Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by FBISOMALIA »

reer galgacio :up:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »


Shacabka Gaalkacyo Oo Soo Dhoweeyay Howlgalada Dhalinyarada Aayakatalinta Gobolka Mudug


Image
Gaalkacyo (RBC Radio):- Dadweynaha degan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u soo dhoweeyay howlgalada amaanka, nabadgelyada iyo horumarka wax looga qabanayo ee ay wadaan Dhalinyarada Guddiga Aayakatalinta gobolka Mudug.
Dhalinyarada ayaa lagu amaaney doorkooda ku aadan sida ay ula yimaadeen qorshayaasha lagu iftiiminayo wadooyinka xaafadaha magaalada Gaalkacyo isla markaana lagu xirayo dhamaan luuq luuqyada xaafadaha ee ay ka iman karaan khataraha deg dega ah sida qof dhib geysta in uu ku cararo ama ku sii dhuumaaleysto luuqyadaasi.
13-ka xaafadood ee magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ay ka kooban tahay ayaa waxaa howshani ay uga socotaa si siman, waxaana arintani ka soo jawaab celiyay dadweynaha magaalada gaar ahaan xaafadihii howlgaladaasi laga qabtey ee Garsoor iyo Horumar oo sheegay in ay xilliga fiidkii ah si kalsooni leh ay wadooyinka xaafadaha u maraan halka markii hore laga baqi jiray luuq luuqyada furan iyo wadooyinka mugdiga ah.
Ugu dambeyn dadweynaha qaarkii oo warbaahinta la hadlayey waxay codsadeen in howlgalada noocani oo kale ah oo markii ugu horeysay taariikhda laga sameeyo magaalada Gaalkacyo loo baahan yahay in la sii xoojiyo oo lasii laba jibaaro isla markaana dhalinyarada howshaasi isku xilqaantay lagu abaalmariyo.
RBC Radio.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Dhalinta Aaya ka talinta oo maanta Wacyi galin Albaab albaab ah ka sameeyay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkayo

Image
Cali kacaan oo dhalinyarada baraarujinaya
Kooxda dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug ayaa maanta olole wacyi galin ah waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkayo.
Dhalinyarada ayaa horay waxa ay olole wacyi galin iyo shaqo qabasho ah waxa ay uga soo sameeyeen xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkayo, waxaana ay maanta olole kuwi hore la mid ah ka sameeyeen shanta laamood ee xafadda Garsoor.
Wacyi galinta dhalinta ayaa waxa ay ku wajahnayd sidii ay dadku uga qayb qaadan lahaayeen nabad galyada, isaga xiri lahaayeen luuqyada, laambadana guryaha ugu xiran lahaayeen.
Dhalinyarada maanta gashay xaafadda Horumar ayaa waxa ay gaarayeen 200 oo dhalinyaro ah, waxaana ay ka kala yimaadeen 13ka laamood ee magaalada dhanka ay dawladda Puntland ka maamusho.
Shaqadii wacyi galinta ahayd ee maanta ayaa ka sokow muhiimadda ay horay ugu qotontay waxa ay kentay is dhex gal dhanlinyarada gobolka Mudug ah, waxaana ay guud ahaan ballan ku qaateen in ay walaaltinimo iyo mid nimo u wada shaqaynayaan.
Markii ay shaqada soo dhameeyeen ayaa dhalinyaradu waxa ay dib ugu soo noqotay guriga Suldaan C/salaan oo ah halkii ay horay uga ambabaxeen, iyaga oo dib ugu qorshaysatay shaqada ugu xigi doonta.
Guud ahaan saamaynta ay shaqadani yeelatay ayaa waxa ay noqotay mid ka wada muuqata magaalada oo dhan, gaar ahana xaafadda Horumar oo ay xaaladdeeda wax wayn ka badaleen layrarki lagu xiray iyo luuqyadii la gufeeyay.
Image
Xilligi Shaqo qaybsiga
Image
Suldaan Cabdisalaan oo ka dhex muuqda da`yar shaqadii ka qayb qaadatay
Image
Kulanka
Image
Kulanka Dhalinyarada
Image
Koox shaqadoodii qaybsanaysa
Image
Koox qorshoodii munaaqashaynaysa
Image
Koox dhalinyaro ah
Image
Dhalinyaro hawshoodi wadata
Image
Dhalinyarada
Image
Dhalinyarada oo u diyaar garoobaya shaqada
Image
Dhalinyarada oo qiimaynaya shaqadii ay soo qabteen oo kulan ku jira
Image
Dhalinyarada oo kooxo u kala taagan
Image
Dhalinyarada oo akhrisaysa qorshe hawleedkodoa Saaka
Image
Dhalinta oo wacyi galinaysa mid ka mid ah xaafadaha ay booqdeen
Waxaa nasoo gaarsiiyey qoraalkaan iyo sawiradaba
Mahad Jama Koronto
Gaalkayo
:clap: :clap: :clap:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Kacdoonka Gobolka Mudug Wuu Xididaystay Galkacyana Waxay Cagta Saartay Wadada Nabada iyo Hormarka


