleeylkoo badh tagay alalad bay dhaafsha
Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo
Arkina maayo Aw-Faarax iyo Aadanow Cumare
Urrunkuu arbuhu jiifi jiray buu adhigu daaqaaye
Aqli naaqus aytolosh anbad ah uus welwaal dhaxal ah
Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah
Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin
Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

- guhad122
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4958
- Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
- Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Inkastoo dad badani aamin san yihiin in Siyad Maxamed uu ahaa ninka Somalida ugu suugaanta wanaagsan, haddana anigu waxaan qabaa nin Raage Ugaas u dhigma dhinaca suugaanta inuusan Soomali ka dhalan kana dhalin doonin. Rag badan oo aad suugaanta u yaqaanana arintaas waa qabaan. Gabayadiisa qaarkood waxaan xifidsanaa aniga oo 8 sano jir ka yar. Waa ninka kaliya ee Soomaali ah ee gabya oo Afar-xaraf ku socodiin kara gabay. Siyidka waa ku yar yihiin gabayada noocaas ah:
Bal eeg sadarkan:
Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
Ilaahoow u naxariiso...Mid iidoor ah baa meesha soo geliay Maxamed Mooge yaan ugu aarnaa, anaguse Raage Ugaas Soomali oo dhan haddii loo dilo uma dhiganto iska ba daa JidWaaq e.
Bal eeg sadarkan:
Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
Ilaahoow u naxariiso...Mid iidoor ah baa meesha soo geliay Maxamed Mooge yaan ugu aarnaa, anaguse Raage Ugaas Soomali oo dhan haddii loo dilo uma dhiganto iska ba daa JidWaaq e.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Ina aadan is Cilmi Raage and Raage Ugaas related in some sort

-
- SomaliNetizen
- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Cilmi Raage ( Reer Ugas Warfaa), Wuxuuna Gabyi Jiray (1880-1925)Queen_Arawello wrote:Ina aadan is Cilmi Raage and Raage Ugaas related in some sort![]()
Raage Ugaas (Reer Ugas Samatar), WUxuna Gabyi Jiray (1820-1865)
By The Way, Cilmi Raage ana ku abtirsada maanta, Oo Afar baan ugu tagaa isaga magaciisa.
...............
Ina aadanow adna aan meel kuu saxee, Taariikhdaas aad soo qortay way saxantahay iyo gabayaduba, iyo shaxda la isu geerarayay, Yuu ninku ka iloobay meeriskii Garaad Faarax ee ahaa ( Qaylidaa Jilbaha Joogta iyo Jaaha wilicdiisa / Ha jaleecin Wiil baa uga dhacay Tobanka jiiroode)
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 1895 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 1 Replies
- 2430 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 3401 Views
-
Last post by new-york24
-
- 10 Replies
- 1556 Views
-
Last post by new-york24
-
- 11 Replies
- 2367 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 70 Replies
- 11723 Views
-
Last post by Samatr
-
- 9 Replies
- 16130 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 13 Replies
- 51558 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 24 Replies
- 4825 Views
-
Last post by balwarama
-
- 64 Replies
- 6109 Views
-
Last post by Moderately2Wise