Fowziyo Yuusuf "Waa soo dhoweyneynaa hadii Itoobiya AMISOM ka mid noqdaan"
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhoweysay go'aanka Ra'iiusl Wasaaraha Itoobiya uu ku gaaray in ciidamadiisa ay ku biirayaan howl galka AMISOM.
Fowziyo Yuusuf ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin dowlado cusub, iyadoo xustay in hadii ay in muddo ah dhaqaalahooda ay soo wadeen in maanta hadii caalamka kafaala qaadayo ay soo dhoweynayaan.
"Soomaaliya iyo Itoobiya waa dowlado cusub, wax badan ayayna Soomaaliya u qabteen, waxaa la socotaa in Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya uu dhex dhexaadiye ka ahaa heshiiskii dowladda iyo Jubooyinka iyo isku keenidooda"ayay tiri Fowziyo Yuusuf.
Fowziyo Yuusuf oo sii hadleysay ayaa tiri "Itoobiyadii hore ma ahan waa itoobiya cusub oo soomaaliya garab taagan, hadii caalamka ku caawinayaan dhaqaalaha mudada dheer ay soo wadeen waa soo dhoweyneynaa"
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in ciidamadiisa ay ka mid noqdaan howl galka AMISOM, isagoo hadalkan u sheegay Madaxweyne kuxigeenka Kenya mar uu kula kulmay magaalada Addis Ababa.
Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo dhamaadkii sanadkii 2011 soo galay Soomaaliya, iyagoo dagaalo la galay Xarakada Al-Shabaab.
Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
golfyare@gmail.com