Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Twist »

TheblueNwhite wrote:Ok then, I will try sxb. Nin Waceysle ah bilaash uma ahi haddii adeerkey aanan iska celin karin. :lol:
That's what I am talking about. :D

Plus, make sure not to mix English & Somali as most of you dhaqan-celis generation tend to do. :lol:

If that will happen (throwing few English words/phrases in) it better be as funny and catchy as that famous one roaming on the internet for a while. :up:
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Twist »

Lamgoodle wrote:Twist, honestly I just imagined that happening. The three paragraph limit is constraining my creativity.

BlueNwhite, adeerkiisa af soomaaliga cadeeyn uma baahano ee iska daa.
Really? If that's the case then I have a project for you, mate. Let's collaborate on our first fiction book then. :lol:
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Lamagoodle »

Twist wrote:
Lamgoodle wrote:Twist, honestly I just imagined that happening. The three paragraph limit is constraining my creativity.

BlueNwhite, adeerkiisa af soomaaliga cadeeyn uma baahano ee iska daa.
Really? If that's the case then I have a project for you, mate. Let's collaborate on our first fictional story then. :lol:
Why not? Let me start another one and you add a few paragraphs ... tixane kind of story.

Shoobow wuxuu yimid suuqa weyn ee magaalada Burco. Intuu noolaa weligiisa Jowhar ma dhaafin. Burco waxuu u yimid inuu la kulmo adeerkiisa Mowliid oo waa hore iskugu dambeesay. Adeerkiisa wuxuu deganaa xaafad la yiraahdo " Jaanweyn" oo ku guursadey gabar ilkaheeda saqaf leeyihiin oo aad moodid in sabuun la mariyey. Waxuu lahaa laba wiil oo loogu magac daray Mardaadi iyo Mayow . Markuu albaabka soo qaraacey Shoobow waxaa ka furey eedadiisa. Wuxuu yiri; nabad miyaa? Minankii Mowliid miyaa? Markaasaay cod weyn ku tiri; dee yaad dooneeysay? Waxaa sheeko maqlay adeerkiisa oo la soo booday igaarkeey soo dhaaf. Markii la is wareeystay, oo raashin la cunay ayuu adeerkiisa u yeeray Mardaadi oo ku yiri " Waryaahe Mardaadi kaxeey Shoobow oo suuqa soo tus!

Ilaa hadda Shoobow afka lagu hadlaayo si fiican uma fahmin laakin wuxuu iska dhigayey inuu fahmay. Suuqa ayaay imaadeen; wuxuu arkay meel misago lagu cabiraaye. Intuu gacanta xoogaa misago ah ku shubtay ayuu yiri; misagahoow, misagahooy, meeshaan maxaa ku keenay adiga, aniga danaaba i keente? Ninkii misagada gadaayey ayaa wuxuu la soo boodey" waryaahe ma haruur baad dooneeysaa?" Intuu naxay ayuu yiri Shoboow ; Bismilaahi Haruur maay kuu bixiyeen!

Continue...
Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Maandhow »

Lamgoodle wrote:
Lamgoodle Bar Peking
1 Cinwaanka qoraalkaaga magaciisa?
2 waxaa fiicnaan lahayd inaad hordhaca ku sheegto Maano iyo macoow siday isku barteen jacaylka dhaxmaray iyo sababaha keenay inay is weeyaan ma dhoofaa ma dagaalaa ma wax kalaa? sababahaas ayaa fiicnaan lahayd inaad ka hadasho hordhaca , laakiin nasiib daro waxaad ku bilaawday London beryahaan danbe waxaa ka jiray guux la xiriira shaqo joojin!!! Logical ahaan xataa waa incorrect
3 Madaama Madaama Paragraph walba kusoo celcelisay sabab?
4 Macaanto xageen ku geeyaa ayuu la soo booday; aboowe meeshaad rabtid i geey ayaay ku jawaabtay.
Sheekada ma sidaas ayeey ku dhammaatayy?
Inta kale gudiga ayaan u dhaafaa.

Paragraph 1: Magaalada Landhan waxaa beryahaanba ka jirey guux la xiriira shaqo joojin aay ku dhawaaqeen ururka shaqaalaha ee xoogsatada matala. Maana badanaaba ma dhageeysato iidaacadaha. Sidaasi darteed Maana kama war haaynin shaqo joojinta lagu dhawaaqay.

Paragraph 2: Maano Waxaay magaalada ka deganeeyd xaafada loo yaqaano Iiling oo magaalada dhinaca galbeed ugu taalo. Inkastoo aay ku cusubtahay dalka ingiriiska oo aay deganeeyd saddex sanno oo keli ah, Maana waxaay ahayd gabar Baari ah oo reerkeeda aad u jecel. Subax waliba markaay soo toosto inta aaysan quraacanin waxaay talefoon kula xiriiri jirtey hooyadeed Kutubeey oo deganeyd magaalada Muqdisho oo aay weydin jirtey sida lagu bariyey.
Maanta markaay soo tostay waxaay wacday hooyadeed. Jawaab ma laha. Waay ku celisay marlabaad; jawaab malaha; mar saddexaad waa sidoo kale. Iyadoo welwelsan ayaay waxaay fiirasay saacada ugu dhegan derbiga. 7.45! Intaay hoos ka ganuunacday ayaay is tiri koleey qurac ka gaari maaysid ee bal basku yuusan kaa tagin.

Paragraph 3: Maana waxaay ka shaqeysaa sheybaar ku yaalo cisbitaal u dhow xaafada la yiraahdo Acton. Guriga iyo shaqada waxaay isu jiraan ilaa afar kiilomitar. Waay soo carartay oo waxaay is tiri basku yuu ku dhaafin.. Iyadoo heraan hereeyso ayaay timid barta baasaska laga raaco. Waxaay hoos ka tiri toloow maxaa dhacay? Sideey wax u jiraan maanta meeshu waa cidle ? Nin cadaan ah oo meesha maraayey ayaa u sheegay inuusan bas jirin.

Paragaph 4: Maadaama aay ahayd gabar shaqadeeda jecel welwel aad u balaaran ayaa ku dhashay; toloow maxaan sameeyaa? Ma shaqadaan wacaa ? Mise waxaan qaata taksi? Waxyaabo badan ayaa maskaxdeeda ku dhashay; haddii aan shaqada waco waxaa la ii maleeynayaa mashaqeeysato oo shaqada laiga ceeyrinayaa; haddii aan takso raaco waa lacag badan oo dhaqaalaheeyga kuma filno.

Waxaay u soo dhaqaaqday dhinaca xaafadeeda. Wejigeeda waxaa laga dareemaayey amakaag, welbahaar iyo cabsi intaba. waxaay u soo dhaqaaqday dhinaca xaafadeeda iyadoon go'aan gaarin. Waxaay isha ku dhufatay gaari nooca loo yaqaano Toyota oo nin soomaali ah oo da’adiisa lagu qiyaaso karo 30 jir wato.

Paragraph 5: Maadaama aay tahay gabar soomaali ah waay ka xishootay inaa gacanta u haadiso. Nasiib wanaag wadihii gaariga inta uu buunka gaariga yeeriyey ayuu yiri soo gal walaal xageed u socotaa?. Maana iyadoo xishooneeyso ayaay soo fuushay gaariga, Hal mar ayaa waxaa isku dhacay indhahooda! Markaasu wadihii la soo booday; ileen mowluhu minuu wax fiican kula maago Maano oo jidka taagan ayuu ku tusaa! Si fiican ayaay u fiireysay; waa Macoow! Alle waa Macoow ayaay la soo booday. Gaarigii ayuu demiyey Macoow. Banaanka ayaay iskula soo baxeen oo si fiican ayaay isu salaameen. Waxaay labaduba soo xasuusteen markii aay isla dhigan jireen Dugsiga hoose/dhexe ee Hawlwadaag; waagii aay is jeclaayeen iyo weliba ballantii aay wada galeen markii iskugu dambeeysay; inaay is iloobeynin iyo inaay maalin maalmaha ka mid ah isguursan doonaan. Macaanto xageen ku geeyaa ayuu la soo booday; aboowe meeshaad rabtid i geey ayaay ku jawaabtay.
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Lamagoodle »

Maandhow, mahadsanid, laakin the condition was only three paragraph.

And by the way; in story telling you first create the scene, then the plot and conclusion.

Sheekadaasi ka waran?
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by TheblueNwhite »

"Mar danbe ha isoo wicin fiiliyo di butaano" ayey Safiyo oo aad u careysan tiri markaasey telefonka ku damisey Hanad. Ciil iyo Carro darteedna ilamayn xoog lehna bilaawdey. Ilinta carroda daraadeed waxay ku sii xoojisey in ay isla hadasho, su'aalo badana is weydiiso sidii qof dhimirka la'. '" Allaah, caqli xumiyaa?, ma sidaan baa ii danbeysey? ba'yeey hooyo maxaan u sheegaa afar bilood ka bacdi? ceeb badanaa, ninkii aan aduunka ka doortey miyaan sidan foosha xun leh ka sugaayey? Illaahow tan haddaad i mootiso rag danbe inaan eegi doonin? inaan dhinto ayaa la ii qaatey."

