Page 2 of 2

Re: Tayo Party official website is on AIR! :D

Posted: Tue Mar 13, 2012 1:57 pm
by XimanJaale
Eaglehawk wrote:Farmaajo is doing all the right things, his public profile is high and his political capital is immense.

Ximanjaale

did you know ducaale and president Abdi Mohamoud Omar(ina ilay) recently reconciled.
I didn’t know the immense influence that ducaale had over scandinavian countries, ina lay was complaining about that, on how ducaale cut aid to ethiopia, but they reconciled now and general gabre was there to.
I will pm you little ship story and ducaale that shows you the guys huge influence over scandinavian countrie
s
Yeah bro, waan la socdo dhacdadaas. Apparently some kablalax politicians have also made some accusations about Dr Ducaale calling him a criminal and stuff like that. Funny how the moment Farmaajo was appointed as PM many accusations were thrown at him.

Here is one of the Dr Ducaale's accusations, got it from a dhabacyo website (puntlandi)
Copenhegan(Pi)Sida aan ka soo xiganay joornaal ka soo baxa magaalada Kopenhagen, waxaa usbuucii ina soo dhaafay maxkamad lagu saaray magaalada Kopenhagen Axmed Faarax Ducaale oo hormood ka ahaa koox ku mudaaharaday shirwayne looga hadlayey nabadda iyo horumarka deegaanka soomalida Itoobiya magaalada Kopenhagen ee dalka Danmark bishii oktober ee 2010 – Ahmed Ducaale oo lagu xukumay 10 casho oo xarig ah, shirka aya aka dhacay Magaalada Copenhegan.

Shirkaas waxaa kasoo qayb galey Madaxda deegaanka somalida, Wasiiro federal ah, safiiro iyo shacabwayne fara badan oo ka soo jeeda deegaanka Somalida , waxaa ka mid ahaa dadkii qaban qaabiyay xildhibaan Axmed Dhaqane oo laga soo doorto golaha deegaanka Kopenhagen, kana mid ah masuuliyiinta magaca iyo sharafta ku leh dalka Denmark .

Ducaale oo waraysi siiyay joornaal ka mid ah joornaalada ka soo baxa Danmark, ayaa ku been abuurta xildhibaanka, isaga oo ku andacooday in xildhibaanku uu gacan ku dhiigle yahay oo uu Itoobiya dad ku laayay, arrinkaas oo ay dhammaan dadkii maqlay aad ula yaabeen .Maxkamadda ayaa waxay eedaysanaha Ducaale ku xukuntay usbuucii ina soo dhaafay 10 casho oo xarig ah, oo uu ku badalan karo 5000 kr. ama 500 kr.maalinkiiba oo ganaax ah iyo in uu bixiyo kharashka maxkamadda oo socotay muddo sanad iyo badh ah.

Sida uu qoray joornaalka, Ducaale oo hormood u ahaa kooxdaas yar ee mudaaharaadka samaysay, ayaa fursada badan la siiyay si uu arrinkaas uu uga noqdo , hase yeeshee wuu ka madax adeegay ilaa ay maxkamaddu ku xukuntay eedaysanaha in ay ahayd dambi iyo meel ka dhac hadalada been abuurka ee ku hadlay.

Xildhibaan Axmed dhaqane ayaa dhankiisa joornaalka usheegay in uu ku qanacsanyahay go´aanka maxkamadda oo haba yaraatee aanu wax walwal ah ka qabin in arrintan ay sharaftiia wax u dhintay xag shaqo iyo xag siyaasaba ” waa mahad ilaahay in aanu ku noolnahay waddan ay kala dambayn sharci ka jirto, waxaana aan filayaa in arrintan ay darsi wax lagu qaato u noqoto dadka qaarkii ” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay xildhibaanku.



Ducaale oo ay hadda qabiilkiisa u magacaabeen madaxwaynaha Jubbaland ayaa bishan aakhirkeeda ku sii jeeda magaalada Ohio ee carriga Maraykanka, si uu uga qayb galo shir la doonayo in lagu minja xaabiya dagaalka ay maamulka Azania, ururka Ras-kiyanbooni iyo dawladaha dariska kula jiraan ururka Al-shabab ee looga xoraynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
:lol: