Amisom Genocide

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1927
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Re: Amisom Genocide

Post by cheifaqilbari »

Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa Wiil Somali ah oo 25-jir ahaa laguna magacaabi jiray, C/weli Abukar C/lle; isla markaana watay Mooto ku jiiray Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkan Soomaaliyeed ayaa Waxaa soo Gaaray Dhaawac Culus, waxaana Burbur uu kasoo Gaaray mid ka mid ah Lugihiisa, iyadoo Gaadiidkii ay Wateen Ciidamada ay Socodkooda iska sii wateen markii uu shilku dhacay.

Saraakiil ka kala tirsan Maamulka Hodan Degmada iyo kuwa Gobolka Banaadir, ayaa ka daba-tagay ciidankii AMISOM, iyagoo wadahadal ay la sheegeen kaddib ayaa la isku af-gartay in ciidamada AMISOM ay bixiyaan kharash walba oo ku baxaya daweynta C/weli.

Dhaawaca Wiilkan Soomaaliyeed ayaa la Dhigay Isbitaalka Lafaha ee ku yaalla Degmada Hawl-wadaag, halkaasoo lagu daweynayo; iyadoo la sheegayo in xaaladdiisu ay tahay mid aad u daran.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Hodan ayaa Warbaahinta u sheegay inay Gaadiidka AMISOM Toddobaadkan Gudihiisa ku Jiireen Nin Madaxa looga jiro, kaas oo dhaawiciisa lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Ugu dambeyn, Gaadiidka ay wataan ciidamada AMISOM ayaa Dhawr jeer Dad shacab ah, kuwaas oo Qaarkood u Geeeriyooday Dhaawacyadii soo Gaaray, Halka kuwo kalena ay ka bogsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Shilka maanta ay Gaadiidka Ciidanka AMISOM ku jiireen Wiilkan dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli guddiga Difaaca uu shalay madaxda AMISOM su’aalo ka Weydiiyay Xad-gudubyo lagu eedeeyay in Ciidamada AMISOM ay ka geysteen gudaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiir

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Aug/wa ... 6u85n.dpuf
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”