5 saacaddood markey ilin iska weysey oo si walba iskula hadashey ayey Safiya cuudu bilaysatey, go'aansateyna in ay isku diyaariso salaada Maqribka oo labaatan daqiiqo ka harsaneyd. Dhinaca musqusha ayey u dhaqaaqdey si ay u meyrato una weyseysato.
Toban daqiiqo ka dibna markey isu diyaarinta salaada soo dhameysatey ayey dhinaca qolkeeda u soo dhaqaaqdey si ay garbasaarkeeda ay ku tukan lahayd u soo qaadato.
"Ulululuuuuuu, mabruuk hooyo aad iyo aad ayaad iiga farxisey maanta" Hooyo Fatuma tiri ayadoo qadka telefoonka ku jirta, "Safiyaa, haa waa joogtaa ee sug waan doonaayaa hadda" ayey ku dartey Hooyo Fatuma, kolkaa ayey telefoonka ula dhaqaaqdey Safiya qolkeeda.

"Safiya ku mee hooyo" Hooyo Fatuma cod dheer ku tiri markey irrida qolka Safiya hor timid. Safiya ayaa durbadiiba u jawaabtey hooyadeed "soo gal hooyo". Hooyo Fatuma ayaa markii irrida furtey telefoonka gacantana u taagtey Safiya, "waa Xaliimo oo ku salaameyso" ayey tiri ayadoo qosleysa. Safiya ayaa markiiba wareertey oo cirka iyo dhulka meel ay joogtey garan weysey. Intey niyada ka cuudu bileysatey ayey hooyadeed telefoonka ka gudoontey isla markiina ka sii jeesatey si ay hooyadeed u arkin calool xumada wejigeeda ka muuqda. "Hello" Safiya tiri, "haye Safiya? ii waran abaayo?" Xaliimo ku wareysatey cod firfircooni laga dheehan karo. Safiya ayadoo marba jiho eegeysa si ay hooyadeed shaki u gelin ayaa ugu jawaabtey walaasheed Xaliimo "salaad ayaan isu diyaarinaayaa mar dhow ee mar kale aan sheekeysano", Xaliimo oo is celin la' ayaa markiiba la soo boodey "walac ayaan ahey abaayo, intaas inaan kuu sheego ayaan rabey ee bal iisoo wac haddaad fursad hesho". Safiya ilin ayaa ka soo daadatey, jirkeeda dhan inuu jareeyo ayuu bilaabey, istaaga ayaa culey ku noqdey markaasey ku tiri walaasheed "jahwareerka i jilciyey oo jaranjarada iga tuurey waa u jilba jabsan doontaa" dhulkana ku dhacdey si lama filaan ah.

End
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Lamagoodle »

TheblueNwhite wrote:"Mar danbe ha isoo wicin fiiliyo di butaano" ayey Safiyo oo aad u careysan tiri markaasey telefonka ku damisey Hanad. Ciil iyo Carro darteedna ilamayn xoog lehna bilaawdey. Ilinta carroda daraadeed waxay ku sii xoojisey in ay isla hadasho, su'aalo badana is weydiiso sidii qof dhimirka la'. '" Allaah, caqli xumiyaa?, ma sidaan baa ii danbeysey? ba'yeey hooyo maxaan u sheegaa afar bilood ka bacdi? ceeb badanaa, ninkii aan aduunka ka doortey miyaan sidan foosha xun leh ka sugaayey? Illaahow tan haddaad i mootiso rag danbe inaan eegi doonin? inaan dhinto ayaa la ii qaatey."

You are good. Twist iyo Mandhoow; what do you think?
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by TheblueNwhite »

Keep in mind that I was not born in Somalia. Thanks to my dad I can read and write Af Somali. :up:
Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Maandhow »

[TheblueNwhite"] Hordhaca sheeko hore u socotay miyaad ka hadlaysaa?

haddaan nahay akhristayaasha waxaan ku wareer sanahay

1 Safiya iyo Hanad maxaa horta ka dhaxeeyey?
2 Maxaa keenay fiiliyo di butaano aflagaadada, carada, iyo Jahwareerka?
3 Maxay la oonaysaa Safiya mala furay mise naag kale ayaa lala guursaday?

markaasey ku tiri walaasheed jahwareerka i jilciyey oo jaranjarada iga tuurey waa u jilba jabsan doontaa"
dhulkana ku dhacdey si lama filaan ah.
Sidaas ayeey ku geeriyootay miyaa? Allah u naxriisto Amiiin.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by TheblueNwhite »

1. Who is Hanad you ask?
"ninkii aan aduunka ka doortey miyaan sidan foosha xun leh ka sugaayey? Illaahow tan haddaad i mootiso rag danbe inaan eegi doonin? inaan dhinto ayaa la ii qaatey."

