garad 13 i dont think the garaad of buhoodle has beef with Sl garaad cabdilahi garaad soofe and ina xaji cumar camay
Now that Dhulki kalshaale loo diiday ina baraago laga ba a qoto gabi ahaan ba ,and ciidanka qaranka is securing the place dalbac mahad cambaashe and col cayddiid dhadhable are doing the work
qoladi ssc na xafladay ku maqanyihin maba jooga arliga marka next 18 may party .,, garaad soofe buhoodle ku dhigaya
The_Emperior5 wrote:garad 13 i dont think the garaad of buhoodle has beef with Sl garaad cabdilahi garaad soofe and ina xaji cumar camay
Now that Dhulki kalshaale loo diiday ina baraago laga ba a qoto gabi ahaan ba ,and ciidanka qaranka is securing the place dalbac mahad cambaashe and col cayddiid dhadhable are doing the work
qoladi ssc na xafladay ku maqanyihin maba jooga arliga marka next 18 may party .,, garaad soofe buhoodle ku dhigaya
I have no problem with the Kalshale issue, but what I do have a problem with is the style of politics which is being used to extend the government to areas which is not secured.
Garad Abdilahi garad Soofe and ina xaji cumar camay are puntland supporters. If we want Somaliland to reach buhoodle and secure the borders they must win over the elders period, or it will become a conflict zone which doesn't benefit anyone.
The_Emperior5 wrote:garaad abdilahi garaad soofe had talks with sl elders and politicians before with in xadhadhanka and many talks ba hadhay
well if we cant convince them then what? , well there is always plan b ,we might crown new garaads
We already tried that with the Jamac Siyad garadship, but it didn't work. Man I think we can use different politics than was used in 2007, but silanyo shot himself in the foot from the get go by giving us two useless wasirs
Last edited by KyrieJama on Sun Jan 09, 2011 7:41 pm, edited 1 time in total.
“Madaxweyne Siillaanyo Wali Ma Dhufayskii SNM-buu Ku Jiraa, Muxuu Ciidamada Noogu Soo Daad Guraynayaa, Cornayl Dayr Iska Toos-na Waa Nin Dhul Bahante Ah”
“Nuux Taani-Na Colaad Buu Wadaa, Hadii Ay Ka Bixiwaayana Wixii Rag Yeeli Jiray Ayaanu Ku Dhaqaaqi Doonaa, Hadii 60-Kii La Eegayana Anigu Gaatama Ayaan Leeyahay” Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale
Hargeysa, January 5, 2011(Haatuf) - Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah garaadada Dhulbahante ee Buuhoodle, isla markaana ka mid ah hogaanka sare ee nabad diidka Buhoodle ayaa walaac ka muujiyay kormeerka Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani uu ku marayo ciidamada qaranka Somaliland ee saldhigyadoodu yihiin jiidaha hore ee xuduuda iyo deegaanada gobolada Sool iyo Buuhoodle, isagoo intaa ku daray in ciidamada qaranka Somaliland ay ka baxaan deegaanadaasi, kuna hana jabay in Maleeshiyadooda nabad diidka ahi ay dagaal kala hor tagi doonaan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanada Maygaagle, Kal-shaale iyo Widh-widh oo uu tilmaamay in ujeedada loo keenay ay tahay sidii ganacanta loogu dhigi lahaa Buuhoodle.
Garaad Guutaale waxa kale oo uu difaacay ciidamada Puntland ka yimid ee uu hogaaminaayo Col. Dayr Iska-Toos ee dhawaan soo gaadhay Buuhoodle.
Sidoo kale Garaad Ibraahi waxa uu madaxweyne Siillaanyo ugu baaqay ilaa inta ciidamadu ka baxayaan deeganadaasi in aanay aqbalaynin baaqii nabadaynta ee Isimadooda Dhulbahante ugu jeediyay gogol nabadeed.
Garaad Guutaale oo isagu sheegay inuu ka mid yahay hogaanka Maleeshiyada nabad diidka oo xalay wargeyska Haatuf xoog waran khaas ah ku siiyay khadka Telefoonka isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sidoo kale ka war wareegay inuu faah faahin ka bixiyo shir maal mahan u danbeeyay ay ku lahaayeen magaalada Buuhoodle oo la sheegay inay ku qorshaynayeen sidii ay weerar ugu soo qaadi lahaayeen ciidmada qaranka Somaliland ee ku sugan jidaasi.
