Re: Tarikhde geeli dhalma badane ee sacad muse ka daceen ogadeen
Posted: Sun Mar 10, 2019 4:12 am
M.C.Beenaleey oo qumaati ooga sheekaynaya sida sahlan ee Geeli taarikhda ugu badnaa ooga soo fara-maroojiyeen qolodà sacsac muse
√.Iradaha gabay Islaanow baryahan, iguma oodnayne
√.Axdi baan ka maray idina waad, igu ogaydeene
√.Aflagaadadiisii necbahay, aafo godobeede
√.Annagiyo Iidoorna ways, arag nacaynaaye
√.Ajashaan ka goyniyo waxaan, ku ijtihaadnaaba ,
√.Ajri baan ka dayayaa sidii, ubadkii Reer Caade
√.Abaabul duulaan Reer Isaaq, waw abtiriyaane
√.Ilmadiid ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay
√.Laba Aadan iyo Nuur Ayuub, idhanka maw dhiibnay
√.Ammaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey
√.Maw oriyey ,oogii ma shiday, mana u eedaamay
√.Ma addayney eyrada jidkuu, amarku qaadsiiyey
√.Ilaalada ma loo direy halkii, lagu astaynaayey
√.Ma soo aragtay Dhoolo aaddanney, araddaaday daaqaysay
√.Odayadii iyo wiilashii, awrtii ma u dhiibnay
√.Intayadii tab iyo xoog lahayd, orod ma guuraynay
√Unkoo salalay, aaskoo dam yidhi, olol ma noo kaahay
√.Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma soo aadnay
√.Lib-dhada oo in dheer la'eg miyaan, weerar ku ekeeyay
√.Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ula-yar maadhiinku
√.Abeesaale iyo Qoorbidaar, uuro mays qabatay
√.Sidii Imuru iyo dawladii Adari, oo koodhay
√.Ama janan albaabkuu fadhiyey, eemar lagu yeeshay
√.Ama awlal malaboo shinidu, uumi kaga yaacday
√.Ama ilo biyo lehoo kaliil, lagu arooraayo
√.Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe
√.Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene
√.Ma irkagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye
√.Kuman uguba, kuman uur leh iyo, kuman irmaan-guuna
√.Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaana
√.Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo
√.Iyo kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey
√.Iyo kuman abeereeyey ah oo, awrta la ciyaarta
√.Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay
√.Intaasoo kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye [1]
√.Insha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye
√.Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse
√.Haddii ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene
√.Aashaa wad mooyee Cillaan, orodkii maw diidnay
√.Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay
√.Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay
√.Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay
√.Iidoorku saw sida tukaha, kuma ag meereysan
√.Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane
√.Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore
√.Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode
√.Ergisaad u hayseene haw, uur xumaanine
√.Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye
√.Idahaaga dhaqo geel ninkii, ab u lahaa raacye