2. Why is she's angry with him?
refer to #1 answer and "ba'yeey hooyo maxaan u sheegaa afar bilood ka bacdi?"

3. Why is she crying?
this is the mystery the audience has to solve. Btw, meysan dhiman ee wey suuxdey. :lol:

Sheeko aan alifey weeyaan yacni jacburis de la creme.
User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by abuu_dujaana »

Lamgoodle wrote:
Lamgoodle haddii aad qoraalkaas adiga soo qortay caadi ma tihid saaxiibow!
Maasha Allah looking forward to seeing your new book :up:
.
User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by abuu_dujaana »

TheblueNwhite wrote:
This is saddest story i ever read and I feel sorry for Safiya :broken:

End
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Lamagoodle »

Abuu-Dujaana,
Adigana mid soo tuur
User avatar
Twist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12420
Joined: Sat Jun 25, 2011 11:14 pm
Location: In your neighbors' lawn, stalkin' your mom

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by Twist »

TheblueNwhite wrote:"Mar danbe ha isoo wicin fiiliyo di butaano" ayey Safiyo oo aad u careysan tiri markaasey telefonka ku damisey Hanad. Ciil iyo Carro darteedna ilamayn xoog lehna bilaawdey. Ilinta carroda daraadeed waxay ku sii xoojisey in ay isla hadasho, su'aalo badana is weydiiso sidii qof dhimirka la'. '" Allaah, caqli xumiyaa?, ma sidaan baa ii danbeysey? ba'yeey hooyo maxaan u sheegaa afar bilood ka bacdi? ceeb badanaa, ninkii aan aduunka ka doortey miyaan sidan foosha xun leh ka sugaayey? Illaahow tan haddaad i mootiso rag danbe inaan eegi doonin? inaan dhinto ayaa la ii qaatey."

5 saacaddood markey ilin iska weysey oo si walba iskula hadashey ayey Safiya cuudu bilaysatey, go'aansateyna in ay isku diyaariso salaada Maqribka oo labaatan daqiiqo ka harsaneyd. Dhinaca musqusha ayey u dhaqaaqdey si ay u meyrato una weyseysato.
Toban daqiiqo ka dibna markey isu diyaarinta salaada soo dhameysatey ayey dhinaca qolkeeda u soo dhaqaaqdey si ay garbasaarkeeda ay ku tukan lahayd u soo qaadato.
"Ulululuuuuuu, mabruuk hooyo aad iyo aad ayaad iiga farxisey maanta" Hooyo Fatuma tiri ayadoo qadka telefoonka ku jirta, "Safiyaa, haa waa joogtaa ee sug waan doonaayaa hadda" ayey ku dartey Hooyo Fatuma, kolkaa ayey telefoonka ula dhaqaaqdey Safiya qolkeeda.

"Safiya ku mee hooyo" Hooyo Fatuma cod dheer ku tiri markey irrida qolka Safiya hor timid. Safiya ayaa durbadiiba u jawaabtey hooyadeed "soo gal hooyo". Hooyo Fatuma ayaa markii irrida furtey telefoonka gacantana u taagtey Safiya, "waa Xaliimo oo ku salaameyso" ayey tiri ayadoo qosleysa. Safiya ayaa markiiba wareertey oo cirka iyo dhulka meel ay joogtey garan weysey. Intey niyada ka cuudu bileysatey ayey hooyadeed telefoonka ka gudoontey isla markiina ka sii jeesatey si ay hooyadeed u arkin calool xumada wejigeeda ka muuqda. "Hello" Safiya tiri, "haye Safiya? ii waran abaayo?" Xaliimo ku wareysatey cod firfircooni laga dheehan karo. Safiya ayadoo marba jiho eegeysa si ay hooyadeed shaki u gelin ayaa ugu jawaabtey walaasheed Xaliimo "salaad ayaan isu diyaarinaayaa mar dhow ee mar kale aan sheekeysano", Xaliimo oo is celin la' ayaa markiiba la soo boodey "walac ayaan ahey abaayo, intaas inaan kuu sheego ayaan rabey ee bal iisoo wac haddaad fursad hesho". Safiya ilin ayaa ka soo daadatey, jirkeeda dhan inuu jareeyo ayuu bilaabey, istaaga ayaa culey ku noqdey markaasey ku tiri walaasheed "jahwareerka i jilciyey oo jaranjarada iga tuurey waa u jilba jabsan doontaa" dhulkana ku dhacdey si lama filaan ah.

End
Gabadha miskiinta aad uuraysay Ilaah ka baq ee wax u qabo haddii kale nabsigeedaa kaa soo bixi doono, ayuranti waaxeed. :lol:

PS: I am kinda busy now so I'll be fully back either tonight (if time permits) or the weekend, guys. :up:
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Af Somali Writing Contest: Lamgoodle vs TheblueNwhite

Post by TheblueNwhite »

Waa labo gabdhood oo walaala ah oo uur wada yeeshay, hal keliya ma'ahan. LOL.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”