Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Beri baa waxaa la yidhi nin aad u cir waynaa ayaa guursaday gabadh, haday muddo wada noolaayeen ayay gabadhii u dul qaadan wayday ninkan cuntadiisa, maalinkii danbe ayay u soo ban dhigtay inuu furo maadaama wax kasta oo ay kariso aysan ninkan deeqsiin karin.
Ninkii oo aad u wel-welsan ayaa u yimid saaxiibkii ugan sheekeeyay arintii. Saaxiibkii ayaa ku yidhi aniga igu daa arinta anigaa xal u heli e.
Ninkii saaxiibkii ahaa wuxuu u tagay gabadhii ninku qabay wuxuuna ku yidhi: Kiilo cune ma joogaa? gabadhii way yaabtay oy is tidhi show ninka cirta waa lagu ogyahay, waxayna tidhi: maya.
Ninkii wuxuu yidhi: kiilo cune markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa waxaa kuu yimid LABA KIILO CUNE, wuxuuna ku yidhi aniga iyo SADDEX KIILO CUNE noogu imow gurigii AFAR KIILO CUNE.
Gabadhii way yaabtay oy is tidhi malah raggu waa wada sida ee adigaa haweenka la qabo ugu nasiib badan oo HALKIILO CUNE ku qabaaye qarso.
Halkii ayayna ku joojisay furitaankii ay u socotay reerkeediina ku dhaqatay.
Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin doqon ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay
Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,
Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,
Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".
Ninkii Faarax ayaa waxa uu la sheekaystay gabadh reerkoodu leeyahay degaanka ay u soo guureen Faarax iyo walaalkiis Kabo-Calaf,
Gabadhii ayey go'aan ku gaadheen iney is guursadaan, Iyadoo arintii halkaa ay ugu xidhan tahay Faarax iyo Gabadhii ayaa waxa dhacday iney is laayaan Faarax reerkoodii iyo gabadha reerkoodii. Dagaal xun baa dhex maray labadii reer, rag badan na way iska laayeen labada dhinacba,'Talo ayaa faro ka haadey' oo waxay ku qabsatay Faarax iyo Kabo-Calafba inay meesha ka guuraan oo degaankoodii dib ugu noqdaan,
ninkii Faarax ayaa ka samri waayey gabadhii ay is jeclaayeen ka dibna wuxuu go'aan saday in uu gabadhii la soo tago, reer miyiguna waxay samayn jireen, dumarka boqolkiiba sagaashan 90% waa lala tegi jiray, tobanka hadhayna waa la bixin jirey 10%.
Sidii caadada u ahayd dadkii hore waxay samayn jireen marka nin gabadh la soo tegayo, wuxuu kaxaysan jirey ilmaadeertii, haddii lagama maarmaan noqon weydo ayuun buu kaxaysan jirey walaalkiis iyo adeerkiis, sababtoo ah marka uu gabadha la soo tago, waxa reerka gabadhu ka dhalatay loo diri jirey walaalkiis iyo adeerkiis iyo aabihiis si ay u soo waydiistaan gabadha,
Ninkii Faarax wuxuu ku soo dhex dhacay ilmaadeeradii, wuxuu u sheegay in aanu marnaba dhaafi karayn gabadhaa oo uu jecel yahay, naag kalena aanu il saarayn inta gabadhaasi nooshahay, ilmaadeeradii waxay kula taliyeen in uu iska daayo, waayo colaad xun oo rag layska laayey ayaa ka dhex dhacday labada reer, markaa hadii ay arkaan niman ka socda reerkii ay is laayeen waxay u malaynayaan iney doonayaan in ay rag laayaan. Markaa iyagana waa la laynayaa, sidaas awgeed ayey kula taliyeen in Faarax uu ka samro gabadhaa.
