31 Jul 31, 2009 - 1:18:03 AM

Farole & Cadde Muse
Amaanka magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa la adkeyey kadib diyaargarow culus oo loogu jiro xuska sandugaradii 11aad ee markii dhidabada loo aasey dowladda Puntland 1998.
Wadooyinka Waaweyn ee magaalo madaxda dowlad goboleedka Puntland ee Garowe ayaa maalintii 30 July,2009 lagu arkayey Ardeyda Iskulada, ururada Hawenka, shaqalaha Wasaradaha iyo Ciidamada kuwaasoo tijaabo ku sameynayey garooonka kubada cagta ee Mire Awaare.

Madaxweynhii ugu horeeyey Puntland Cabdulahi Yusuf
Xaflada Tijaabada ayaa waxaa ka qayb galey Madaxweyne ku-xigeenka dowlada ahna ku-simaha Mud.Farole Cabdi-samad Cali Shire iyo xubno ka tirsan Wasiirada qaban qabinaya sanduugaradaan halkaas oo ay socod ku mareen qaybaha kala duwan ee ardeyda iyo shaqaalaha dowlada.
Xaflada sanduugarada oo ku beegan 1 Aug,2009 ayaa ah mid ka duwan kuwii hore iyada oo ay muuqato in shacabka reer Puntland niyad wanaag ka mujinayaan qaabka hay'adaha dowliga ah u shaqeynayaan kuwaasoo lixdii bilood ee ugu dambeysay ku guuleystey in ay iska-bixiyaan kharashaadkooda.
Magaalada ayaa waxaa ilaalo adag ka haya Boliska gobolka Nugaal kuwaasoo kaashanaya Ciidamada Darawiishta iyada Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole la filayo in maalinta Jimacaha 31 July,2009 kasoo dago xarunta magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe.
Puntland ayaa ku fadhida dhul baaxadiisa leegyahay 250,000km isku-wareeg ah [ 1/3 of Somalia] iyada ku taal inta badan xeebta Somalia ka kooban tahay [ Badweynta India & Red Sea], waxaana shacabkeeda lagu qiyasa 3 Milyan oo qof kuwasoo ku-nool gobolo ka kooban Todobo.
Puntland oo kamid ah goobaha uusan sameynta xoogan ku yeelan dagaalkii sokeeye ee ka dhacey Somalia ayaa waxa dhidibada loo aasey 1998 iyada oo uu Madaxweynihii ugu horeeyey ka noqdey Mud.Cabdulahi Yusuf Axmad.
Doorashadii dhacdey Jan 8,2009 ayaa waxaa xilka si taariikhi ah xilka u wareejiyey Maxamud Muse Xirsi kadib markii tartan doorasho lagu doortey Dec,2004.
Xil wareejinta Maxamud Muse Xirsi ayaa bog taariikhi ah u furtey shacabka Puntland kuwaasoo muujiyey biseyl siyaasdeed marka loo eego xaalka Somalia ku jirto 20 sano ee la soo dhaafey.
Radio Garowe,Graowe