SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Dhamaan Madax Ku Sheega SNM OO Taleefanadii Iska wada Bedelay OO Xitaa Caruurtooda Aamini Waayey Inay Taleefan Kula Hadlaan



Image





ALLSSC.COM


Kadib markii sirdoonka SSC ay ka qabteen qabqablayaasha SNM sir iyo nacaybka ay u hayaan bulshada SSC ayay waxay bilaabeen inay lambaradii lagu yiqiin wada bedelaan. Hada Hargeysa waxaa ka socda inaan nimanka madaxda isku sheegaa taleefan kuwada hadal, ku balamaana inay isugu yimaadaan xafiisyada iyo makhaayadaha iyagoo aan is aaminayan. Siilaanyo ayaa lasoo sheegayaa inuu shaqadii ak eryey ninkii talefanka u geeyey laguna agacaabo Xirsi Xaaji Cali kuna eedeeyey inuu SSC lacag ka qaatay. Siilaanyo oo uga taliya SNM gurigii Moorgan ayaa shaqaalaysiieyey siduu ina Cali Waraabe sheegay marya calas kasoo jeeda Burco oo ahaa ragii kula taliyey inuu Kalshaale u xalaaleeyo beeshiisa intuu kursiga SNM-ta ku fadhiyo ayuu dhowaan u sheegay inay yihiin wax ma garad jar ka tuuray kurisigii uu geed dheer iyo dhowba 50ka sano u fuulayey.

Sirdoonka SSC wuxuu kaloo hayaa siro badan oo kale oo markii loo baahdo la shaacin doono. Siilaanyo ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu Garaadadii iyo cuqaashii uu sheegay inuu laaluusho xidhiidhna la lee yahay ee uu kashifay iyagoon weli howshiisii u fulin wuxuu kula hadli doono, in laga duubana u dhow hadalkooda danbe.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Sirdoonka SSC oo Dukumiintiyo Csira ka Diyaariyay Madaxda Somaliland.

Waagacusub.com-Saraakiisha Sirdoonka Maamul goboleedka SSC Somalia ayaa dukumiintiyo ka dhigan fadeexado isbarkan iyo fashil siyaasadeed ka diyaariyay Madaxda Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Siilaanyo,Taliyahiisa Ciidamadda Melleteriga Nuux Taani,Chief of Cabinet-ka Xersi Gaab,Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Somaliland iyo xeeyn iskugu jirta Wasiiro,Wasiiro ku xigeen,Agaasimeyaal iyo Saraakiisha Ciidamadda.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka SSC oo aan la ogeyn dalka uu ku nool yahay balse isticmaalayay telefoon furahiisa u muuqday dalka Mareykanka ayaa khadka telefoonka kula xiriiray taliyaha Ciidamadda Melleteriga Xukumadda Siilaanyo Nuux Muuse Taani kadibna wuxuu iskugu sheegay inuu yahay nin u dhashay beesha Garxajis gaar ahaan Habar yoonis.

