
what about this gabay made in silsilada dal dhameeye by Muxammed Bulxan, waa silsilada dhibaatada iyo abaarta dalka ka jirtay
ka hadlesay. He included the departure of Keenadiid as one of the misfortunes that happened to Somalia
Burhaan Gabay bulaalow beryahan beeg isma lahayne.
Waataan ka baaliday sidii beeyo roob helaye.
Aan bayamiyo waataan tixaha buuni ku ahaaye.
Nuux Maxamed waa tuu is bulay beri colowgiiye.
Bixin kuma lisaan qaalmihii bool cadka ahaaye.
Biyaha Yuusuf iyo Aadan wow kala baqaayaaye.
Barbaar jeedal sidataa ka nool labadi beeloode.
Burcadii Raguud iyo Xiis way banaantahaye.
Batar kama tumaan Muusayaal Barandihii Maydhe.
Laas-qoray baqoolkii magalo bedenki reer Suure.
Boosaaso iyo Eylna waa laga baroortaaye.
Burunjihii ka maray Nuur Cismaan Jarayey Baanaha'e
Baxsow Keynadiid wuxuu u kacay beled shisheeyaahe.
Hobyo ugama baaqeen kuwii Baho u weynaaye.