speaking about aqoonsii, just read what this clown wrote, and they wonder why we open topics and make jokes of their socalled country
Waxaan ku riyooday Ismaaciil Buubaa oo leh Somaliland ha la aqoonsado
Dadka riyada cabira waxaan ka codsnaya inay ila eegaan riyadan aan ku riyooday habeen dhaweyd oo aan seexday ka dib markii aan salaadii cishaai tukadey.
Waxaa beryahan danbe warbaahinta aduunka gaar ahaan kuwa la socda arimaha Somalia ay aad u wareysanayeen Ismaaciil Max`ud Hure(Buubaa) oo ah wasiirka arimaha dibada ee Dawlada taagta daran ee uu M/weyana ka yahay C/laahi Yousuf Axmed ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.
Sida la wada ogyahay Ismaaciil Buubaa oo ah siyaasi ruug cadaa ah sucmad weyna ku leh wadamada caalamka gaar ahaan kuwa Carabta iyo Reer Galbeedka ayaa wuxuu ka soo horjeedaa gooni isu taaga Somaliland oo uu dhalsho ahaan ka soo jeedo.
Dadka aadka u cajiima ama u kala dhigdhiga siyaasada gaar ahaan kuwa ku xeel dheer Siyaasada wadankii la iska odhan jiray Somalia ayaa waxay sabab uga dhigaan diidmada uu Ismaaciil Buubaa ka soo horjeedo gooni isu taaga Somaliland mid ku qotanta arin shaqsi ah ama shaqsiyadiisa ku kooban.
Ismaaciil Buubaa oo diidamada uu Somaliland diidan yahay ku koobay inuu lafihiisa uun kala tago Somaliland, balse aan ku kicin inuu fidmo ka dhex abuuro dadka walaalaha ah ee Somaliland u dhashay ayaa wuxuu xilal ka qabtaa dawladaha macmal ahaan loogu sameeyo Somalia. Buubaa oo dawladahaa aan inta badan shaqeyn ka xusha jagooyinka ugu mihiimsan sida jagada Arimaha Dibada ama Maaliyada ayaa waxa uu jagooyinkaa loogu magacabaa iyadoo inta badan Koonfurta Somalia laga waayo cid kale oo jagooyinkaa ka soo bixi karta. Isaga laftiisuna waxa uu jagooyinkaa u doortaa isaga oo og inaan wasaaradaha dalka gudihiisu aanay wax macno ah samaynayn mar hadii dawlada la soo macmalay aanay wax shaqo ah ka qaban dalka gudihiisa.
Buubaa oo imika ah wasiirka Arimaha dibada ee C/laahi Yousuf, ayaa ah mishiinka kaliya ee ka shidan dawladaa godoonka ku ah Baydhaba,.Ismaaciil oo xooga saaraya inuu Maxkamadaha ka godoomiyo aduunka intiisa kale ayaa waxaa uu imika arkaa in xaqiiqdu tahay inaan dawlada C/laahi Yousuf socon doonin. Waxaanu ogyahay in sheekada Somalia ka socota ay ku danbeyn doonto dagaalo qabaa`il iyo diin ku salaysan kaas oo waliba laga cabsi qabo inuu ku baaho geeska Africa oo dhan.
Hadaba Ismaaciil Buubaa oo dadkaa siyaasada naqdiyaa ay ku sheegaan siyaasi aan libiqsan oo aan jeclayn inuu siyaasada ka hadho ayaa waxaan ku riyooday Ismaaciil oo maaro u waayay inay dawlad Somaliweyn leeday ay salaadi u xidhanto. Ismaaciil waxaa ku soo xidhmay Alaab kasta oo lagu heli karo Somaliweyn dhisan oo dawlada oo dhaqan oo calan shan gees lihi ka baba`anayo. Waxaan meel ugu imid Ismaaciil oo isla hadlaya oo leh intii waqti igaga baxday Somaliweyn aan la helayn hadii aan Somaliland gelin lahaa wax badan baan u tari lahaa dadkeyga!!!!.
Ismaaciil ayaa i waydiiyay sababta taa loo waayay, waxaanan ugu jawaabay in dadka Koonfurta Somalia dega oo uu Talyaanigu tababaray ay yihiin Mafia kolba shaadh xidhta kuwaas oo turufada iyo dhaca jecel sidaa darteed aanay suuro gal ahayn xiligan hada la joogo in iyaguna ay is aaminaan cid kalena ay aaminto.
Wuxuu i waydiiyay maxaa idinku Somaliweyn u dooni waydeen ee aad u leedihiin waanu goosanay?!!!. Waxaan ku idhi waan la aamini karayn oo kuligood madaxnimo ayay rabaan iyo xoolo aanay lahayn. Waxaan ku idhi intii Somaliland go`day sadex nin baan baranay oo siyaasada ku soo biiray
1.Faysal Cali Waraabe 2. C/raxmaan Ciro iyo 3.C/Casiis Samaale. Somalia imisa kun baa soo baxay bolaal qabqable boqolaal wadaad iyo boqalaal dumara. Sideenu u aamina umad dhan oo xukun dooneysa.
Ismaaciil ayaa markaa ii sheegay inuu imika laga bilaabo waysada u biyaysan doono inuu Somaliland aqoonsigeeda iyo inay wax noqoto uu cimrigiisa inta ka hadhay ku isticimaali doono isagoon wax jago ah ku doonayn. Ismaaciil ayaan ku idhi jago la`aan sidee ayaad u joogaysaa mar hadii aad tahay nin kharash badan oo waliba faxala?!!! Maacaleesh ayuu iigu jawaabay waan haystaa lacag igu filan inta noloshayda ka hadhay!!!.
Waxaaba ii xigtey anigoo reutrs ka akhrisanaya BBCdana ka dhegaysanaya Ismaaciil Buubaa oo u doodaya aqoonsiga Somaliland.
Riyadan yaan been loo qaadan mala awaal iyo wax aan sameeyay waa run biyo kama dhibcaan ah. (Alla weyn).
Waxaan si aada uga codsanaya cidii akhirda riyadan ee waliba Ismaaciil Buubaa la kulmi kartaa inay iga gaadhsiiyaan anigoo aad arintaa u codsanaya.
Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway .
Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha qaar ka yimid ama ka socda shabkada qarannews, ee waa aragtida iyo fikrada mid ka mid ah akhristayaasha shabakda