Garaad Guutaale oo arrimahasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu Garaad SSC ah iyo Garaadada beesha Dhulbahante ee beesha Cayn ayaan ahay labada beelood ee Colaadu ku dhex martay Kal-shaalen waxaan ugu baaqayaa inay nabada ka wada shaqeeyaan, ciidamada qaranka ee ku sugan Kal-shaale, Maygaagle iyo Widh-widh iyo Laascaanood waxaan ugu baaqayaa inay dhulkayagaasi nooga baxaan”
Mar aanu weydiinay ciidama gurmadka ah ee Puntland uga yimid ee Col. Dayr-Iska Toos wato, sababta ay ugu yeedheen inay tahay mid ay carqaladaynayaan xaalada amaanka ee jiida Buuhoodle waxa uu yidhi “Dayar Iska Toos waa nin Dhulbahante ah ciidan aan Puntland uga yeedhanayna ma jirto, waxa se faro galinta wada ciidamada qaranka Somaliland waana ta maanta keentay in Nuux Taani ka khudbadeeyo Maygaale iyo Widh-Widh, ciidmada xooga ku haysta dhulkaasina waxaanu leenahay wixii ka dhaca haday bixi waayaan iyagaa ka masuul noqon doonaa”
Mar aanu weydiinay in hadaladiisu ay u muuqdaan hanjabaad la mid ah hogaamiye kooxeed dagaal oge ah iyo in ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin xuduudoodii Buuhoodle-na ka mid tahay gobolka Togdheer waxa u yidhi “Nin
ka yidhaahda gurigayga ha la iga baxo miyuu hanjabayaa, hadii aan galo gurigaaga Hargeysa ku yaala oo aad tidhaahdo iga soo bax oo aan ku diido in aan kaga soo baxo soo inaad igula dagaalanto maaha, anaga iyo reer sheekh isaxaaq xuduud baanu kala leenahay, hadii xuduudii 6o-kii lagu xisaabtamayna anigu gaatama ayaan leehay ee ha la iga kaco”
mar aanu weydiinay madaama madaxweynaha Somaliland gogol nabadeed ugu baaqay in Garaadadooda ay ka soo hor jeedaan nabad ka dhaqan gasha Somaliland waxa uu yidh “Horta Siillaanyo SNM buu ahaa ciidamada ma waxa uu noogu soo daad guraynayaa inuu nagu qabsado, waxaan moodaynay nin Soomaalinimada jecel waxaana noo muuuqata in uu yahay nin wali dhufayskii SNM ku jira, muddo dheer ayuu doonaayay inuu madaxweyne noqdo ma wuxu u qaatay inuu madaxweynenimada dagaal ku huriyi marku ciidamada naga saaro ayaanu gogol nabadeed iskugu imanaynaa”
mar aanu weydiiinay weerarka la sheegay in ciidamada qaranka ay ku soo qadayaan iyo shirarka uga socda Buuhoodle waxa uu ku saabsan yahy waxa uu yidhi “Anigu ku odhan maayo wakhtigaasi ayaanu weeraraynaa, balse sida Jananka ciidmada qaranka iyo waxa ciidanka loo keenay in nalagu soo weeraro, waxaanu se shirkayagaasi kaga wada hadlaynay danaha beeshayada, waxan se kuu sheegay inaan ciidamada Somaliland sii joogi doonin deeganadaasi”.
Mar aanu weydiinay isagoo madax dhaqameed ah inuu yidhaahdo Maleeshiyada SSC baan ka tirsanahay waxa uu yidhi “Anigu kaligay ma ihi SSC-ye Adhigayga, Geelayaga, Dhirtayada iyo Dhulbahantoo dhan baa ah SSC, xitaa kuwa Hargeysa u shaqo tagay”.
He is a cretified garad, this guys is a SSC supporter.
Beesha Qorilugud oo jawaab kulul ka bixiyay go’aanka Madaxtooyada
Madaxweynuhu hadduu qof Islaam ah yahay wax Shareeco xukuntay inuu dimuqraadiyad ku xukumo xaq umalaha, waxaana jira dhul badan oo…”
“Afhayeenka Beesha deegaanka Qori-lugud….“Meesha xukun amarka Madaxweynaha ka wayn baa ka dhacay, waxaananu magan uga nahay oo aanu uga fadhinaa inuu…”
Qori-lugud
(Togdhnews)- Beesha deegaanka Qori-lugud, ayaa gaashaanka ku dhufatay go’aan uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku sheegay in degaanka Kalshaale oo dhowaan shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood, uu la wareegi doono ciidanka qaranka Somaliland.
