Kenya uma ogalin inay Jubooyinka iyo Gedo gasho: Sheekh shariif ma riyaa mise waa riyaadaadii isrog roga badnayd ………..???? Dr. Abdullahi.Bayle
Saan wada ogsoonahay Somalia waxay noqoto 20 sano ee dambeeyey meel aan nidaam dowlo ka jirin. Waxayna soomalia horyaal ka noqotay waxa loo yaqaano (failed states) ama wadan fadhiid ah. taas loo cuskan hayo arimo ay kamid yihiin dadka qaxootiga ama ka baro kaca (refugees & Internally displaced people) dalkoodii hooyo. Soomalia waxay noqotay dowlada 1aad ee dad qaxooti ah ama baro kacayaal ah ku soo kordhisa aduunka maalin kasta, waxaan tusaale kuugu filan inay xerada qaxootiga ee Dhadhaab ( Kenya) noqoto xero qaxootiyeed ka ugu wayn aduunka (Largest refugee camp in the world). Badhtamihii Sanad kan 2011 waxaa lagu qiyaasay qaxootiga soomaliyeed ee ku nool dhadhaab inay yihiin 380,000 qof oo ka diiwaan gashan laanta qaxootiga ee UNHCR [xigasho: aljazeera]. Cadadkaasi wuu sii kordhaa marba marka ka dambaysa, sanadkana waxaa dhibaatada sii laba jabaaray macaluushii darnayd ee umada Somaliyeed ku habsatay, sidii caadada ahayd na kumanaan soomali ahi ayaa soo miciin biday Dhadhaab iyo Kenya.
Hadaba, iyada oo umadii soomaliyeed ku taamaysay inay maruun ka baxaan qaxootinimada, kuna noqdaa ciidoodii hooyo ayaa waxay ogaadeen inuuna ceelna u qodnayn ceelalyo na u maqnayn. Waxaa amakaag iyo fajac ku noqtay umada soomaliyeed dhamaan gaar ahaana shucuubta Jubooyinka iyo Gedo hadalkii kasoo yeedhay Madax wayne Shariif ee uu ku diidanaa la dagaalan ka argagixisada caalamiga ah ee jooog iyo jeef ba u diiday umadii soomaliyeed. Dhibka xamar (Mogadishu) ay alshabaab ku hayaan wuxuu la mid yahay kan ay ku hayaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana cadayn kuugu filan dareen daka kasoo jeeda gobaladaas ee sida cad uga biyo diiday hadalka shariif waxayna ku dhawaaqeen “Dowladda Kenya waxay naga dulqaaday dhibaato ay nagu hayeen kooxda Alshabaab, mana ogolaaneyno in Kenya ay ka baxdo Jubooyinka ilaa ay naga xoreyso cadowga,” [Kismaayood.com].
Waxaase lafo gurid u baahan arimahan soo socda:
Sheek shariif dulka soomalia miyuu uka fadli badan yahay, qaarna ay waajib tahay in cadowka laga xoreeyo midna ay xaaran tahay in lagu waxyeeleeyo: shalay shariif ku markuu cambaarayn hayey soo galitaan ka ciidama Kenya ee soo galay Jubooyinka iyo Gedo si looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee alshabaab , wuxuu booqan hayey goobo ay AMISOM ka xoraysay Alshabaab, laakiin waxaa iswaydiin le, cadowgu kii miyuuna ahayn, dhulku dhulkii miyuuna ahayn, dadaku dadkii mayna ahay, waxaa loo baahanyahay inuu shariif ku fahmo hadii ay dhooblay ka dheertahay Villa Somali taasi kama dhigno inayna ahayn dhulka soomaliyeed ee uu madax waynaha u yahay, xaqna ule inay iska caabiyaan cadowga alshabaab
Saan wada ogsoonahay, alshabaab dhibaatada ay ku hayaan umada soomaaliyeed waxay u gudubtay wadamada dariska ah sida Kenya oo ay garaxyo ugaysteen hadana kusii hanjabayaan. Waxaana la soconaa, in dad ajaanib ah si gardaro ah looga soo afduubay gudaha dalka Kenya, sababtaa daraadeed na laa joojiyey halgaladii lagu taakulayn jiray qaxootiga soomaaliyeed ee kunool Dhadhaab. Waxaa iswaydeen le, Shariif ku ma balan qaadi karaa inayna alshabaab mar dambe Kenya soogalin dadna ka qafaalanin?? Hadii uuna balan qaadi Karin sida cad, markaa soo qasab kuma aha dowlada Kenya inay isdifaacdo danaheedana ilaaliso. Mida xigta, half million soomaliyeed ee kujira qaxootiga ee laga irdheeyey hay’adihii gargaari lahaa, hadii ayna dawlad Kenya xil iska saarin amaankoodana sugin, ayaa kale oo masuul kanaqon kara arinkaas. Midkale, shariif ku ma ogyahay inay Kenya khasaarto millions oo kasoo gali jira dhinca dalxiiska? Taasoo ay ugu wacan tahay amaan xumada ay alshabaab abuureen waajibna ay tahay inay Kenya ilaaliso danaheeda dhaqaale iyo tan uma soomaliyeed.
