sheekh-Farax-zero wrote:Tuulooyinka Hawiye
Tuulooyinka Gaaljecel (Hawiye) ee Jubbada Hoose ee ama kaligiis uu leeyahay ama qayb libaax ka yihiin waa kuwan:
1- Baarka, 2- Koban, 3-Kamsuuma, 4-Sanguuni, 5-Yoontooy, 6-Buulo Guduud,
7-Ganjaroon, 8-Kubbakibir, 9-Jannaay cabdalle, 10- Sacmoojo, 11-Galool yar yar, 12-Canjeel
13-Buurgaabo, 14-Raaskaambooni (degmo), 15-Ooddow, 16-Manaraani, 17- Ilig, 18-Warfele ,
19-Leheleey, 20-Beerxaani (degmo), 21-Geles, 22-Gumbis, 23-Dhexmar, 24-Kudhaa, 25-Istanbuul,
26- Unguuni.
Tuulooyinkaas oo dhan marka laga reebo 5ta tuulo ee ugu horreysa oo hoos taga degmada Jamaame iyo Raaskaambooni, 20-ka kale waxay hoos tagaan (laga xukumaa) Kismaayo
Cawr-Male(Gaaljecel iyo Dagoodiye ayuu la dhashay) tuulooyinkiisa waxay kala yihiin:
1-Cabdalla Biroole, 2-Buulo Xaaji iyo 3-Cusbo, dhammaan waxaa laga xukumaa Kismaayo
Shiikhaal (Hawiye) tuulooyinkooda Kismaayo hoos taga (laga xukumo) waa 1-Hoosingoow (degmo),
2- Dhasheeg Waamo, 3- Baqdaad
Abgaal iyo Murusade (Hawiye) (dad badan ayey filan waa ku noqon dootaa in Abgaal iyo Murusade ay dagaan Jubbada Hoose) waxay dagaan tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur. Dhammaan Tuulooyinka Hawiye waa 34 tuulo (inta aan ogahay), 8 ma ogiye inta kale waxay hoostagaan Kismaayo
Tuulooyinka Daarood
Sida ay reer Waamo og yihiin ma jirto hal tuulo oo uu Daarood kaligii daggan yahay oo hoos tagta Kismaayo (soo baara walaalayaalow), ogaadeen ninka ugu sokeeya Kismaayo ee baadiyaha daggan wuxuu daggan yahay soona Afmadow oo 120km Kismaayo u jirta, tuulooyinkiisana halkan ayaan ku caddaynayaa
Absame (Daarood) tuulooyinkiisa jubbdada hoose waa kuwan:
1-Kulbiyow, 2-Badhaadhe, 3-diif, 4-Taabto, 5- Dhoobley, 6- Afmadow, 7- Xagar, 8-Bibi, 9-Qooqaani, Dhammaan waa 9 tuulo laakiin mid hoos timaadda oo laga xukumo magaalada Kismaayo kuma jirto, Sababtoo ah 2 ka mid ah ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmo waxayna kala yihiin: Afmadow iyo Badhaadhe marka 7da kale 2daas ayey hoostagaan
Majeerteen (Daarood) isagu magaalada Kismaayo ayuu daggan yahay tuulo uu gooni u deggan yahayna kuma taallo Jubbada Hoose, in yar oo kaluumaysato ayaa la deggan Axmed Adan oo Galljecel ah tuulooyinka Kudhaa iyo Istanbuul, kuwa yar oo lo’ gatay si ay deegaan u noqdaanna ayaa Cawr-male Buulo Xaaji la daggan, qabaa’ilka kale ee Daaroodka magaalada Kismaayo un bay deggan yihiin ee baadiyaha ma deggana. Ogow 7 tuulo ayuu hawiye ku leeyahay Jamaame (caasimaddii Jubbada hoose xilligii talyaaniga), Daaroodna isagu Jamaame tuulo kamaba daggana, haddii xaalku sidaas yahay, yaa Kismaayo deegaan u ah Hawiye iyo Daarood? Dadka Hawiyaha ah ee ilaa iyo 1992 xerada IFFO dagganse xaggey kasoo qaxeen?
http://www.keydmedia.net/article/article/kismaayo_daarood_iyo_hawiye_yaa_dadka_deegaanka_ah/