According to Hiiran Online both ASWJ and Dooxada Shabbelle troops are fighting AS
Khamiis, 16, Juun, 2011 (HOL) – Dagaallka maanta oo ahaa mid culus isla markaana ka dhacay dhowr jiho oo ka tirsan goballka Hiiraan ayaa waxaa uu xooggiisu maanta ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaannka
Ceel-gaal iyo buurta Qowlad oo ay isku faro saareen xoogagga
Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo xoogagga u dagaallama maamulka Dooxada Shabeelle.
Dagaallka ka dhacay dulleedka Beledweyne oo ahaa mid leysku adeegsaday hub-ka culus iyo kuwa fudud intaba ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray, iyadoo dagaallku saameyn ku yeeshay deegaannadii lagu dagaalamay ee duleedka Beledweyne.
Yuusuf Axmed Hagar ‘’Dabageed’’oo mar ahaan jiray guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaallkii maaanta ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne dhinacooda guulo ka gaaren, waxaana uu intaa ku daray in Xarrakada Al-shabaab oo ay dagaallka la galeen gaarsiiyeen khasaare ballaaran.
Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dhinacooda magaalada Beledweyne ku soo bandhigay Meydadka rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen kooxihii dagaallka la galay, kuwaasoo Meydkooda la soo dhigay bartamaha magaalada, waxaana goobta meydka la keenay ku soo xoomay dad ka kala yimid xaafadaha magaaladu ka kooban tahay.
Sidoo kale dagaal daba joogay kii shalay ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta mar kale ka dhacay deegaannka
Hees ee goballka Hiiraan kana tirsan degmada Maxaas, kaa oo dhaxmaray xoogagga
Xarrrakada Mujaahidiita Al-shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
Dagaallada maanta dhacay ayaa la leeyahay waxaa ku dhitay dad ka badan 10 ruux iyada oo dhaawucuna intaas ka badan yahay, waxaana xusid mudan in wali dhinacyadii dirirtu dhexmartay is hor fadhiyaan lagana yaabo in dagaallku mar kale halkiisii ka sii bilawdo.
Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Maxaas ee goballka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta maamulka halkaa ka jira ee Xarrakada Al-shabaab meel fagaaro ah xukun
rajmin ah ku filiyeen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu Sineystay, waxaana xukunka lagu filiiyay wiilka dhalinyarrada ah uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ka dhacay goballka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya