Puntland 2014 Presidential Elections Official Thread.......

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland 2014 Presidential Elections Official Thread....

Post by oxymoron »

:som: :som: :som:
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland 2014 Presidential Elections Official Thread....

Post by oxymoron »

Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2013
Musharrax Cabdiweli Gaas oo u Taagan Madaxtinimada Puntland oo Maanta Gaalkacyo si weyn loogu soo dhaweeyey (SAWIRRO)


Image

Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta soo gaaray ra'iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas xiliganna ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland.

Boqollaal dadweyne ah oo isugu jirey: siyaasiyiin, madax-dhaqameed, dhalinyaro, aqoonyahanno, haween iyo qeybaha kale ee bulshada ku nool gobolka Mudug ayaa si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilligii uu ka soo dagey diyaaraddii sidey waxaa uu dhamanba gacan qaaday intii badneyd dadkii soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay, waxana intaas kaddib loo gelbiyey hoyga uu ku leeyahay Gaalkacyo, halkaasoo uu warbaahinta kula hadlay.

Image
Image


Ugu horeyn waxuu masharrax C/weli Gaas ka mahad celiyey soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyey, waxana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Gaalkacayo, maadaama ay Gaalkacayo tahay goobtii ugu horreysey ee uu soo caga dhigto tan iyo markii uu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u tartami doona xilka madaxweynenimada ee Puntland.

"Runtii waxaan si weyn ugu mahad celinaya soo dhaweynta ballaaran ee ay ii sameeyeen shacabka reer Gaalkacyo, waxay ahayd mid qiimo kaleh agteyda, waxana muuqata inaad isu soo baxdeen xili ay qoraxdu kulushahay, balse waxan u jeedaa sida wanaagsan ee aad Gaalkacayo iigu soo dhoweyseen, waxana ay muujinaysaa inaad doonaysaan inaan idin la joogo, waana idin la joogayaa" C/weli Gaas ayaa yiri

Image

Mar uu ka hadlayey qorshihiisa siyaaasadeed wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay in Puntland uu ka dhaco isbeddel bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo wanaagsan, isagoo xusay in uu wax badan ka bedeli doono xaaladda ay xilligan Puntland ku sugan tahay oo sida uu tilmaamay ah mid aan wanaagsaneyn.

Magaalada Gaalkacayo waxaa ku sugan siyaasiyiin dhowr ah oo horay u shaaciyey in ay xilka madaxtinimada ee Puntland u tartami doonaan. Ilaa iyo hadda tirada musharraxiinta sheegay in ay isu soo taagi doonaan madaxtinimada Puntland marka la gaaro doorashada dhici doonta bisha Janaayo ee sanadka 2014, ayaa geereysa in ka badan 10 musharrax.

http://www.hiiraan.com/news/2013/Nov/wa ... -44001.htm
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland 2014 Presidential Elections Official Thread....

Post by oxymoron »



:clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”