Ninka oo aftahanimo badan ka muuqatay wuxuu Taliye Taani ugu afgobaadiyay inuu yahay bare wax ka dhiga Jaamacadda Florida,ayna dareen xoogan ka qabaan dhaqdhaqaaqyadda iyo Banaanbaxyada SSC ka wadaan gudaha iyo dibadda.
“ Banaanbaxyo ay ka dhigi rabeen dalka Mareykanka ayaan joojinay laakiin London ayey ka dhigeen oo ku horbanaanbaxeen aqalka Baarlamaanka Ingiriiska,hada waxay ku hoowlan yihiin lacag aruurin xoogan,waxaanu dooneynaa inaan Madaxweyne Siilaanyo deg deg ula hadalno,aniguna waxaan ahay nin Habaryoonisa,oo ka sii ah reer Ceynaanshe”ayuu Sarkaalka sirdoonka SSC ku yiri taliye Taani.Dhageyso
Korneyl Taani oo aan hubsan ninka warkiisa ayaa si fudud ugu qufay sheekooyin badan sida inay wiiqeen awoodii Samaroonka gaar ahaan reer Nuur qolo uu ku sheegay,dhinaca kalena ay cagta marin doonaan Dhulbahantaha iyo Majeerteenka isbaheystay.
Taani wuxuu ninka siiyay telefoonka Chief of Cabinet-ka Xukumadda Siilaanyo Mr Xersi Tooreey ama Xersi Gaab,wuxuuna u raaciyay ,Xersi uun la hadla,waa isla joogaan Madaxweynaha isaga ayaa idiin dhiibi doonee.
Sarkaalka SSC ayaa si farsameeysan Taani u amaanay,wuxuuna ka codsaday inuu la sii hadlo Chief Xersi si uu Madaxweynaha ula hadalsiiyo.
Korneyl Taani ayaa Xersi Gaab si fudud qadka ugu tiigsaday,dabadeedna isagoo iska dhigaya inuu yahay nin Madaxtooyadda kala shaqeeynaa arrimaha dibadda,wuxuu ku yiri, fadlan xiriiri Madaxweynaha iyo raga Jaaliyadda Mareykanka,waxaa kula soo hadli doona Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Florida.
Sarkaalkii SSC ayaa telefoonka la tiigsaday Xersi Gaab oo sugayay,kadibna wuxuu la soo booday,haa walaal waa Xersi,Madaxweynaha wuu ila fadhiyaa,sameecadda ayaa u furan,wuuna ku maqlayaa ee wixii aad macluumaad heeysaan soo daaya?
Sarkaalka SSC oo adeegsanayay waxa loo yaqaan Yoolbaarka Sirdoonka ama xiisad abuurista hadalka ayaa ku yiri” Oh my God ,maqalka ayaa aad u xun” dabadeedna Siilaanyo ayaa iscelin waayay oo yiri,”Yes anagu si wanaagsan baan kuu maqalnaa walaal.
Gooshii ugu horeeysay ayuu shabaqa ku hubsaday,kadibna wuxuu si afsaara ugu yiri” Dagaal xunbaan galnay,dareen xuna wuu nagu jiraa,sida aad ogtihiin nabad diidka SSC,Dhulbahantaha banaanbaxyo ayey ka hor dhigeen baarlamaanka Ingiriiska laakiin halkaan waxaan ku guuleeysanay inaan ka joojino,anagu dagaal aan kala joogsi laheeyn ayaan ku jirnaa,inaan kuu warana ayaan kuu soo wacay ee bal marka hore warbixin guud naga sii sida xaalku yahay hada?
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Ooda ka qaaday hadalo caro iyo qeeylo dhaan ka buuxdo,wuxuu sheegay in dalka uu qalqal ku jiro,dibadaha lacago badan ay ka aruurinayaan Daaroodka si loogu dumiyo Somaliland.
Sarkaalka baarista sameeynayay ayaa yiri,” Maxaa loo dhexgeli waayay Dhulbahantaha oo loo kala qeybin waayay Salaadiintooda”
Siilaanyo ayaa la soo booday” Waan Kala qeybinay ,lacag baan siinay,baabuur ayaan siinay,qorshaha kala qeybinta Dhulbahantaha xoog baan ugu hoowl lanahay,Garaad hebelka Buuhoodle lacag baan siinay,oo hebel baabuur ayaan u gadnay,oo wafdi balaaran ayaan u dirnay”Dhageyso
Oh My God,goolkii labaad ayaa shuut looga dhaliyay,laakiin waa suaale maxaa helay Siilaanyo?
Su’aal iyo warbixin xasaasiya ayaa marqura loo wada dhiibay Siilaanyo,waxaa lagu yiri,Daaroodkii oo dhanbaa halkaan isku aruursanaya,oo waxay aruursheen lacag dhan Hal milyan oo dollar,hada amaanku sidee yahay?
Madaxweyne Siilaanyo oo qofka dhageysanaya codkiisa fahmi karo inuu fadhiga ka sare istaagay,wuxuu cod dheer ku yiri” ALAA ,WAA WAREEY,MA HAL MILYAN KU DHAN,WAAR AAMUSA,XERSI MIYAAD MAQLEEYSAA,WAXAY DAAROODKII NORTH AMERICA ISKA ARUURSHEEN HAL MILYAN DOLLAR KU DHAN,WAA SIDII AAN LACAGAHA U ARUURIN JIRNAY BARIGII SNM,HAA ,ADEER SI WACANBAAN KUU GARTAY,AMAANKU AAD BUU NOOGU XUN YAHAY,DHINAC KASTA”
Sarkaalkii ayaa yiri” Laascaano xoogbaa lagu qabtay ee ma jiraa qorshe ku saabsan in xoog lagu qabto Buuhoodle,mase la hadasheen qolada Ethiopia inay cadaadis saaraan maamulka Faroole oo xaaladaha oo dhan gadaal ka shidaya”??
Haa,adeer,Itoobiyaanka si toosa ayey qolada Puntland ugu amreen inay faraha kala baxaan.anaguna waan dadaaleeynaa oo Ciidamadda waxay u joogaan inay tilaabo qaadaan hadii xaduudaha yaga qalqal sidaan oo kale ah galaan,sheekadu waxay mareeysaa maanta Daarood iyo Isaaq,idinkana garab ayaa la idinka rabaa.
Siilaanyo markii afkiisa laga koobiyay kelmado fool xun iyo inuu yahay nin ku mashquulsan kala qeybinta Dhulbahante,ayna laabtiisa ka buuxdo naceyb uu Daaroodka u qabo,ayuu Sarkaalkii u gudbay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Ing Faysal Cali Waraabe.
Faysal oo Careeysan ayaa hadaladiisa ku daah furay” Adeer dowladaan waxay gacanta ugu jirtaa Habarjeclo iyo Habar awal,Garxajis waxba kama ahan,waxba kuma laha Saraakiisha Ciidamadda,waxaa Garowe lagu qabanayaa Shir Somaliweyn,kuli waa la wada tegayaa,Dhulbahante,Warsengeli iyo Samaroon,meeshaani waxaa ka muuqda fool xumo,waxba gacanta kuma heyno”
La soco qeybaha dambe
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by hanqadh »