Galkacyo(Puntlandi.com);- Kacdoonka Gobolka Mudug ee salka ku haya helida amaan iyo hormar Gobolka gaaro ayaa xididaystay waxaana haatan dhalinyro iyo Haween,Da’yar iyo Duqaw dhaxda uxirteen kuna biireen kacdoonka Gobolka Mudug lagu hormarinayo oo waqtigan ka sii dagaya gabigii guusha.

Kacdoonka ayaa ka qarxay markii madaxa laga toogtay madax iyo maqaawiir bulshada misaan ku dhaxlahaa markii gaabis mamul Gobolka soo wajahay markii Culimo caan ku ahaa arimaha diinta qarax lagu dilay arimahaa oo idilna aan la ogaan ujeedka iyo sababta ay u dhaceen.

Waxaa is abaabulay oo gaaray heer aan horay loo arag dhalinyaraa xaafadaha Galkacyo waxaana ay ku baleen iskaashi iyo wax uqabashada Gobolkooda oo kaharay Gobolada kale waxaana ay wacad kumareen in ay u shaqayndoonaan si cadaalad iyo hufnaan ku dheehantahay.

Dhalinyarada ayaa isqabiyay waxaana xaafadkasta ay samaysay qorshe ay ku hormarinayso xaafadeed iyo guud ahaan magalada waxaana talaabooyinka ay qaadeen uriyaaqay duqow wax badan soo noolaa ishana ku hayay marxalada somaliya waxaana ay ku tilmaameen kocdoonka Galkacyo ka socda raja soo celintii Somaliya.

Mamulka Gobolka Mudug oo kacdoonkan lakawsaday ayaa ladhacsan habka uu kacdoonka u socdo iyo talaabooyinka ay qaadayaan horboodayaasha kocdoonka Gobolka Mudug waxaana ay sheegeen in garab iyo gaashaan kaga gudban xumaanta iyo cidii soo hujuumta ay noqonayaan.

Ilaah kasokaw waxaa mudan in mahad loo celiyo Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo kamida ah Salaadiinta Gobolka Mudug ahna mishiinka uu ku dhaqdhaqaaqo kacdoonka Gobolka Mudug hadii uusan jirina sidan aysan hawsha u socoteen waxaana Suldaan uu qaaday talaabooyin ay bulshada Gobolka Mudug diihaal baan uqabeen kuna oon baxeen.

Hadalada qiiradaleh ee kicinta iyo baraarujinta isugu jira ee shacabka uu ujeediyay Suldaan C/salaan waxay laabtooda badashay shaqsiyaad badan oo kaniyad jabay in wax laga qabankaro xaalada Gobolka Mudug waxaana haatan guud ahaan bulshada Gobolka guntiga u dhuuqsadeen in qofkastaa hawsha kaqabto halka ay kagabeegantahay.

Suldaanka ayaa cod dheer iyo mid gaaban bulshada Gobolka Mudug ugu baaqay in ay isku tashadaan waqtigana ay leeyihiin ifafaalo umad dabar go’aysa hadii marxaladan ay kujiraana ay galayaan gud mugdiya oo ay adagtahay sida looga baxo.

Waxaa rajadooda soo laabatay Qorbajoogta reer Puntland gaar ahaan reer Mudug oo afkaar qaldan ka haystay Gobolka Mudug waxaana daraasad kooban oo intii uu bilawday kacdoonka lasameeyay ay qiyaasaysaa in qorbajoog badan ay go’aansadeen in ay Gobolka dib ugu laabtaan kana qaybqaataan aaya katalinta Gobolka Mudug halka qaybkala muruq,muul talo iyo tusaale ku biiriyeen Dhalinyarada Gobolka Mudug iyo Gudiga aaya katalinta Galkacyo.