Faarax kuma qancin arintaa ay u soo jeediyeen ilmaadeeradii, wuxuu go'aan ku gaadhay in uu keligii iska tago. Walaalkiis Kabo-Calaf oo ***** loo yaqaan ayaa jiridhi aniga ayaa ku raacaya mar haddey ku diideen ilmaadeeradaa. Kabo-Calaf ayaa raacay Faarax waxayna aadeen gabadha iyo meeshii ay degenaayeen, dhulka u dhexeeyaa waa abaar cidlo ah reerana ma yaaliin, mudo illaa habeen iyo maalin gaadhaysa ayey nimankii wadada sii hayeen, maalintii danbe ayey ku soo bexeen degmadii gabadhu ka dhalatay, maalintii oo dhan ayey dhuumanayeen sababtoo ah colaadii ayaa weli sii qoyanayd, casarkii ayey gabadhii oo awr caraabinaysa meel ka heleen, waxayna ku yidhaahdeen "gabadh yahay adiga ayaanu kuu soconaa, waadna og tahay labadeena reer colaadda ka dhex oogan markaa waxaanu doonaynaa ilow iyo ilowba in aad na raacdid caawa"
Gabadhu waa naag naago ka tagtay oo fariidnimo meel isla taagtay. Markiiba waxay u sheegtay geed ay ugu timaado caawa. Wakhtigu weli waa go' oo roobku wuu da'ayaa. Afarta jaho ayaa waxa iska soo qabsaday roob, nimanku wax yar oo jicsina ayey siteen intiina habeenkii iyo maalintii ay jidka ku soo jireen ayey soo laasteen. Markii abeenkii dumay ayaa waxa dhacay in nimankii roobkii geedkii hoostiisa uu ku qadhqadhiyo gabadhiina ay ka raagto. Gabadhii waxa ku dhacay walaaladeed iyo ilmaadeeradeed oo geela hor seexan jiray ayaa roobkii guriga ka soo jirsadey sababtaa awgeed ayaanay gabadhu u soo bixi karayn.
Nimankii waxay raagsadeen gabadhii markaasay gurigii dudadiisii intay isi soo taageen ayey dhegeysteen meesha ay ka sheekaynayso, dabadeedna way gujiyeen, gabadhiina way garatay in loo yeedhayo markaasay sheeko ay iyagana wax ugu sheegayso walaaladeed iyo ilmaadeeradeedna ay sheeko dhacday uga dhigayso ayey ka sheekaysey.
Waxay tidhi" beri ayaa waxa dhacday nin iyo gadhab ayaa is jeclaa, labadoodii reer ayaa is laayey, nimankii gabadhii way ka samri waayeen , dabadeed waxay soo aadeen gabadha reerkoodii markaasaa roob da'ay sidan caawa oo kale, markaasay nimankii gabadhii la hadleen waxayna ku tidhi, haddii aad gaajoonaysaan caanaha dhiilka ku jira ee xirada adhiga dabadeeda yaala caba, haddii aad doonaysaan in laydin laayona guriga soo gala, haddii aad aniga idoonaysaana geedkii taga"
Nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen may fahmin arinta, laakiin waxa markiiba fahmay nimankii gabadha duunayey ee ahaa Faarax iyo Kabo-Calaf. Markiiba waxay qaateen dhiilkii caanaha ahaa ee ay gabadhu u tilmaantay waxayna tegeen geedkii balantoodu ahayd.
Markii roobkii is taagey ayaa nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen gurigii ka tegeen oo ay xeradii geela horteedii u hurdo doonteen. Gabadhiina markii ay nimankii ka hoydeen ee ay firaaqo heshay ayey soo aadey geedkii ay kula balantay Faarax iyo Kabo-Calaf. Nimankii gabadhii ayey gacanta qabsadeen oo guure ugu dilaacsheen.
Habeenkii oo dhan ayey sii guuraynayeen, markii waagii dilaacay iyagoo maraya meel aan wax dhaqaaqaa joogin cuntana aan sidan ayey gabadhii nimankii ku tidhi: "Ina quraaciya" Faarax oo ah ninkii gabadha la soo tegey ayaa yaabay oo yidhi isagoo la hadlaaya Kabo-Calaf "walaal gabadhu maxay leedahay" ma meel wax lagaucuno ayeynu joognaa waa maxay quraacda ay doonaysaa gabadhu?" ayuu Kabo-Calaf waydiiyey. Wuxuu Kabo Calaf ugu jawaabay: "waxay leedahay ina caddaysiiya" wuu fahmay dabadeed waa la caddayday.