:shock: :lol: :lol: :lol: :lol:


SSC :clap:
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Waaheen.com (somalidiid/snm website):


Sirahan ay sheegeen inay ka Duubeen Madaxdaasi oo ay Cod ahaan qaarkood u soo galiyeen Web-site’yadooda ugu Waaweyn ayaa Shalay iyo Xalay Dood Weyn Ka Dhex Dhaliyay Dadweynaha Siday Dhab u Yihiin Codadkaasi, oo Marka La Dhagaysto Dhab U Muuqda Gaar ahaana waxa Xalay Waxay Soo Galiyeen Codadka Madaxweynaha, Maxamed Kaahin iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka,iyadoo ay Mashquuleen goobaha laga dheehdo Internadada markii la isku sheegay arrintan.


Tuesday, March 22nd, 2011


Wareysiyo ay kooxda SSC sheegtay inay si Sir ah ula yeelatay Madax ka Tirsan Somaliland oo Dood Weyn Dhaliyey


Waxay Websiteyadooda soo Galiyeen Codad ay sheegeen inay ka duubeen Madaxweyne Siilaanyo, Maxamed kaahin iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Waaheen) Sida ay baahiyeen shabakadaha wararka ee jabhada SSC ee ka soo horjeeda Somaliland, waxay waraysiyo ay ku sheegeen Sir la yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Somaliland, Kuwaas oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayna ka mid yihiin wasiiradda, Arrimaha gudaha, Gaashaan-dhiga, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Chief of cabinetka Madaxtooyadda iyo Maxamed Kaahin Axmed.

Sirahan ay sheegeen inay ka duubeen Madaxdaasi oo ay Cod ahaan qaarkood u soo galiyeen Web-site’yadooda ugu Waaweyn ayaa shalay iyo xalay Dood weyn ka dhex dhaliyay Dadweynaha siday dhab u yihiin Codadkaasi, oo marka la dhagaysto dhab u muuqda gaar ahaana waxa xalay waxay soo galiyeen Codadka Madaxweynaha, Maxamed Kaahin iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka,iyadoo ay Mashquuleen goobaha laga dheehdo Internadada markii la isku sheegay arrintan.

Laakiin dad badan ayaa shaki ka muujiyay sida ay dhab u yihiin kadib markii ay arkeen hadalada qaarkood inaanay ahayn kuwo dad masuuliyiin ah ka soo bixi kara gaar ahaan Waraysiga ay sheegeen inay si Sir ah ula yeesheen Maxamed Kaahin oo duray masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda halka codka ay ku sheegeen inay Siilaanyo ka duubeen uu yahay mid taxadar badani ka muuqdo marka laga reebo weedho uu kaga hadlayay dhinaca Amaanka oo uu sheegayo in ay Culays weyn ku hayso Xukuumadiisa.