Iskutashiga shacabka sameeyeen hadii uu sii socdo rabina ku garabgalo waxaa lagaaridoona waxbadan oo shacabka Gobolka Mudug ku haminayaan waxaana rumoobidoona hamigooda geedigooda hayaankaana waxaa uu sal dhigandoonaa goob amaan iyo hormar.

Hadii aan milicsano in kooban markii uu bilawday kacdoonka waxaa uu soo maray marxlado kala duwan waxaan laqanciyay dadbadan oo fikrad qaldan ka aaminsanaa hadana waxay diyaar uyihiin gudiga aaya katalinta in cidkastaa ay muhiim tahay loona baahanyahay fikirkooda waxaa laqabtay kulamo aan horay Gobolka ugu dhicin sida aad Puntlandi.com ka dheehateen waxaana kulamadaa ay qiiro ku beereen odayaal soo noolaa xiligii hormino doonkaa kuwaa oo ilaa iyo haatan utaagan in dalka nabad kadhalato.

Gundhiga qoraalkan”Kacdoonka Gobolka Mudug wuu xididaystay Galkacyana waxaa ay cagta saartay wada Amaan iyo Hormarka.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Shir looga hadlayeey Aaya ka talinta Gobalka Mudug oo ka dhacey Dalka Sweden
Posted by Pi on July 19th, 2011

Todobaadkii hore dabayaaqadiisii waxaa shir balaaran oo mudo socday isugu yimid Magalaada Gothenburg ee wadanka Sweden dhalinyaro kasoo jeeda Puntland Gaar ahaan Gobalka Mudug, Waxaa shirkaas looga hadlayeey Doorka ay dhalinyarada Gobolka Mudug ee Qurba joogta ahi ka qaadan karto kacdoonka ka jira Gobalka ee horumarinta iyo adkeynta Amaanka.

Kulankaan waxaa ka soo qabgalay dad aad u badan oo dhalin yaro ah waxana halkaas laga soo jiidiyeey khudbado aad u qiimabadnaa oo kuli ku aroorayeey iskuduubni iyo waxwada qabsi iyo in laag baxo kalinoolashaha lana isku tashado.

Waxaa dhanka kale khadka teleefoonka uga qayb galay Gudoomiyaha Gobalka mudug Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Cuke iyo Suldaan Abdisalaan . dr Mohamed Yusuf Jama iyo eng Ibrahim Jama Nuur .

Waxaa uu gudoomiyuhu halkaas ka soo jeediyeey war bixin dhinacyo badan tabanaysa iyo mahad calin uu dhalin yarada reer sweden u soo jidiyeey . iyo waxa ay uga bahan yihiin in ay ka cawiyaan asaga oo shardi uga dhigay in ay ayagu horta is cawiyaan iskuna xirmaan.
Waxaa asaguna goobtaas gubaabo iyo dhiira galin iyo kalinta dhalin yarada iyo midnimada aad ugu nuux nuxsaday suldaan Abdisalan oo halkaas ku dharshay dhalin yarada in ay mideeyaan cududooda iyo maskaxdooda naftooda iyo maalkooda.

Waxaa kale oo ayadana xusid mudan in aqoon yahanada dr Mohamed Yusuf Jama Iyo Eng Ibrahim Jama Nuur ay kala hadleen dhalinyarada in ay noqdaan ul iyo diirkeed kadibna u guntadaan say dadkooda iyo dalkooda wax ugu qaban lahayeen aqoontoodana dib ugu soo calin lahayeen ayna cawiyaan walalohooda aan haysan fursado wax barasho ayna ku cawiyaan wax kasta oo karaan kooda ah garahan agabka waxbarashada

Gabagabadii waxaa halkaas lagu magacabay gudi ku meelgar ah waxaana labalamay in kulandanbe la ishu soo labto waxaana iidn soo gubon doonaa asbuucyada soo socda insha allah. waxaan kale oo halkaan idinku soo gudbin doonaa sawiradii video ah maqal iy muuqaal

Puntlandi.com

Sweden
User avatar
Amilla
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1791
Joined: Thu Mar 19, 2009 10:57 am

