Puntland Iyo Somaliland Oo Isku Horfadhiya Widh-Widh
May 22, 2010 Gudoomiyaha degmada Widh-Widh ee gobolka Ceyn ee maamulka Puntland Aadan Xirsi Dhabarlow oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in
Ciidamo ka kala tirsan Puntland oo kaashanaaya Ciidamada SSC iyo Somaliland ay isku hor fadhiyaan degmada Widh Widh.
Dhegayso Guddoomiyaha Widhwidh Adan Dhabarlow
Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland ay gudaha u galeen degmada Widh Widh isla markaasina ay Ciidamada Somaliland ku suganyihiin agagaarka degmadaasi.
Mudane Aadan Xirsi ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in waqti kasta ay isku dhacaan ciidamadaasi isagoo hoosta ka xariiqay in saacadaha soo socda ay war kasoo saari doonaan xaalada degmada Widh Widh.
”Labo gaari oo ay wateen Ciidamada Somaliland oo ka yimi degaanka Bali halac ayay gubeen Ciidamada Puntland”,ayuu yiri isagoo intaa ku daray in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey gawaaridaasi oo ay dib u qaateen maamulka Somaliland.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay galeen degmada Widh Widh,waxaana aan jirin wax isku dhac ah oo halkaas ka dhacay.
Horseed Media
--------------------------------------------------

Kuligiin waad gubandoontiin.