Degaanka Kalshaale oo dhowaan dagaal khasaare sababay ku dhexmaray beelaha degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer, waxa dhexdhexaadin laga galay laga soo saaray go’aan aan midho-dhal noqon, ka dib markii beesha Buuhoodle ka biyo-diiday, iyadoo Madaxweynuhuna warsaxaafadeed uu shalay soosaaray uu ku sheegay in deegaankaa muranku ka taagan yahay uu noqon doono fadhiisin ay leeyihiin ciidanka qaranku, labada beeloodna maleeshiyaadkooda ka qaadaan degaamadaas.
Hase yeeshee, beesha degaanka Qorilugud oo hore u caddaysay inay aqbashay go’aamadii ergooyinka dhexdhexaadinta, waxay qaadacday go’aanka Madaxweynuhu ka soosaaray shaqaaqadaas.
Afhayeenka guddida beesha Qori-lugud Maxamed Cawil Sii-arag oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtidooda ku saabsan arrintaa, ayaa sheegay in go’aanka Madaxtooyada ka soo baxay ay reer Qori-lugud aad uga xumaadeen, wuxuuna tilmaamay in go’aankii hore loo gaadhay aan laga noqon karin, maadaama uu ku salaysnaa shareecada Islaamka.
Afhayeenku waxa uu sheegay in xurgufta labada dhinac aanay ku koobnayn degaanka Kalshaale oo keliya, balse ay jiraan degaamo kale. “Goor ay ahayd afartii galabnimo, waxa la raray ciidanka qaranka oo laga raray Qori-lugud oo u guuray xaga Kalshaale iyo Maskax-buqle, markii la dhegaystay BBC-dana (oo go’aanka laga baahiyay) waxa bilaabmay kacdoon, markii la maqlay war ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan Kalshaale oo ay la wareegayaan ciidamada qaranku, cidii wax ka galeena loo celinayo, taasoo ay jiraan dhul badan oo lagu muransanaa oo aan lagu darin oo Kalshaale oo keliya laga dhigay meeshii muranku ka socday,” ayuu yidhi. “Buuhoodle iyo Qori-lugud waxa u dhexeeya 16 magaalo oo la sameeyay intii ka dambaysay dawladii Siyaad Barre oo hore u mamnuucday inaanay labada degmo waxba u dhaxayn, ka dib intii la soo galay dalka ayaa la sameeyay meelaha la kala yidhaahdo, Shangale, Cumar Aji, Sool-joogto, Maygaagle, Sac-madeeqo, Hagoogane, Galgal, Gocondhaale iyo Jaf, intaba intii dalka lagu jiray baa la sameeyay. Talaabadii koowaad sanadkii hore waxa la isku qabtay Galgal, waxa dhexdhexaadisay xukuumaddii Somaliland, waa la joojiyay oo waa la xidhay, imika hinaasahan waxa bilaabay Gocondhaale, Maygaagle iyo Qaydar,” ayuu raaciyay. Wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray, “Reer Qori-lugud aad bay maanta uga xumaadeen warsaxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada, meesha go’aan shareeco ayaa ka dhacay, sidii la yidhi go’aankaa ugu dhaqma ayay ugu dhaqmeen reer Qori-lugud, meeshana xukun baa ka dhacay oo amarka Madaxweynaha ka wayn, shareecadu iyada oo labada dhinacba isa soo horfadhiisisay baa la wada hadlay, amarka Illaahay iyo ka Madaxweynahana waxa wayn ka Illaahay oo la qaadanayaa, Madaxweynuhuna hadduu qof Islaam ah yahay wax Shareeco xukuntay inuu dimuqraadi ku xukumo xaq umalaha. Markaa arrintaa shareecada sababta uu Madaxweynuhu u bedelay hanoo sheego hadaanu nahay deegaanka reer Qori-lugud, marka uu noo sheego ayaanu ka soo jawaabaynaa, laakiin waxaanu magan uga nahay ama aanu uga fadhinaa arrinta uu shareecada u burburiyay.”