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by Amilla »

Mashallah

Keep up the good work. i recognized few people.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Dhalinyarada Aaya ka talinta oo soo gabagabeeyay hawl gallo ay laba maalmood ka wadeed xaafadda Garosoor
Image
Kooxda dhalinyarada Aaya ka talinta ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay soo gabagabeeyeen hawl gallo isugu jiray wacyi galin iyo laambado xirid oo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkayo.
Dhalinyarada ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay xiraan in ka badan 250 Laambadood oo ay ugu talo galeen xafadda Garsoor, waxana ay sidoo kale bulshada ugu baaqayeen in ay iska xiran luuqyada aan la marin.
Waxa ay bulshada darensiinayeen in luuqyadu aanay ammaan ahaan u wanaagsan, nadaafad ahaan u wanaagsaneyn dhinac akhlaaqiyanna ka daran, waxaana dadku badankood ay soo dhowaynayeen wacyi galinta iyo baaqyada dhalinyarada.
Intii ay dhalinyaradu hawl gallaada ku jireen ayaa waxaa ka muuqday in ay aad ugu faraxsan yihin hawlaha ay wadaan, waxaana ay laambadaha ku xirayeen meelaha ay u arkaan in ay daruuri u yihin dhanka maritaanka iyo sugidda nabad galyada.
Intii uu hawlgalku socdaya ayaan qaar ka mid ah dhalinrada wax ka waydiinay dareenkoda iyo sida ay u arkaan hawshaa ay wadaan, waxaana ay sheegen in ay aad ugu faraxsan yihin hawlgalladan.
Kooxdani dhalinyarada ah ayaa waxa ay ka fuliyeen xaafadda Garsoor hawl gal soconyay muddo laba maalmood ah, waxana ay maanta u gudbeen xaafadda Israac oo ay ka billaaben wacyi galinta, taasoo ay maalinta birrita ahna hawl fulinta ka billaabi doonaan.
Guud ahaan bulshada gobolka ku nool iyo qurba joogta ayaa aad u soo dhoweeyay hawlgaladan waxaana ay dhalinyaradu u mahadceliyeen maamulka gobolka oo ka saaciday fulinta qorshayaashan oo ay ka mid tahay iyaga oo ka taageray laambada.
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by Xamud. »

Manshallah ilaahey ha u siyadiyo....Wheres Monkey of Garowe?
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Ol’olaha aaya katalinta Gobolka Mudug Oo Maanta Laga Fuliyay Xaafada Israac iyo Godomiyaha Gobolka Maxamuud C/raxmaan Cuuke oo Dhalinyarada Soo Booqday.




Galkacyo(Puntlandi.com);- Dhalinyarada aaya katalinta Gobolka Mudug ee u sitaagay wax uqabashada dadkooda iyo dalkooda ayaa maanta Ole ole wacyigalin iyo iftiimin wadooyinka laanbado laguxiray ka fuliyay xaafada Israac ee magalada Galkacyo.


Dhalinyarada ayaa ku guulaystay wajigii hore ee shaqada maanta in ay xiraan 80laanbadood oolagu xiray wadooyin mugdi ahaa shacabkana eed katabanjiraan kuna dhuumaalaysanjiraan fidna wadayaasha iyo dadka dhibaatada ugaysta.

Godomiyaha Gudiga amniga iyo mamulka Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa maanta dhalinyarada soo booqday kuna dhiirigaliyay shaqada ay hayaan kuna tilmaamay mid dhaxalgal ah loona baahanyahay in ay siiwadaan.

Xiliga uu goobta dhalinyarada ku sugnaayeen soo gaaray Godomiyaha waxaa sacab iyo mashxada ku soo dhaweeyay dhalinyarada aaya katalinta oo diihaal badan uqabay in mar Godomiyaha la kulmaan inta ay shaqada kujiraan waxaa wajiga Godomiyaha laga dheehankaray dareen Farxadeed.

Cuuke ayaa sheegay in shaqada ay hayaan ay farxadgalinayso dhalinyaradii Gobolka oo ujihaystay in Gobolka Mudug waxkaqabtaan waxaana uu balanqaaday in uu garabtaaganyahay kuna dhiirigalinayo shaqada ay hayaan.