Markii qoraxdu sii dhacaysay ayey gabadhii tidhi: " Degmadii ayeynu soo galnay" Faarax ayaa yidhi: "gabadhu miyey inaga dheer tahay mise way inaga indho fiiqan tahay waa maxay degmada aynaan arag ee ay iyadu aragtaa?" Wuxuu Kabo-Calaf ugu jawaabey: "waxay aragtay haad" Haadu had iyo jeer waxay joogtaa meesha ay oodhu taalo/degmadu taalo. Faarax oo la yaabay gabadhu waxay leedahay iyo sida uu u afgaranayo Kaba-Calaf ayaa waxay soo gaadheen degmadii ay sheegaysay gabadhu. Reer degmada ugu kooneeya ayaa marti geliyey nimankii iyo gabadhii, ka bacdina waxaa loo soo dhigay cunto, sidii reer miyigu samayn jireen marka ay dad marti geliyaan oo ahayd in ama xoolo loo qalo martida ama raashin koob suba ah la soo dhex dhigay iyo caano, reerkii ay u hoydeen na sidii oo kale ayey sameeyeen oo waxay siiyeen raashi koob subag ah la dhex dhigay iyo caano.
Gabadhii ayaa waxay ka xishootay si ay subaga ragga hortooda ku shubato cuntada meesha ay ka cunayso, markaasay aragtay ninkii Kabo-Calaf oo subag dhiniciisii ku shubtay ninkii kalena wuu ku shubtay, gabadhii ayaan inyarna looga tegin subagii, markaasay intay fandhaalkii raashinkii dhinacii Kabo-Calaf saartay ayey tidhi: "maanta Kabo-Calafaw hadal aad I tidhi beerka ayuu sidaa ii kala jeexay", markaasaa subagii iyo caanihii oo is wataa waxay u soo dareereen dhinaceedii, waxay faruurtay gacan dhan oo ay u soo raacaan subaga iyo caanuhu, ninkii Kabi-Calaf oo markiiba wax fahmi jirey ayaa fahmay waxay gabadhu u jeedo, oo ah in ay caanaha iyo subaga intay caawa ka shubato raga ay berito ka dheerayso halkaana ay ceebi ka raacdo raggaa, markaasuu isna intuu raashinkii oo dhan isku dhex walaaqay walaaqay ayuu yidh:"Ana hadal aad I tidhi maanta caloosha oo dhan ayuu sidaa ii walaaqay".
Gabadhii ayaa ka yaabtay fariidnimadiisa ninkii Kabo-Calaf, markiiba waxay qoondaysatay in uu guursado ninkaa Kabo-Calaf. Markii ay guryo tageen ayey gabadhii tidhi: "Intaasi waxay dhaar iga tahay in aan nin aan Kabo-Calaf ahayni I guursanayn, haddii kale gurigayagii ayaan qabanayaa" ninkii Faarax talo ayaa ku cadaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, labo mid ayey isu soo taagtay in uu gabadhii dhibta uu u maray ay dib isa noqoto iyo in uu walaalkii oo ka weyn oo dhibtana la soo maray uu u guuriyo gabadha, wuxuu markiiba go'aansaday in uu Kabo-Calaf halkii gabadhii ugu dhiso, gabadhiina waxaa calfaday oo guursaday ninkii Kabo-Calaf. Ninkii Faaraxna halkii ayaa gabadh kale looga doonay.
Sheekadii Kabo-Calaf iyo Faaraxna halkaa ayey ku dhamaatay.
Nimanki marka haweenki soo labten kuwi oo wali masajidkan a kuhayan ..xedhehen masajidkan maxa cadow meeldher o kamuqaya. Wax saas camaleti. Nimanki xanaaq maxa noku sheki waysen saakay lawadi nin sidi wee dilen. Masajidka maxa cade aa ku dhagay aladhahay.
Non-stop inaan ahay
Speed kaygu high yahay
Snow anaan socon karin
Outside ka mooye
Indoor aanan joogeyn
Ice ka iyo qaboowguna
Oldman udaran yahay
Alberta'na Slippery
Adimadu ku jabayaan
Sleep kayga oo idil
Only four hours yahay
Including maalmihii
Weekend 'ga la odhan jiray
Income kaygu low yahay
Account gaygy madhan yahay
Always tired aan aheyn
Immigrant waa gun'e
Abuse na aan qabo
Skill xumo daraadeed
Labour aan ag taag nahay
Education kaygii already finish yahay
Ignorant jaahil ah
Equal aanu siman nahay
Ammuurtaydu say tahay
Upside down u rogan tahay
Age kaygu wayn yahay
School aana dhigan karin
Afrikaay odhaahdaa
I need money haduu yahay
Every month bill'kii
O! Ya! Sugaysaan
You know exactly information kaygii
If you no aware that
Again bay inoo tahay!!!