hamada12 wrote:dr yalaxow walaal rasuulka wax quraanka kasoo horjeeda masheegin hadalka rasuulkana waa waxyi dhanka alla ah fiiri ayada ch 53 v 3 axaadiithtana waxey fasirtaa aayadaha quraanka ayada ch 24 v2 iney kuwa aan guursanin ka hadleyso rasuulka axaadiithtiisa ayaa noo fasirtay walaal ma ogtahay xadiith saxiixul bukhaari iyo muslim ee wada wariyeen ee خرجه مسلم البخاري : « لا يحل دم امرئ مسلم شهد أن لا إله إلا الله وأني رسول الله إلا بإحدى ثلاث : النفس بالنفس والثيب الزاني والمارق من الدين التارك للجماعة hadaba rasuulkeena suuban ayaa sidan leh allah wuxuu kuu sheegay in rasuulkeena suuban uu hawadiisa iska oran ee wax loo waxyoodi tahay suuratu najmi firi bilowgeeda marka walaal hadalkaada waxaa sheego dadka ugu tara galay dadka diinta ku yartahay iney waswaas galiyaan hadey cilmi yari kaa tahay cudur daar ayaad leedahay soo baar hadiisa ee ku tara gal kaa tahay waa arin aad u halisa inaad amarka rasuulka diido oo tiraahdo quraanka hadaan aayadan ku arag ma qaadanayo warka rasuulka quraanka waa ku jirtay waqtigii nabiga laakin waa lanasakhay lafdigeedi xukunkedina waa jiraa (والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة) sida aayada kale ولا تأكلوا الربا أضعافاً مضاعفة allah wuu nasakhay xukunkeeda in kastoo lafdiga uu baaqi yahay waxaana lagu badalay (يأيها الذين آمنوا اتقوا الله وذروا مابقى من الربا) marka iska ilaali waxaadan cilmi ulaheyn
hadiith aad ka hadleeyso waxay ka hor imaanayaan hadalka ALLAH quraanka kariimka ah, waayo ISLAAMKA waxaa gacanta koowaad ah ALLAH hadalkiisa ee ah quraanka. allah wuxuu ku yiri
si fiican u akhri aayada quraanka,
ALZAANIYATU- WALZAANIII FAJLUDU KULU WAAXIDUN MIN HUMAA MI'ATTAN JILDAN afka carabiga waad taqaanaa,waad aragtaa allah ma kala saarin qofka wuxuu yahay ,ha guursado ama yuusan guursan, ha dheeraado ama ha gaabnaado, ha cadaado ama ha madoobaado, allah wuxuu yiri kaliya
ALZAANIYATU- WALZAANIII
zineeystaha(dumarka( zineeystaha(ragga ah) waa inaad midkiiba 100 karbaash ku dhufataan.
marka halkee ayaad kala timid sxb guur ama guur la,aan quraanka si cad ayuu u yiri 100 karbaash, haddii aad la timaado wax aan ALLAH oran ee aad tiraahdo
WAA IN DHAGAX LAGU DILAA markaa allah ayaad ku been abuuratey.
hadiiska dhahaya DHAGAX KU DILADA WAA XADIIIS been abuur ah waayo si cad ayuu hadalkii ALLAH uga hor imaanayaa, waxaadna ogaataa xadiisyada dhamaantood waxaa la aruuriyey 300 sano rasuulka geeridisii ka dib, bukhaari kaliya wuxuu aruuriyey 300 000 xadiis, dhamaan waa iska tuurey wuxuuna ka soo qaatey 1500 kaliya, marka xadiisyada sidaas ayeyba u yihiin dhamaantood wax aan la hubin waayo dadkii aruuriyey waxay noolaayeen 300 sano rasuulka ka dib.
hamadi waxaad tiri QURAANKA ma dhameystirna oo waxaa jirta AAYAD sheegeysa DHAGAX KU DILIDA OO QURAANKA LAGA ILAAWEY aayadana waxaad ku sheegtay waxan been abuurka ah
(والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة
acuudi bilaahi mina sheydaani rajiim, walaahi waa gaalnimo cad iyo isku day inaad quraanka aayado cusub ku darsataaan.
quraanka waa 6666 aayadood mana jirto wax laga ilaawey, ma jirto aayad 6667 ka dhigeysa quraanka, QURAANKA waa 100% kaamil hal xaraf xitaa laga ilaawey ma jirto, aayad ku sheega been abuurka ah
(والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة
waa KUFFR cad iyo isku day inaad quraanka badashaan sidii BIBELKA kirishtaanka loogu daro aayado cusub, ee la yiraahdo AAYADAN hebel hebel ayaaa xafidey waa jirtaa.
eeg allah ayaaba quraankiisa ku yiri QURAANKA WAA KAAMIL mana jirto wax laga ilaawey allah ayaa quraankiisa ku yiri aayada ugu danbeeyso,
maanta diintii waa idiin dhameystirey waana kaamil
eeg quraanka waa 114 suuradood iyo 6666 aayadood, hadii aad la timaado aayad ku sheeg cusub sida beentan gaalnimada ah
والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة
waa danbi weeyn xaqiiqdii waa isku day inaad quraanka ku darsataan aayado been abuur ah ee ay BANIAADAM SAMEEYSTEEN. allah wax ma ilaawo, xaasha lilaahi, allah wax ma ilaawo, quraanka ma jirto wax laga ilaaawey. ilaaheey ZINADA quraankiisa laba meel ayuu uga hadley waa SUURATUL NOOOR IYO SUURATUL NIZAA.
LABADOODUBA allah ma kala saarin guuur ama guur, la,aan, halkan ka akhri CARABI haddii aad wax ka yar ka taqaanid

waa kaas allah hadalkiiisa, qofkii isku dayda inay BUUGA GAALADA KIRISTAANKA ka soo xadaan aayad been abuur ah sida والشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة waa qof allah u gaftey waa qof allah ku been abuuratey.
ilaaheey quraankiisa waa 6666 aayadood ma jirto wax laga ilaawey, waa KUFFR haddii aad tiraahdid aayado maqan ayaa jira. ma jiraan aayado maqan.
laakiin quraanka waxaa la aruuriyey rasuulkoo nool iyo cusmaan bin cafaan waqtigeesii waana 100% sax, waxaana haboon in marka hore quraanka la raaco, xadiiskii ka hor imaanayana quraanka sida xadiis dhahaya ha la dilo qofkii zineeysta, halka quraanka ka oranayo isagoon kala qaadin guur ama guur la,aan 100 karbaash. wax waliba islaamka waa nambarka koowaad ah QURAANKA KARIIMKA.