Hadaba qaybta ugu miisaanka cuslayd oo ah hadalka Maxamed Kaahin ay ku sheegeen inay la yeesheen uu u dhacay sidan:-

SSC: bal xaalada wadanka nooga waran?
Maxamed Kaahin: walaahi horta xaaladii intii hore wax qarsooni ma raacsana,xaga Puntlandna abaabul fara badan baa ka jira,shalayna qolada xisbiyada iyo waxoo dhan waa la wada shiray,marxalad cusubina ma jirta, abaabulkaa Puntland wuu jiraa.
SSC :Markaa hada ma wax dagaalo ah ayaa socda?
Maxamed Kaahin: maya waxba hadeer ma socdaan, ma waxbaa maqasheen
SSC: walaahi waxbaan hadeer maq maqlayey, oo waxbaa socda, annaga laftayaduna muddaharaad baanu soo abaabulaynaa hadaanu nahay Jahliyada Reer Somaliland, waxaanay maanta soo sawireen Naag la dilayo oo ay leeyihiin xataa dumarbaa la dilay, marka waxaasaanu doonaynaa annaguna inaanu beenino,aduunkiibay wax kale ka dhaadhiciyeen.?
Maxamed Kaahin: saw ma ogidin sawirkan ay maalintii dhawayd soo saareen inuu Photo File hore ahaa?
Photo file hore ayuu ahaa.
SSC:Waxaan ku waydiiyey Col Maxamed Kaahinaw ma jirtaa cid aad Reer Nugaaleedka Xidhiidh la samayseen isimadooda ah?
Maxamed Kaahin: haa.
SSC: yaad la xidhiidhaan Isimida Reer Nugaaleedka ah Maxamed Kaahinow?
Maxamed Kaahin: horta waxaanu la xidhiidhnaa Garaad Saleban iminka, marka Nugaal la joogona waa Garaadka ugu weyn.
SSC waa runtaa
Maxamed Kaahin: laba todobaad ka horna waxa aanu halkan ka dirnay, wafti uu isaga laftiisu soo diray oo Puntland ka soo diray ama eeriyada Nugaal dhawr iyo labaatan cishona halka joogay.
SSC :yaa Hogaaminaya waftigaasi?