Saan lada socono, dhawaan dowlada Kenya waxay wafti ay hogaaminhayaan Moses Wetangula (arimaha dibada) iyo Yusuf Haji (difaac) u dirtay sommalia, ujeedada socodkooduna wuxuu ahaa inay la kulmaan madaxwaynaha DKMG si ay uga wada hadlaan howlgalada labadan wadan kula jiraan kooxda alshabaab.waxaana xasuusanaa war saxaafadeedkii labada dowlo kasoo wada saareen kulan kaas inuu ahaa inay la wada dagaalamaan alshabaab soomaliyana ogashahay in Kenya sii wadato halgaladeeda dhinca ka ah alshabaab
[The governments agree to: "Continue working together to stabilize Somalia and stamp out the threats of Al Shabaab elements especially terrorism, piracy, abductions, extortions and other international demands] (xigasho: standard media Kenya iyo warbaahinta soomalid ba). Sidaas darteenada, uu urur gobaleed IGAD ku taageeray halgalkaas Kenya [The organisation said it supported the move, and the agreement between Somalia's government and Kenya to co-operate in the operation] (xigasho: BBC). Waxaa sii xoojin haya hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo wareysi siiyay wargeyska The Star (Canada) ee uu yidhi “ciidamada Kenya u kaashanayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab” wuxuuna kusii daray “Innaga iyo Kenya waxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa arrimo dan noo wada ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga wararka iyo qorshe wadajira ah oo aan kaga hortagayno khatarta muuqata ee Al-shabaab,” ayuu yiri Dr C/weli Gaas [xigasho: Hiiraan online]. Hadaba, sheikh Sharif ma wuxuu lee yahay 100 waji????, mise shariif ku wuxuu u dhaqmayaa sidii hogaamiye kooxeed yadii masuulida daraa ee aana kala saari Karin arin qaran iyo mid shakhsi??
Hadaba, sida ay qabaan dad badan oo indheer garad ah, hadalkan shariif ku wuxuu la xidhiidhaa maalmul gobaleedka Azaania iyo awooda soo kordhaysa ee xarakada Raaskaambooni oo ka turjumaya rabitaan ka dhabta ah ee shacabka soomaaliyeed ee Jubooyinka iyo Gedo oo gu’aan koodu yahay sidii loo sugi lahaa nabada, loona dhimo lahaa dadka qaxootiga ee kusii qulqulaya Kenya, iyo in wamada dariska ah lagu la noolaado daris wanaag ( good neighbour) taasoo ku iman karta uun in alshabaab laga xoreeyo jubooyinka iyo Gedo sida ay muqadas u tahay in mugdishu, baladwayn, baydhabo gaalkacayo, Hargeysa laga ilaaliyo inay alshabaab waxyeeleeyaan ama hoy ka dhigtaan.
Laakiin waxaa layaab le inuu sheikh Sharif gogol cas (red carpet) iyo ubax kusoo dhaweeyo maamulda ka dhisan Ximin iyo xeeb, Puntland, galmudug ahlu suna wajaamca, tan Azaania iyo Raskambooni na ay noqdaan kuwo laga jecelyahay alshabaab oo kusii xididaysta gobaladaas. Wuxuuna madax wayne shariif door biday inay alshabaab haystaan Jubooyinka iyo Gedo, wuxuuna si cad uga soo horjeedsaday rabitaan umada soomaliyeed ee gobalada jubooyinka iyo Gedo ee jecel nabada, kala dambaynta iyo qaranimada soomaliya.
Ugu dambayntii, maxaa la gudboon umada soomaliyeed ee Jubooyink iyo Gedo, shabaab kuna curyaamiyeen?
5.1 waa in la adkeeyaa wada noolaaanshaha bulshada iyo nabad galyada guud ee gobaladaas, muhimada 1aad na la siiyo arintaas
5.2 waa in la mideeyaa ciidamada iska barbar dagaalama ee kasoo wada jeeda gubaladaas wixii khilaaf iyo aragti kala duwana la isku soo dhaweeyo, la isuna dulqaado si xal waara loo gaadho.
5.3 waa in la garab istaagaa lana taageero howlgalda dowlada Kenya eek u waajahan alshabaab
5.4 waa in si fiican loo meel mariyo maalmul gobleedkii Azaania ee lagu soo dhisay Kenya, xaraka raaskaambooni na ay ku yeelato dowr muhiim maadaama oo ay mudo dheer dagaal iyo dadaal ugu soo jiraytay in Jubooyinka iyo Gedo helaan daganaasho siyaasadeed oo ku salaysan diinta islaamka iyo wax qabsiga uma soomaaliyeed.
5.5 Waa inay dowlada soomaliya tixgalisaa rabitaanka umada soomaliyeed ee jubooyinka iyo Gedo, ogaataana inay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan cadowga alshabaab iyaga oo kaashan kara Kenya oo ah dowlad xaq badan kule umada soomaliyeed dhamaan.
5.6 Sheekh sharif waa inuu ogaadaa inay shacabka Jubooyinku ahaayeen meeshuu naftiis ku aaminay markii maxaakimtu mogdisho laga soo saaray, Kenya na ahayd meeshii sida wacan loogu soo dhaweeyey. Abaal koodii labada, ma wuxuu noqday Shabaab Ayaa idinka fadhli badan sidii hortaa jiraba ugu gafay shucuubta gobalkan??.