Cali_Gaab wrote:The house where the SNM was established in West London, 1981:
http://www.multimap.com/maps/?qs=34+Cha ... 0763:17|34 Charleville Mansions London W14|34 Charleville Road, HAMMERSMITH AND FULHAM (LONDON), W14
Great!
Moderator: Moderators
Cali_Gaab wrote:The house where the SNM was established in West London, 1981:
http://www.multimap.com/maps/?qs=34+Cha ... 0763:17|34 Charleville Mansions London W14|34 Charleville Road, HAMMERSMITH AND FULHAM (LONDON), W14
Siciid85 wrote:
Himilooyinkii SNM lama Wada Gaadhin, Maamulkii SNM ee dalka Qabtayna Mucaaradad Adag baa ka Hortimi" PDF | Print | E-mail
Tuesday, 06 April 2010
Muj. Xasan Ciise oo ka Hadlay Ku Dhawaaqistii SNM, Xaaladda Dalku Marayo, Dayaca Agoomaha Hargeysa Haysta iyo Khilaafkii Ururkooda Helay
Hargeysa-Guddoomiyaha ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay maalintii lagu dhawaaqay ururka SNM 6 April, 1981 oo maanta ku beegan lagana joogo 29 sannadood iyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo uu sheegay inay tahay mid adag. Isagoo xusay inaanu xalkiina muuqan.
Md. Xasan Ciise, oo isagoo jooga xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu faahfaahiyay aasaaskii ururkaas oo uu ka mid ahaa raggii ku dhawaaqay isagoo xilliyadaasna shaqadiisii saxafnimo ee laanta Afka Somaliga ee BBC-da ku waayay dhadhaqaaqaas siyaasadeed ee uu kaga soo horjeeday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee ay SNM ugu dambayn ku riday dagaalka hubaysan.
Guddigii u horeysay ee Fulinta ee SNM , dhinaca bidixda waxaa ugu soo xiga Mujaahid Xasan Ciise Jaamac
“Intaan SNM lagu dhawaaqin, waxaanu qolooyinkayagii Ingiriiska joogay lahayn urur la odhan jiray Somali Welfare Organization, oo ahaa urur aanu ku caaridi jirnay dawladii Siyaad Barre, Mudaharaado joogto ah ayaanu sannad iyo dheeraad magaca ururkaas ku samayn jirnay, Maalinta Sabtida iyo Axadda oo xaggaas fasax ah ayaanu mudahraad ku samayn jirnay safaaradii ay dawladii Siyaad Barre ku lahayd London, wakhtiyadaas safiiradii joogay waxa ka mid ahaa Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo imika Hargeysa jooga. Markaas mudaharaadyadaas aanu Siyaad Barre ku bilownay waxay ku noqotay dhimbiil dab ah, dawladiisu waxa ay xoogeeda isugu gaysay in mudaharaadkaas la joojiyo, haddii aan mudaharaadka la joojin karayn waa in la joojiyo warka mudaharaadka ku saabsan ee ka soo baxayay laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayay tallo ku gaadhay.
Marka aan arrintaas dib u xasuusto waxaan is tusaa xadiiska nebiga SCW laga soo weriyay ee odhanaya jidhaadka waxyaabaha ugu qiimaha badan waxa ka mid ah kelmad xaq ah oo aad nin boqor ah oo daalin ah aad hortiisa ka tidhaahdo.
Dhibaatada ay markaas arrintaasi Siyaad Barre ku lahayd ninkii maalintaas joogay wuu garanayaa iyo miisaankeedii. Waayo wadankii ayuu qabsaday, cid juuq tidhaahda ma ogola, dibadii ayaanu dabadeed ka dhawaaqnay oo aanu nidhi ha dhaco, oo dadkii gudaha joogay ee uu lahaa ma hadli kartaana ay dhegaysanayaan.” ayuu yidhi Xasan Ciise, isagoo ka sheekaynaya aasaaskii SNM, waxaanu intaas raaciyay “Markii aanu muddo sidaas ku wadnay waxa nala soo xidhiidhay qolyihii gudaha iyo carabta degenaa, oo aad noogu bogay, way noo yimaadeen aakhirataankiina wada hadalayada ayaa waxa ka soo baxay in urur jabhadeed la sameeyo oo markaas halgan hubaysan u diyaar garooba inuu ku qaado dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Markaas aakhirataankii SNM ayaanu go’aaminay, waxaanan 6 April shirkii u horeeyay ku qabanay London oo aanu kaga dhawaaqnay intaanu saxafiyiintii isugu yeedhnay markaas intayadii mudaharaadka samayn jirtay oo dhan ee mudaharaadyada samayn jirnay waanu ku dhammayn maalintaas. Muu ahayn go’aan saddex ama afar nin go’aamiyeen ee wuxuu ahaa go’aan aanu iltaalkayaga ku muujinaynao oo aanu isu habar wacanay.”
Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in shirkii u horeeyay ee lagu go’aansaday ku dhawaqista SNM lagu qabtay guri uu magaalada London xilligaas ka degenaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax. “Markii hore waxaanu go’aanka ku gaadhnay guri uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir degenaa, dabadeedna 6 April ayaanu si rasmi ah ugu dhawaaqnay ururka SNM, shirkana waxaanu ku qabsanay hool ku yaalay magaalada London oo aan wax badan ka fogayn daarta BBC-da ee Bush House.” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Xasan waxa uu sheegay in markii la dareemay dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ku dhawaaqista SNM laga joojiyay shaqadii uu BBC-da ka hayay, “intii aanaan isla gaadhin SNM, afar bilood ka hor ayaa aniga shaqadii BBC-da la igaga eryay wuxuu wadaa urur siyaasadeed oo mucaarad ah oo Siyaad Barre ka soo horjeeda, markaas afar bilood ka hor intii aan SNM lagu dhawaaqin ayaa shaqadaydii aan ku waayay, waxaan ahaa qofkii u horeeyay ee ay dhibaato ka soo gaadhay SNM, oo Siyaad Barre waxa sidii aan sheegay dhimbiil ku noqotay warkaas BBC-da ka baxaya ee ay dadkii guduhuna dhagaysanayaan.”
Guddoomiye Xasan Ciise, oo la weydiiyay maanta oo 6 April 1981 laga joogo 29 sannadood sida uu dareenkiisu yahay, waxaanu yidhi “Maanta dareenkaygu wuxuu yahay mid aad u wanaagsan, sababtoo ah, ujeedadii halganka aanu ka lahayn wuxuu ahaa in Siyaad Barre oo keliya maahee dulmigii wadanka oo dhan inuu meesha ka baxo oo aanu annagoo ilaahay la kaashanayna aanu meesha ka saarno, Allena wuu nagu guuleeyay. Siyaad Barre wakhtigaas wax yar ka hor hay’adaha ciidamada aadduunka darsaa waxay qori jireen inuu yahay dawladda Afrikada madoow ugu xooga weynayd, raggii ciidamada xilligaas madaxa ka ahaa qaar aan weydiiyay way qireen arrintaas. Markaas waa himilo uu Alle nagu guuleeyay dalkii iyo dadkii oo xor ah ayaynu maanta haysanaa. Himilooyinkii SNM lama wada gaadhin, waayo xoraynta dalka oo keliya may ahayn ee waxay ahayd dawlad ay dadka iyo dadkuba ku aayaan oo wadanka horumar la beegsata in lagu bedelo nidaamkii dulmiga ahaa, weli maynaan gaadhin taas, laakiin waynu gaadhi karnaa, waxaynu haynaa raasamaalkii, macaashkana waynu gaadhi doonaa.”
Sida laga warqabo waxa aan weli xaqoodii helin mujaahidiintii SNM ee halgankaas ku naafoobay iyo agoomaha aabayaashood ay halgankii ku dhinteen oo ay dhibaato iyo diifi ka muuqato qaar badan oo ka mid ah. Sidaas daraadeed Xasan Ciise, oo la weydiiyay sida uu arrintaas u arko, ayaa yidhi, “Arrintaasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinka koowaad ee wadanka ka taagan, dalka markii la xoreeyay ee uu Alle inagu guuleeyay, maamulkii SNM ee yimid wakhti uu wax ku dhisaba muu helin, mucaaradad baa ka hortimid, dhibaatooyinka maanta taagan ee ay dhibaatada mujaahidiinta haysataa kow ka tahay waxa aasaaska u ah khilaafkii SNM ay wadanka la soo gashay, khilaafkii SNM gudaheeda ka dhacay ayaa burburiyay, itaalkeedu wax kastaba ha noqdee. Khilaafkaas ayaa iska hor taagay inay wax qabato, khilaafku waa shayga wax kasta burburiya. Maamulkan maanta jiraa kii ka horeeyay ee uu dhaxlayna waa kii odhan jiray kuwii xoreeyay ayaanu ka xoraynaynaa, wax ay daryeelanba daayoo kuwan maanta joogana hadalkoodaba daa’, markaas arrintaas dayaca agoomaha iyo mujaahidiintu waxay ka mid tahay nusqaamaha waaweyn ee maanta wadanka ka taagan, sababaha keenayna khilaafkaas ayaa kow ka ahaa oo waa la yaqaan, dawladan dambe ee aan danaynayn, guud ahaan dadkana aan danaynayn, gaar ahaana SNM aan danaynayn ayaa dambigeeda leh.”
Maalmihii lagu dhawaaqay SNM oo lagu hor mudaaradaayo Safaaradii Siyaad Bare ee LONDON
Ugu dambayn mar la weydiiyay sida uu u arko xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo adag, waxa uu yidhi, “Xaaladda uu maanta dalku marayo, wadanka dhibaato culus ayaa haysata, dhinac dawlad la’aan ayaa la odhan karaa dhinacna dawlad xumo, xal diyaar ahina ma muuqdo, laakiin Alle waxaynu weydiisanaynaa faraj khayr qaba oo ka duwan mid ay dad badani filayaan weliba annagu SNM ahaan kama rajo xumin, sababtoo ahaa waayo aragnimadu waa jaamacadda koowaad ee adduunka, oo waxyaabo badan ayaad ku baranaysaa, markaas SNM-ta waxyaabaha aanu ku baranay waxa ka mid ah dhibaatadu markay ugu darantahay ayaaba laga yaabaa inuu xalku ugu dhowyahay oo annaga way na soo martay, markaas Somaliland iyo dadkeeda dhibaato culus ayaa haysata xal diyaar ahina ma muuqdo laakiin Alle ayaynu u baryaynaa.”
Source: Geeska
Sallaxleynews Editor
Hargeysa, Somaliland