Maxamed Kaahin: waxa hogaaminayay, ilaa inankiisa ayaa ku jira oo waxa ka jira qoladii cabdi Maxamuud reer Garaadkii uu isagu ahaa ayaa ku jiray wafti qaraabadiisa u badan oo qoladan Maxamuud Ugaadhyahanka , Naaleeye Axmedkana ay cidi kaga jirto Nin dhiilood la yidhaahdo oo puntland bari hore Wasiir ka ahaan jiray baa ku jira,qoladaasaa markay iminka meeshii tageen shirarkii ay qoladaasi wadeen oo Puntlandnaysan Deegaanka Buuhoodle ay Reer Nugaaleed tagaan ayaa arinkii joojiyey yidhi annagu dagaalkaa kuma jirno, waxaanu ku ajiibi karnaa waa arin nabadeed, dabaadeedna arinkaasi ayaa la doonayaa iminka in la burburiyo, oo qolada Puntland Faroole Habeenkii dhawayd ee uu hadlayey waydinkii maqlayey, marka idinku arimaha aad qaadan kartaan waxa weeye qolada Ugaadhyahanka ee xagaa joogta, maanta isku dayey inaan la hadlo oo aan ku idhaahdo kuwiina halkaa jooga yaa lala hadli karaa.
SSC: Maya horta waxay ku badan yihiin Gobol kale oo Minasoota la yidhaahdo, annagu miyaami iyo California meelahaasi ayaanu nahay, markaa adigu kolay Odayaal iyaga ah ayaanu Xidhiidh samaynaa, markaa waxa kale oo annagu jahliyad ahaa ka shakisanahay isaaqayaga meeshan joogaa, Kalsooni intee leeg ayaad ku qabtaan Nimankan ***********, khaasatan kuwa Jaamac Siyaad ee ku jira Somaliland?
Maxamed Kaahin: horta way fiicanyahay ilaa xad kow dheh, waa ogtihiin oo Nin Garaad Jaamac la yidhaadaa waa kii idiin yimi,markaa qoladani way ku kala qayb santay, waana Ninka qoladan SSC lacagta u soo Guro.
Ninka kale: oo Garaad Jaamac ayaa lacagta u soo Gura?
Maxamed Kaahin:Garaad Jaamaca Jaamac Siyaadbaa lacagta u soo gura oo xataa mar hore isaga oo garamadii isku xayaysiinaya ayaad ku arkaysaan web SSC-da, markaa inaga ka gaabinay oo ninkan garaad ah nin kale oo ay isku shidayeen oo hawshii uu soo dhameeyey hagaagsantahay oo doonayayey in uu hortayada isku cadeeyo oo garaadnimadiisii ka diyaarsado ayaanan si wanaagsan ula shaqaynin, oo qolada Maamulkaa uga taag la’nahay, wasiirka Ganacsiga waa ilmaadeer iyo labadan Walaalaha ahi, Qoladan xun ee xag jirka ah ayuu u xagliyaa horta kan wasiirka ahi.
SSC: kan Wasiirka ahi waxa uu u xagliyaa Ninka halkan jooga?
Maxamed Kaahin: Ninka halkan jooga London ayuu uga wakiil yahay Baasaboor Ingiriis ah ayuu haystaa oo waa Reer London, marka annagu maalin dhawayd waanu isku qabsanay, abtina waanu u nahay, dabadeed waxaanu ku nidhi waar annagu Jaamac Siyaad Garaad abti u kala samayn mayno ee Ninkan Garaadka ah ee Jaamac siyaad SSC lacagta uga uruurinaya inaga daaya, dee markaa maxaan ku idhaahdaaye waxay u baahantahay markaa idinku qoladaa annaa la hadlaaya qolada Ugaadhyahan ee halkan joogta, waxaanan ku odhanaya Qolada idinka ah ee Minasoota joogta cid noocaas aah oo aad ku kalsoontihiin ma jirtaa.
SSC :maya annagu waxaanu samaynaynaa jahliyad ahaan Isaaqayagii raga horta aniga ayaa ugu yara af dheer oo Waraaqaan qorayaa yacni Sawiradan iyo waxan ay soo geliyeen, waxa ay leeyihiin waaxbaa la xasuuqayna horta waan beeninayaa,hadana qoraaladii waan diyaarsaday baribaan dirayaa, waxan idinka xidhan oo dhan aniga ayaa furaya, idinka uu waxa la idiinka baahanyahay wixii gudaha ka socda siyaasada inaad ogaataan, Ninka la yidhaahdo ina cambaashe ee Jaamac Siyaad ee Ciidanka wata isaga Kalsooni intee leeg ayaa laga qabnaa?
Maxamed Kaahin: horta isagu waa isku fiicanyahay kow dheh, laakiin hada Culays badan baa lagu hayaa oo xagaa kale kaga socda, xaganan kolkaa doonaynaa inaan Culays kale ka saarno, marka annaku waanu wada xidhiidhnaa Culays fara badan baa laga saara, Nimanka xagan jooga ee Dawlada ku jiraana waa niman Khayr beeleyaal ah oo xataa meelayntiisana aan xanaanayn,laakiin anniga ayaa hada barmaamuj wada hada aan leeyahay Ninka dee halaga war hayo ileen hadii kale waa la inaga kaxaysanayaaye oo mar mar ha loo yeedho, laakiin ma xuma inamadeenana waa uu hagi karaa ciidanka ah oo waliba Eeriyada laascaanood waxa u badan Niman Reer Burco ah oo jooga.
SSC :Maxamad Kaahinow horta ragii hore ee ***** adigaa ku jira ragaanu ku kalsoonahay hadii aanu Isaaqnahay oo Ninka ugu weyn baa tahay, waxa weeyaan dawladan hada dhisay madaxda ku jirta ee *****ga ah niman aanu Kalsooni ku qaadan karno oo ku qanaacsanahay maaha?
Maxamed Kaahin:walaahi dad badan ayaa sidaasa kow dheh, ragii reer Somaliland ee ilaa bari fog joogay maaha,anaga laftaydu markii dawlada laa dhisayay qolada ugu badan ee aanu hawshooda ka hadalnay ee la isku qabsaday ayay ka mid ahayd oo aniga waaban isku dhaacnay oo waxaan idhi horta Nimanka Isaaqa cidii la rabo ha laga qaato,oo waxaan idhi dee bahashu in badan bay soo dhisnayde raga laga qaadanayaan waa inay ahaadaan rag la taaban karo, waayo raga qaarna waligood waxay ahaayeen Somaliland qaarna toban jeer inta ay yimaadeen hadana noqday oo aanu halkan ku haynaa, waxaana ka mid ah kan iminka Wasiirka Warfaafinta laga dhigay oo ugu horeeya,
SSC: Xaabsade miyaa?
Maxamed Kaahin: Haa dabcan.
SSC :Ninkaasi ma kula tahay in uu la soo xidhiidho madaxda ******teeniya ugu waaweyn ee Maraykanka joogta?
Maxamed Kaahin: waanu ognahay waanu ognahay.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Qarannews/Qabiilnews [somalidiid website] : "Madaxweyne Siilaanyo Oo Waraysi Siiyay Cid Aanu Garanynin, Fashiliyayna Sirtii Amaanka Qaranka "

http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by udun »

