Safarkii Raysul Wasaaraha DKMG uu ku Iman Lahaa Muqdisho oo Dib u Dhacay (Warar Dheeraad ah)
Muqdisho (RBC) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya safarkii raysul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho saaka iyadoo wararku sheegayaan inuu baaqday.
Xildhibaan Maxamuud Geedi Aw-Hilowle oo ka tirsan mudanayaasha barlamaanka oo saaka gaarey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si ay raysul wasaaraha u soo dhoweeyaan ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in raysul wasaaruhu uu dib u dhacay illaa waqti aan la cayimin.
“Saaka anagoo xildhibaano badan ah ayaan gaarnay garoonka diyaaradaha si aan u soo dhoweyno raysul wasaare Farmaajo ugulana talino inuusan ku deg degin iscasilaadiisa laakiin waxaa hadda na soo gaareysa in raysul wasaaruhu dib u dhacay illaa mudo aan la cayimin” ayuu yiri xildhibaan Geedi.
Wuxuu intaa ku daray xildhibaanka in ay jiraan warar kala duwan oo sheegaya in raysul wasaare Farmaajo uu ka soo duulay Kampala, xarunta wadanka Uganda oo uu ku sugnaa maalmahan hase yeeshee diyaaradii siday ay ku hakatay magaalada Carusha ee Tansania halkaasoo wada hadal uu kula leeyahay madaxweynaha wadankaasi Jakaya Kikwete.
Laakiin warar kale oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in raysul wasaaruhu saaka markii uu boorsooyinkiisa u soo xirxirtey dhanka Muqdisho ee uu diyaargaroobay ayaa la sheegayaa in farriin deg deg ah ay ugatimid madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo ka codsaday Mr. Farmaajo inuu la yeesho wada tashi kii ugu dambeeyey, taasoo Museveni uga gol leeyahay bal inuu ugu yaraan ku qanciyo raysul wasaaraha inuu ka laabto iscasilaada uu ku yaboohay.
Saaka waabarigii markii lashaaciyey in raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku soo fool leeyahay Muqdisho waxaa mar qura garoonka diyaaradaha buux dhaafiyey Xildhibaano, odayaal dhaqameed iyo haween doonaya inay raysul wasaaraha ku soo dhoweeyaan kuna qanciyaan inuusan xilka baneyn, hase yeeshee markii dambe ee ay soo baxaday in raysul wasaaruhu baaqday aya soo kala dareereen.
Waxayna xildhibaan Maxamuud Geedi iyo mudanayaal kale ay qabaan in arinta iscasilaada raysul wasaaraha aan lala qabin haddii uu Farmaajo meesha baneeyana ay adkaan doonto sida loo helo nin la mid ah oo xilkaasi buuxiya.
Dhanka kale waxaa illaa duhurnimada maanta sii socda mudaaharaadyada waaweyn ee lagu diidan yahay in raysul wasaruhu xilka isaga tago iyadoo dadweynaha banaanbaxayana ay eedeyn dusha uga tuureen labada Shariif oo ay ku sheegeen inay u heshiiyeen sidii ay meesha uga bixin lahaayeen raysul wasaaraha oo kaliya.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho