Page 2 of 2
Re: Libdhi Meeysiide Laascaanood, Labaa Maha wadaankenu..
Posted: Sat May 29, 2010 8:07 pm
by Queen_Arawello
^^

Re: Libdhi Meeysiide Laascaanood, Labaa Maha wadaankenu..
Posted: Sat May 29, 2010 9:18 pm
by Goljano Lion
Queen_Arawello wrote:^^

Queen_Arawello
horta marmar waxba ka siya? waxaan u malaynayaa Usbuuuci casaankaad ku jirtaa, kolkaa waxaan kugu la talinlahaa, inaad week-gaa casaanka aad ku jirto aad iska nasato
Re: Libdhi Meeysiide Laascaanood, Labaa Maha wadaankenu..
Posted: Sun May 30, 2010 2:08 pm
by Babygirl-
HEES WADDANI AH OO LOO HIBEEYEY MAGAALADA TAARIIKHIGA AH EE TALEEX
Hindisaaga: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza)
Magaca Maansada: Taleex
5/26/2010
Taalladii Darwiishkaay
Tilmaantii halyeygaay
Tisqaadkii xorriyaddaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Tubti geesinnimadaay
Tareesadi hormuudkaay
Tuutihii waddanigaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Tawraddii dadnimadaay
Tallaalkii kacdoonkaay
Taabbaqaadki calankaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Qalcaddii tashkiilkaay
Taajkii nindoorkaay
Tusmadii horseedkaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Taxanaha mideeyaay
Tafaraaruq diidaay
Tusbax aan firxanineey
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Gumeysiga tantoomaay
Tafwareemo nacabkaay
Tunka kaaddir saaraay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Taariikhda buuniga
Sharaf lagu tarraxayeey
Tayagalisadiiyeey
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Xaruntii tiraabtaay
Tixda lagu barbaarshaay
Hal’abuur tamadiyaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Halgankii tacdaarnaa
Sayidkii tilmaannaa
Ismaaciil tawadiyaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Toggi laysku helayeey
Taliskii gumeystaha
Tortor nagu garaacaay
Waxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.
Rugti taabbagalintaay
Tigaaddii nafhuriddaay
Tallankii abwaankaay
Tifqid dhiig ma-jeestaay
Tacab qaranku booqdaay
Taxaa tahay Taleexeey
Tagtadiyo timmaaddada
Halbeeg taagan maantoo
Ma tasowdid waligaa.