:lol: :lol: :lol:
Morrison
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 298
Joined: Fri Dec 21, 2007 10:17 pm

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by Morrison »

:lol: :lol: militarily SSC tried their best to recapture their lil tuulos but they couldn't succeed , so now they resort to fadhi ku dirir .
SO SSC FAKE ENTITY created A secret services :lol: to do what wallahi you guys are funny but i prefer this SSC fadhI ku dirir
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »



Somalidiid website: Duruus Ma u Noqon Doontaa Madaxda Sare ee Qaranka Sirihii SSC-du Sheegtay inay ka Duubtay?


Qarannews/qabiilnews.com



http://www.qarannews.com/index.php?o...0578&Itemid=62

Mar 24, 2011 at 05:29 AM



Waxa ugu Culus ee Qaran ilaaliyaa waa Sirtiisa



Hargeysa(Yool)-Waxa dhowrkii maalmood ee u danbeeyey si wayn loogu hadal hayey faras-magaalaha iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee Magaalooyinka Somaliland warar ku saabasan codad waraysiyo ah oo sida la sheegay lala yeeshay mas’uuliyiinta sare ee Somaliland, kuwaasoo uu kow ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Wasiirka Gaashaan-dhigga, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Chief-of-Cabinet-ka Madaxtooyadda, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Maxamed Kaahin Axmed.

Codadka sirta ah ee la sheegay in laga duubay madaxda aynu kor ku soo sheegnay, ayaa markii ugu horaysay waxa lagu faafiyey iyagoo u dhigan qaab cad ah qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee iyagu siyaasad ahaan u xagliya kooxda SSC ee dagaalka ka wada deegaanka Buuhoodle, inkastoo markii danbe Wabsite-yo kale ka soo xigteen warkaasi.

Hadal-haynta bulshada ee waraysiyadaas, ayaa ahayd mid siyaabo kala duwan ay dadweynahu af-gaartooda ugu cabirayeen. Tusaale ahaan qaar kamid ah bulshada ayaa shaki ka muujiyey sida ay dhab u yihiin, iyagoo daliishanaya in hadalada qaarkood aanay ahayn kuwo ku haboon qof mas’uula.

Sidoo kale, dadka qaarkood ayaa ku doodaya in cadadka waraysiyadani ay yihiin kuwo run ah oo aan la malo awaalin, balse siday doontoba hawdhacdee cadadkaasi ay yihiin kuwii mas’uuliyiintaa lagu sheegay, waxaana dadka aragtidaa qabaa ay doodahooda u soo daliishadaan inay codadkaasi ku jiraan hal-ku dhigyo mas’uuliyiintaas hal-hays u ah oo ay ku arkeen awgeed.

Waxaana ka mid ah xubnaha dadweynaha intooda badani ku doodayaan inay cadadka waraysiyadani yihiin ku woodii Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Gaashaan-dhigga, Chief-of-Cabinet-ka iyo Maxamed Kaahin.

inkastoo marka siyaasiyan loo qiimeeyo hadalada ku jira waraysiyadaasi aanay sinayn waxyeeladoodu, haddana waxa ku jira kuwo wax wayn u dhimi kara karaamada iyo sharafta Somaliland, sidoo kalena kalsoonidaro ku abuuri kara xubno culus oo miisaan weyn ku dhex le bulshada, Tusaale ahaan waraysiga la sheegay in laga duubay Maxamed Kaahin, ayaa ah mid muujinaya awoodaha dahsoon ee Maxamed Kaahin uu ku leeyahay talada hogaanka dalka, taasoo ay dad badani horeba ugu doodi jireen.

