Garxajis Top 5 Best poets

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Garxajis top 5 best poet

Poll ended at Sun Aug 29, 2010 1:30 pm

1 yawle
9
36%
2 Xasan tarabi
10
40%
3 qaasim
2
8%
4 ismacil cigaal bulaale
1
4%
5 Qawdhan ducaale
3
12%
 
Total votes: 25

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Siciid85 »

Here is the Poem he made for all Garhajis notice how he mentions all their lands from Erigavo to Awaare. 8-)



Carada iyo cerbaha shiisha iyo Dhamal calooshiisa.
Cudbi koriye ceeriga Burraho cadayga Laasdhuure.
Cadaadley carfigaa Tuuyo iyo culayga Maygaagta
Casaha Sheekh caleenti Burco iyo cogalka Oodweyne.
Caglishiriye Ceeg iyo Togdheer harada Ceegaagta
Cayanabo cadaankii Taleex Cal iyo Buur Dhaabo
Halki iyo Ceerigaabiyo badiyo kuraha cawlcawlan
Cagaarweyne coodiga Wardheer Caado iyo faafan
Cosobkii biyeed iyo Gurracan Ceelqod iyo Baarta
Curcurrada Awaare iyo Deyr cawska Digaweyne
Cufka Aroor Calaydh iyo Balaadh Cawlal iyo Qaydar
Gaaroodi labadiisa cidhif Ciinle iyo Tuurta
Ceelkaa Hargaysa iyo Togaan cidii ka guuraynin
udubkaa cidhiidhiga u degey ma cidkalaad mooday
saw cududda Habar Yoonis iyo Ciidagale maaha

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayay
Isago cartiisi qaba oon cidina taataaban
Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
Guutada camuuda ah kolki caasha loo geliyey
Gabagabaha ciirada markaad cadar xagaa mooday
Cara wiilasheedi kolkaan caynab ku eryaayay
Caamir hooyadii iyo kolkay Calaso ooyaysay
Waakii Caruusa ugu galay caydha barigiiye
Nimankii calqadihii ka riday ma cid kalaad mooday
Saw cududda Habar Yoonis iyo ciidagale maaha

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cafaw nooma galin reer Subeer waagi lays cunaye
Colaad iyo markii Geydh la dilay ciil la degi waaye
Cawadhalad kuwii sheegan jiray cuurka ba Xawaadle
Caroowgeyga gortay maqlaan wey ka cararaane
Kuwii webiga cidhifkaa ka maray coodan laga qaadye
Geeli canjiida iyo lahaa sumad yaro caana
Caroofiga dhagaha dheer wax badan soo cantoobsadaye
Caraale iyo jeeraar waxaan caydh dad ugu diiday
Codcodkii waxaan uga qubay iyo subagii ceegaagey
Carrow dheere iyo bay hayeen culuqi baalgoy e
Cali Rooble geeli badnaa looma soo celine
Cabda kala jid baxay barqabkii cunaha weynaaye
Cifan weydey beeshii sidii Ciise loo miraye
Caanaha ma laasimo ninkaan culus ka qaadnaaye
Meeshiyo colaadii Dirqaan caarid ka xigaaye
Cadawgaanu kaga deyranahay Curubta Reer Shiikhe

Caynkaa hadaanaan ahayn laysma caasiyo'e
Halka iyo caws guduudkii Jigjiga lagama ceesheene
Kolka beesha Cayn loo raraa Cadan u yaacdaane
Cidlaa kaga tagtaan reerahoon cir u irmaanayne
Horweyntiinan caydigu wadaa ma cayilaadeene
Cayuuntiina waxa boobi laa Caliyo Haaruune
Carandhiriye reer Fiqi Cigaal kuma ciseeyeene
Cishadii dhaweytona raggii caawiyaad tahaye
Caynkaana waan kugu ogahay ee calale yeelkaaga

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cirroolaha gaboobaa nin ragi ka cilmi qaataaye
Calisalaan Cabdiyo Daahir Magan Carab la sheekayso
Cishadii la gubay qayradii cobosha yaa laayey
Caarshiyo raggay Dawladii ciir ka qubi weydey
Anagaa ka sii ciidan badan cidi ma kaa yeeli
Waraabaa ciyaayee ka soo carara aaboooyin
Caruurtaa sidaa lagu sabaa ka caqli weyn uunku

Haddii ramad candhada jiidayiyo cuud la kala qaado
Coomaadda duuliyo haddii cadal la kooreeyo
Cadaw dile ayaa nagula mida curaddo laayaana
Miyaanaan ka ciilbixin kolkuu rag isu caal waayey
Caska waaga yaanaan rasaas caadka kaga yeelin
Halkiyo Cawda laasaha Cillaan caabud iyo kaafir
Miyaanaan sidii awr cayina keenaduu celinin
Ma cidbaa ku nool dunida waataan cankaa dhigaye

Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe

Cishada Iidda laysugu yimaad caadada islaamka
Ama meel caruus laga cammiray laga cayaaraayo
Ama Caynab lagu soo shiriyo ceydbuliyo maydal
Carfi iyo xarrago uunka yaa nagu cillaynaaya
inaan calanka dheer nahay ayaa caawa ka hadlaaya
Abaar caratay cuun lagu dibjirey meel cidliyo soola
Caraafiidka iyo oonka iyo caatadiyo daalka
Dhallinyaro cad duban qaadata iyo guluf carraabaaya
Cimrigii nimaan arag miyaa ii cargaagtamaya
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine
Casar weerar iyo mayagaa caydh is garanaaya
Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey

Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh
Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno
Caddaankaanu wada loollanaa madaw cisaynmayno
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by HooBariiska »

Siciid85 wrote:
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine


:lol: :lol: which cabdella? is he talking about

the version i heard is
saw cudada cabdella isaxaaq iyo ciidagale maaha :lol: :lol: :lol:

bwt that guy afqalooc, he is not really that good man, i listen to some of his gabayo, like the gabay lixdan where he was advicing egal aun

i think looodh is better :D
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Siciid85 »

Timo_Case wrote:
Siciid85 wrote:
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine


:lol: :lol: which cabdella? is he talking about

the version i heard is
saw cudada cabdella isaxaaq iyo ciidagale maaha :lol: :lol: :lol:

bwt that guy afqalooc, he is not really that good man, i listen to some of his gabayo, like the gabay lixdan where he was advicing egal aun

i think looodh is better :D



:lol: :lol: :lol: sxb i don't know who he means Abdallahan Yaryari , maybe he means abdalle isaxaaq, it can't be abdalle cismaaciil since it's very large.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by HooBariiska »

looool siciid let me tell u cabdella isaxaaq is not small, we are bigger than qasiin and kaliil combined (+ I.A :D )

laakin there are lots of gabayo talking about this 'cabdella' in dhawr gabay aan maqlay

maanad maqlay:
cabdellaha yar yari haata way cagacagayeena (yawle?)
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by The_Emperior5 »

xassan tarabi is leading The garxajis votes
Runloow101
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 353
Joined: Tue Apr 22, 2008 3:33 am
Location: Ilaahoow adaa weyn.

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Runloow101 »

Garxajis looma caddaalad samayne waxay ila tahay in Ciidagale & HY loo kala qaado.

Habartan xumi maxay Arab ragga uga reebtay illeen iyadaa qolaba qol u furtaye
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Siciid85 »

Emperior, Indeed Xasan Tarabi's poems are legends can't people for mostly voting for him, Qaasim also deserves more votes.

:lol:


Saadada Cadhootay



Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu
yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.

1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe

4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene

7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii waa na sidataaye

10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timi sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu kacaankani u galay Saca raggiisiiye

13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool saaka madaxgaabe

16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene

19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha laga sarraysiiyey

22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye

25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn siidhi haw tumoe
27. Sabaalada ha moodeen in loo sahanshey meel roone

28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
29. Waa waxa abaar nagu salliday soof ma reebta ahe
30. Saddexguuro waa waxa na baday sadhiyo daacuune

31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne

34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye

37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne

40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye

43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane
45. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid
Last edited by Siciid85 on Wed Aug 25, 2010 9:26 am, edited 3 times in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Siciid85 »

Timo_Case wrote:looool siciid let me tell u cabdella isaxaaq is not small, we are bigger than qasiin and kaliil combined (+ I.A :D )

laakin there are lots of gabayo talking about this 'cabdella' in dhawr gabay aan maqlay

maanad maqlay:
cabdellaha yar yari haata way cagacagayeena (yawle?)



:lol: :lol: sure dude, to be honest i have no idea this abdalle yaryari his refering to.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Siciid85 »

The_Emperior5 wrote:xassan tarabi is leading The garxajis votes

Dharbaaxo jin seems to be leading the H.A votes also.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Somalistan »

Xassan Turabi......... :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by The_Emperior5 »

I like yawle More :up:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by Somalistan »

Where is Cilmi Liig the famous composer of "Darood Ku Xaar" ?


Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene
Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye
Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by HooBariiska »

Somalistan wrote:Where is Cilmi Liig the famous composer of "Darood Ku Xaar" ?
He was H.Y?, yuu kahaa?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by The_Emperior5 »

Garxajis do you guys agree xassan tarabi is the best garxajis poet
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Garxajis Top 5 Best poets

Post by AsadSL »

Hes the best Somali poet.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”