“Hakadaalina waa indingarabtaaganahay waan idintaageersanahay waana idinlashaqaynayaa Layrarkana waan idinlaxirayaa diyaar ayaan idiin ahayn waxaana ubaahanahay in wax laqabto ayuu hadalkiisa raaciyay Godomiyaha.

Waxaa uu sheegay in uu yahay shaqaalee loo igmaday in bulshada uu u shaqeeyo loona baahanyahay in lala xisaabtamo laguna dabagalo shaqada uu shacabka u hayo hadii wax kaxumaadaana uu diyaar uyahay in latoosiyo.

Kacdoonka Gobolka Mudug ayaa waqtigan maraya meeshii ugu saraysay waxaana laga gungaaray qaybkamida hamigii shacabka kaa oo ahaa in waxlaqabsankaro .

Dareenka Dhalinyarada aaya katalinta ayaa ah mid wanaagsan waxaa laga dareemayaa sida hiirta waabari ay ugu soo jarmaadaan wax uqabadka bulshadooda iyaga oo aan dhaqaale ku qaadanayn.

Ali Ahmed Abdi
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by CismanMaxamud1 »

:clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by damu »

Ol’ole Taarikhiya Oo Maanta Galkacyo ka Dhacay” Wasiiro iyo Mamulka Gobolka Mudug oo Shaqada Horboodayay Gacantoodana ku Xiray Laambadaha Iftiiminta Magalada.



Image
Galkacyo(Puntlandi.com);- Wajigii kowaad ee ol;olaha luuqyo iyo laanbad xira ee ay wadaan dhalinyarada aaya katalinta Gobolka Mudug ayaa maanta la soo afmeeray waxaana siwada uga qaybqaatay Wasiirka Dhalinyarada Cayaaraha Shaqada iyo Shaqalaha Puntland ,mamulka Gobolka Mudug iyo Dhalinyaro katirsan jaaliyada dibada ee Puntland gaar ahaan reer Mudug


Dhalinyarada aaya katalinta ayaa dabayadii todobaadkii nawaydaartay qaaday Ol’ole baaxadwayn oo gundhigiisa ahaa sidii shacabka loogu wacygalinlahaa xirida surimada ama luuqyada aan muhiimka ahayn iyo xirashada laanbado iftiimiya wadooyinka iyo xafadaha magalada waxaana wajigii kowaad ee ol’olaha maanta ku soo idlaaday guul iyo Farxad.

Madasha ay kaduulaan dhalinyarada aaya katalinta ugana qalabqaataan Ol’olaha waxaa maanta ku soo booqday Wasiirka Shaqada Shaqalaha Dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland iyo mamulka Gobolka Mudug oo uu horboodayay Godomiye Maxamuud C/raxmaan Cuuke waxaana ay ujeediyeen hadalo dardaaran iyo bogaadinxanbaarsan.

Maxamed C/risaaq oo kamida Dhalinyarada aaya katalinta Gobolka Mudug ayaa goobta ka aqriyay warbixin ku aadan waxyaabaha ay tabanayaan iyo waxa ay doonayaan in laga kaabo waxaana uriyaaqay hadalada uu goobta kajeediyay dhamaan madaxdii iyo maqaawiirtii goobta ku sugnaa.

Maxamed ayaa sheegay in Gobolka Mudug gaabis badan kuyimid gaar ahaan dhinacyada mamulka iyo amaanka loona baahanyahay in in Dawlada iyo mamulka keenaan qorshe lagu hormarinayo garabna siiyaan dhalinyarada iskutaagtay hormarinta Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in Dhinacyada Amaanka ,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Ganacsiga Garsoonka iyo Cadaalada Galkacyo ka hoosayso Gobolada kale Puntland taana bundhig utahay amnidarada kajirta Gobolka kuna soo hiranwaayeen dadbadan oo kaqaybqaadanlahaa hormarinta Gobolka Mudug.

Maxamed C/naasir oo kamida Dhalinyarada ayaa dhinaciisa madaxda iyo mamulkau iftiimiyay waxyaabihii ay qabteen intii ay u istaageen hormarinta Gobolka Mudadiigaabnayd waxana uu sheegay in ay dhaliyeen isbadal iyo isdhaxgal dhinaca bulshadaa.