Sidoo kale, waxa ka mid ah erayadda xajiinta badan ee ku jira waraysiga aan la xaqiijin, balse ay kooxda nabadiidku sheegeen inay la yeesheen Maxamed Kaahin kalmado uu ku durayo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, haseyeeshee dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolka Sool, kuwaasoo faahfaahsana waxa dhinacyada waraysigu dhexmaray isu dhaaf-sadeen sidan:

Wasiirka Ganacsiga

SSC: Markaa inaga ka gaabinay oo ninkan garaad ah nin kale oo ay isku shidayeen oo hawshii uu soo dhameeyey hagaagsantahay oo doonayayey in uu hortayada isku cadeeyo oo garaadnimadiisii ka diyaarsado ayaanan si wanaagsan ula shaqaynin, oo qolada Maamulkaa uga taag la’nahay, Wasiirka Ganacsiga waa ilmaadeer iyo labadan Walaalaha ahi, Qoladan xun ee xag jirka ah ayuu u xagliyaa horta kan Wasiirka ahi.

SSC: Kan Wasiirka ahi waxa uu u xagliyaa Ninka halkan jooga?

Maxamed Kaahin: Ninka halkan jooga London ayuu uga wakiil yahay Baasaboor Ingiriis ah ayuu haystaa oo waa Reer London, marka annagu maalin dhawayd waanu isku qabsanay, Abtina waanu u nahay, dabadeed waxaanu ku nidhi waar annagu Jaamac Siyaad Garaad abti u kala samayn mayno ee Ninkan Garaadka ah ee Jaamac siyaad SSC lacagta uga uruurinaya inaga daaya, dee markaa maxaan ku idhaahdaaye waxay u baahantahay markaa idinku qoladaa annaa la hadlaaya qolada Ugaadhyahan ee halkan joogta, waxaanan ku odhanaya Qolada idinka ah ee Minasoota joogta cid noocaas aah oo aad ku kalsoontihiin ma jirtaa

Wasiirka War-faafinta

SSC :Maxamad Kaahinow horta ragii hore ee ***** adigaa ku jira ragaanu ku kalsoonahay hadii aanu Isaaqnahay oo Ninka ugu weyn baa tahay, waxa weeyaan dawladan hada dhisay madaxda ku jirta ee *****ga ah niman aanu Kalsooni ku qaadan karno oo ku qanaacsanahay maaha?

Maxamed Kaahin: Walaahi dad badan ayaa sidaasa kow dheh, ragii reer Somaliland ee ilaa bari fog joogay maaha,anaga laftaydu markii dawlada laa dhisayay qolada ugu badan ee aanu hawshooda ka hadalnay ee la isku qabsaday ayay ka mid ahayd oo aniga waaban isku dhaacnay oo waxaan idhi horta Nimanka Isaaqa cidii la rabo ha laga qaato,oo waxaan idhi dee bahashu in badan bay soo dhisnayde raga laga qaadanayaan waa inay ahaadaan rag la taaban karo, waayo raga qaarna waligood waxay ahaayeen Somaliland qaarna toban jeer inta ay yimaadeen hadana noqday oo aanu halkan ku haynaa, waxaana ka mid ah kan iminka Wasiirka Warfaafinta laga dhigay oo ugu horeeya,

SSC: Xaabsade miyaa?

Maxamed Kaahin: Haa dabcan.

SSC: Ninkaasi ma kula tahay in uu la soo xidhiidho madaxda ******teenka ugu waaweyn ee Maraykanka joogta?

Maxamed Kaahin: Waanu ognahay waanu ognahay.

Haddaba in kastoo, bulshadu ka bixiyeen aragtiyahaa kala duwan, haddana waxa caqliga wanaagsani ina tusayaa hadwalba in aanay haboonayn in Madaxweyne Tilifoon lagula hadashiiyo qof aan la hubin iyo mid la hubo labadaba, maadaama ay maata dunida ka jiraan xadaarad ku dhisan Ilbaxnimo casriya, taasoo huwan ama wadata dhib iyo dheefteedaba. Sidaa darteedna haddii ay dhacdo inay Madaxtooyadda la soo xidhiidhaan shaqsiyaad loo baahan yahay warkooda, waxa haboon in aan Madaxweynaha markiiba toos loogu xidhin, balse ay tahay in shaqsigaa ay warka ka qaadaan shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha, si markaa kadib wixii oo qoraal ah loogu gudbiyo Madaxweynaha, kadibna wixii siyaasiyan faa’iido ku jirto laga qaato qoraalka shaqsigaa hadalkiisa laga diyaariyey.

Isku soo wada duub oo waxa la gudboon Madaxweyne Siilaanyo inuu marwalba iyo goob kastaba maanka ku hayo dabinada iyo shirqoolada cadowga Somaliland, kuwaasoo kolaba shaad u soo xidha si ay u wiiqaan Somaliald sumcad ahaan iyo jiritaan ahaan-ba.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Qaybtii 2aad iyo Waraysi Sirdoonka SSC Ka Duubeen Faysal Cali Waraabe-(Maqal)-



Lasanod Online. Friday, March 25, 2011




Hargeysa,(lasanod Online)- Waxaanu maanta idiin soo tebinaynaa qaybtii 2aad waraysi Sirdoonka SSC ka duubeen Faysal Cali Waraabe oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland..

Waraysigan sirta ah wuxuu Faysal kaga cabanayaa saamiga reerkiisa ee maamulka Hargeysa.. iyo inuu safar ugusii socdo dalka Finland oo isaga reerkiisu qaxooti ku joogaan..
Image
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: SSC secret service wire tapped Siilanyo's phone lol

Post by EastAfrica »

Qarannews/qabiilnews.com

Somaliland Politicians: Lack of Sensitivity
and Political Acumen
By Mohamed F Yabarag
March 24, 2011


The recent phone interviews conducted by some obscure individuals from North America with certain well known Somaliland politicians, including the man at the top of everything, Ahmed Silanyo, has unearthed the lack of acumen and political sensitivity at the heart of Somaliland’s political elite in Hargeisa. How come such politicians of a high stature, at least by local standards, can be so naïve by talking to complete strangers and bare it all for them on a very, very sensitive issue at a very, very sensitive time? If confirmed and I am not doubting the authenticity of these tapes, this is incompetency at its worst level.

For a few days, I ignored the whole story that was doing the rounds in almost all Somali websites, including those of Somaliland assuming that it is one of those slanging matches between local politicians on one side and SSC and Somaliland on the other. But then I became interested when the story refused to go away and tempted to have a look at these interviews in great detail to see their authenticity. To my astonishment, I found that all voices in the interviews were very familiar, except that they were conducted by men who are purporting to be representatives of Somaliland activists in North America. With amazement and disbelieve, I repeated listening to those interviews all over again and again only to find no fault at them. The voice of the president is as crystal clear as ever and too genuine to be doctored by some form or another. Faisal Ali Waraabe is as at his usual rant and raving, accusing the president of incompetency and lack of a clear leadership, among other things. Mohamed Kahin, probably under the influence of khat, has even gone further to talk in frankness and in greater detail on almost every question thrown at him by his interviewer. We are not talking here about some rookies and some hopeful politicians. We are talking about the bulwarks of Somaliland politics; people who have been around since immemorial. And in the case of president Silanyo, we are talking about a man who was involved in politics for almost half of a century.

In addition, the fact that government officials have failed to refute this story shows that these tapes are genuine. I am sure there are too many red faces in Somaliland’s corridors of power. Had this happened in a normal country where the law of the land and government institutions are respected by all as opposed to clan interests, heads would have been rolled by now. The chief of cabinet, Hersi Toriile, would have been the first to be shown the door, as he dismally failed his duty to recognize the identity of the interviewers. Now, there is stone silence on the issue in the government and its supporters. Had this been doctored, we would have seen the presidential spokesman, Mr. Cukuse, doing his usual rebuttals.

Why Somaliland politicians are so naïve and insensitive?

Despite the existence of three political parties in Somaliland, the real powerbase of support for politicians lies with their respective clans, meaning if a certain politician crosses party, almost all his clansmen will desert the said party. In effect, most electorates have no allegiance for political parties but for their clansmen in these parties, which effectively make these parties redundant and meaningless – they only exist by names. In the scandal surrounding these tapes, politicians in question were on the wrong assumption that they were talking to their lot – their clansmen. This is more evident in the case of Faisal Ali Waraabe interview, where the mention of his sub clan has done the simple trick that was needed to obtain information from him. The overdependence on clanship in Somaliland had gotten the better of any other system that would have spotted such a hoax interview. So long as people are identified on the basis of their clan rather than their political persuasion and allegiance, such things will become common in Somaliland.

In addition, there is also a great deal of incompetency in the staff of president’s office, including his advisers. He seemed to have recruited people who have never run an office, let alone a whole country and who are largely brought in because of their unwavering support for the Kulmiye party during the election campaign, which brought Ahmed Silanyo to office. For a government not completed a year in office, there seems to be more problems and scandals than solving the country’s mounting political and socials difficulties.

Mohamed F Yabarag
E-Mail:Myabarag@yahoo.co.uk
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”