Twist wrote:Waa caynkaa, awoowe.

Gartay!
Saaxib, I have to share this urban legend which was narrated to me at a S(ZAB) gathering last week:
Nin reer konfur ah ayaa wuxuu tagay waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu bartay qaad.
Meel lagu cuno (Marfish)- Qaad pub- ayuu tagay; wuxuu arkay dad uu foox u shidanyahay oo qayiilaayo. Dadkaani mar waliba xoogaa lubaan/uunsi ayaay ku shubaan idinka(?) oo waxaay la soo boodaan "salaa calaa nabi"...
Ninkii reer konfureedka wuxuu is yiri ; walaahi dadka waa dad fiicaan; nabiga ayaay ku saliyaan mar walbo.
Wuxuu baxay wuxuu soo gaday hal kiilo oo lubaan/uunsi;
Markuu meesha qaadka yimid; ayuu daqiiqad kaste xoogaa lubaan/uunsi ah ku shubay idinkii asagoo dhahaayo; salaa calaa nabi
Mid ayaa is celin waayey, markaasu la soo boodey " NAW; waryaahe waa inaad u tagtaa dakhtar waayo calooshaad ka bugtaaye"
Wuu yaabey.... fajac... markaasu mid kale ku yiri; "salaa calaa nabi waxaa lagu qariyaa dhuuso; laakin waxaagu waa calool xanuun"
