Qobot iyo Dardarsnoop12 wrote:waryaa waxan filayaa in aa tahay rer nageeyle, Marexanka degan gobalka Dire Dawa waxaa ka mid ah Ugaas Khaliif Diini waxeena isku bah yihin Rer Dalal Ugaas Diini, jifooyin kale oo badan baa jiro laakin waxaa dadka kala yaqaan odayaasha Bah Ogaden iyo Rer Cismaan madaame ee labadan jifooyin oo Marexan aad u degaan Gobalka Doolo oo maanto loo yaqaan Wardheer.
Wagardhac waa jifo da weyn marka waa laga yaaba in kuwa badan oo jooga gobalkaas ku abtirsadaan Wagardhac, wiligaa ma maqashey Dardar iyo Qobot ?
weligay ma maqlin bal ii jilci adeer inta anan u hadlin sidii gabadhii Xawadle iyo askerigii shukaananayay:
"Idigu Caligee tahay aboowe" ayay weydiisay
"Aha, anigu waxaan ahay Cali Joomatuu ( Cali Joomatuu waxa la oran jiray mid ka mid ah labadii guuto ee ugu horeeyay ciidankii Somalia)" ayuu yiri
"Ibidkeey Xawaadle Cali Joomatuu la dhahaayo ma maqal!" ayay ku jawaabtay ayadoo yaaban
"Waa jiraa Cali Joomatuu, oo wuxuu deggaa dhankaa Ufuroow" ayuu ku jawaabay
"Haye aboowe, soo dhawoow hee"
and u know the rest?