Waxaa uu sheegay in kulankii ugu horeeyay ee aaya katlinta Gobolka Mudug uu galiyay hididiilo iyo dareen ah in ay waxqabsankaraan waxaana uu intaa ku daray in laysku dumay guud ahaan dhalinyarada Gobolka Mudug lana sameeyay hogaamiyayaal dhinaca xaafadahaa.

Barnaamijkii Bandhiga Xaafadaha oo ahaa Barnaamij ay hido iyo dhaqan ku soo bandhigeen dhalinyarada Kulankii Dhalinyarada Ol’olihii Garoonka lagu dayactiray iyo Ol’olaha xirida luuqyada iyo laanbadaha ayuu uga waramay madaxda Maxamed C/naasir.

Maxamed Yuusuf Jaamac oo katirsan gudiga sare ee aaya katlinta Gobolka Mudug ayaa sidoo kale madasha ka soo jeediyya hadal qiiro leh oo kiciyay dareenka dhalinyarada iyo madaxda ku sugnaa goobta waxaana uu uiftiimiyay in hawlahan socda ay ku yimaadeen iskutashi iyo in laaaminay in wax laqabsankaro.

Maxamed ayaa katirsanaa madaalayaasha kacdoonka Gobolka Mudug waxaana uu kamidahaa shaqsiyaadka sida hufan uga dhaxmuuqda dhalinyaradana ku dhiirigaliya in ay dadkooda iyo dalkooda wax uqabtaan.

Maxamed C/raxmaan oo kamida Jaliyada UK ee reer Mudug ayaa goobta hadal kooban ka soo jeediyay waxaana uu fariin udiray mamulka sare ee Dawlada Puntland waxaana uu ugu baaqay in Gobolka Lagu taageero ciidamo awoodleh oo hanta amaanka Gobolka Muug jaaliyada dibadana waxaa uu ku booriyay in ay gacan ka soo gaystaan hawlaha aaya katalinta Gobolka Mudug oo gaaray halkii ugu saraysay.

Intaa kadib ayaa hadalka laga wareejiyay Dhalinyarada aaya katalinta waxaana hadalka lagu wareejiyay mamulka Gobolka Mudug,Daahir Maxamuud Muuse ayaa jeediyay hadalo uu dhalinyarada ku amaanay hawsha ay Gobolka uhayaan waxaana uu sheegay in ay garabtaaganyihii hadalkana waxaa uu ku soo dhaweeyay Godomiyaha Mamulka Amniga iyo Hormarinta Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke.

Cuuke ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay shaqada socota waxaana dhalinyarada ku bogaadiyay shaqada ay shacabka uhayaan kuna dhiirigaliyay in ay wadaan kana daalin waxaana uu balanqaaday in mamulka xilikasta garabtaaganyahay shaqadana kaqaybqaadanayo.

Wasirka Shaqada Shaqalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Indhaguran ayaa hadal dheer uu kagawaramayo marxalada Gobolka marayo halka ay gaartay amaandarida iyo abaabullka dhalinyarada kajeediyay goobta.

Wasiirka ayaa dhalinyarada u sheegay in ay bilaabeen hawl aad uwanaagsan waxaana uu sheegay in waxaqabdka u dhimanyahay loona baahanyahay in muhiimada koowaad ay sugida amaanka siiyaan.

Gunaanadkii khudbadaha kadib ayaa laqaybsaday shaqada waxaana Ol’olaha laga fulinayay xaafada Israac iyadoo dhalinyarada ay shaqada ku horkacayeen wasiirka iyo Godomiyaha Gobolka iyagoo gacantooda ku xiray laamnbada kuna wareegayay xaafadaha kuna wacyigalinayya in ay luuqyada xiraan.

Ol’olaha maanta waxaa uu ahaa mid taarikhiya waxaana dhiirigalin ay unoqonaysaa dhalinyarada hawshawada kalsoonina ku beeraysaa shacabka kuna dhiiranayaan in ay waxqabsadaan mamulkana gacansiiyaan.

Galkacyo waxay kagudubtay marxladii baqdinta iyo kalsoonidarada waxaana muuqda Isimo Da’yar iyo Duqaw uguntay wax uqabashada Gobolka iyo mamu dhiiran oo garabtaagan
User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Dhalinyarada Aaya ka talinta Gobolka Mudug

Post by CismanMaxamud1 »

:up: manshallah
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”